Amisom: Argagax iyo Xasuuq (Daawo Video)

Amisom bishan oo kale sanadkii 2007-dii ayaa dufcadadoodii ugu horeysay la keenay magaalada Muqdisho lagana Soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde, afar sano ayaana iminka u buuxsantay mudada ay ku sugan yihiin Muqdisho, dhiig mooyee dheef lagama dhaxlin.
Maqaallo Keydmedia Online
Amisom: Argagax iyo Xasuuq (Daawo Video)

Waxaa Dalka keenay oo saxiixay Dowladii ay madaxda ka ahaayeen C.llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi iyadoona keenitaanki Amisom Dalka keenay ay isku khilaafeen saraakiishii Itoobiya ee Muqdisho joogtay iyo madaxdii xiligaasi, waxaana khilaafkaasi uu ka danbeeyay Itoobiya oo dareentay in laga gacan maroojinayo goobaha muhiimka ah ee ilaha dhaqaalaha ah sida dhacdayba oo Amisom waxaa isla markii ay yimaadeen gacanta loo galiyay dekadda iyo Garoonka Muqdisho

Waxaa loogu yeeray Nabad ilaaliyayaal waxayna xiliya badan codsadeen in Nabad dhaliyayaal loo badalo laakiin magaca loogu yeero iyo kan ay doonayaan in ay la baxaan midkiisna ma istaahilaan, waayo waxa ay ku caan baxeen xasuuq shacab iyo baa’binta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa ku baxa dhaqaale fara badan kaasoo ujeedadiisu ay tahay dhiira galinta xasuuqa shacabka waxaana dhaqaalahaasi bixiya Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyadoona askarta Amisom la siiyo dhaqaalira badan oo wax badan dalka u tiri lahaa haddii askarta Soomaaliyeed la siin lahaa.

Hey’addaha  Xuquuqul Insaanka Caalamka waxa ay cod mideysan ku sheegeen in xasuuqa Amisom ay ka wado Soomaaliya inuu yahay mid aad u helis badan iyagoona sheegay in burbur ba’an ay ka geesteen magaalada Muqdisho, isla markaana dad badan oo Soomaaliyeed ay u geeriyoodeen madaafiicdada Amisom sababteeda, waxaana dadka geeriyooday afartii sano ee la soo dhaafay lagu qiyaasaa boqol kun oo qof iyadoona dhaawaca intaas uu ka badanyahay.

Waa arin iska cad in mas’uuliyadda xasuuqa Amisom ay ka geysaneyso Soomaaliya ay qaadayaan kuwa qarashka ku bixinaya xasuuqa, kuwii Dalka keenay iyo kuwa maanta Dalka ka taliya, waxaana leysku raacsanyahay in maalin ay ahaataba xukun cadaalad ah la horkeeni doono dhamaan dhinacyada xasuuqa ka socda Muqdisho ku lugta leh.

Amisom waxay adeegsataa hub casri ah oo aan loogu tala galin in lagu adeegsado magaalo ay dad shacab ah ku nool yihiin,waxaana mar walba oo ay hub cusub la soo dagaan ku tijaabiyaan badda Soomaaliya oo ay sumayeen, waxaana kaluumeysatada Soomaaliyeed qaarkood ay sheegeen in Amisom mar walba ay hub ku tijaabiso badda taasina ay sababtay in kalluunkii uu nabaad guuro.

Muqdisho maanta marka aad dhex marto oo aad indhaha la raacdo daarihii muunada wacnaa ee magaalada Waxaa muuqaneysa in si arxan dara ah looduqeeyay isla markaana qandaraas weyn lagu qaatay burburinta magaalada.

waa dhif iyo Naadir in Muqdisho ay soo marto maalin aanu shacab u geeriyoon sabab la xiriirta madaafiicada meel ma dayatada ah ee Amisom, waxaana arintaasi darted buux dhaafay isbitaalada, waxaana hubka ay adeegsanayaan Amisom uu yahay mid ka Qatar badan hubkii Soomaaliya laga adeegsan jiray 20-kii sano ee Dalka Burburka iyo dhibaatada uu ku soo jiray.

Badanaa oo badanaa inta mowad wadareed ee ay amisom baday umadda Soomaaliyeed,bal adigaba Xusuuso daawada inta war ee aad kaliya keydmedia ka aqrisay ee nuxurkooda ahaa xasuuq Amisom ay geysatay, bal milicso oo dib u eeg inta maalin ee ay duqeysay Suuqa bakaaraha ee ay dishay hooyo Soomaaliyeed oo korsaneysay caruur agoon ah, dib u eeg inta caruur ee ay amisom agoonteysay, sinaba tiro looguma soo koobi karo.

Waa maqalnay AMisom oo mag xoolaad bixineysa balse ma dhicin in mag aadami ay bixiso marna tiyoo dadka Soomaaliyeed ay u geysato xasuuq wadareed joogta ah maalin iyo habeen intuba.

Tiyoo ay dadka Soomaaliyeed Xasuuqa Amisom la daala dhacayeen ayaa hadana waxaa loogu daray go’doomin iyo xanibaad ganacsi, waxaana uur ku taalada ugu weyn ay tahay in iminka loo sacaba tumayo soo dhaweynta ciidamo kale oo sii barataara howsha xasuuqa kuwaasoo dalal cusub oo afrikaan ah ka imin doona.

Waxaa iminka soo ifbaxaya in Amisom ay u soo jeestay biliiliqada shacabka, iyagoona bilaabay in ay dhacaan hantida shacabka ee ku go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.