Amisom & Shabaab oo dad badan Bakaaraha ku Xasuuqay iyo Ganacsiga oo hakaday!

Muqdisho (Keydmedia) - Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga dalka Soomaaliya, kuna yaalla bartamaha degmooyinka Hodon, Howl wadaag iyo wardhiigleey ayaa xilligaan waxaa soo wajahday wada xumadii ugu darneed taariikhda inta la’ogyahay.
Maqaallo Keydmedia Online
Amisom & Shabaab oo dad badan Bakaaraha ku Xasuuqay iyo Ganacsiga oo hakaday!

Wada xumada heysata Suuqa Bakaaraka, oo ah suuq lagukala iibsado badeecadaha kaladuwan ee aasaasiga u ah nolosha bini’aadaka, dad badanna ay karaadsadaan waxyaabaha ay kumaareeyaan naftoota, oo sanadihii lasoo dhafay tartiib tartiib u sii kodheysay  ayaa waxa meesha ugu liidata ay gaartay markii howl gal xoogan oo ay sameeyeen ciidamada kasocda dalka Burundi ay kula wareegeen wasaraada gaashaandhigga Soomaaliya halkaasi oo bil kahor saldhig u aheyd kooxda Shabaab.

Suuqa Bakaraha oo ah suuqa kaliya ee ay ku soo dumeen suuqyadii dhamaa ee ka jiray caasimada Soomaaliya wixii ka danbeeyay  burburkii dalka ka dhacay 1990-meeyadii  ayaa waxaa yaalla inta ugu badan hantida ganacsatada Soomaalida iyada oo ay ku yaalaan xafiisyada ugu waaweyn ee shariikaadka isgaarsiinta, xawaaladaha iyo dhamaan shariikaadka kale ee howlaha muhiimka u haya Soomaalida iyada oo ay intaa dheere u tahay in baqaarada ugu waaweyn ee wax lagu keydiyo ay ku yaalaan .

Sidoo kale Suuqa wada la’aanu hareysay  ee Bakaaraha ayaa waxa uu halbowle u ahaa busteejooyinka ugu badan ee gadiidka isaga kala goosha guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xirnaanshaha wadooyinka Muhiimka ahaa ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay u muuqataa mid sii jiraysa ilaa gacan ku heynta caasimada ay koox kamid ah kooxaha isku haya dalka ay gacanta ugu geleyso taas oo ah mid aan lasugeyn waqtiyada fooda nagu soo haya.

Marka laga soo tago in suuqa Bakaaraha xilligaan uu u furanyahay wixii Bakaaraha waqooyiga kajira, majito wada rasmi ah oo dadka ku sugan dhanka dowladu maamusho iyo kuwa ku sugan koofur galbeed caasimada iyo guud ahaanba gobalada koofured ee dalka ay u maraan Suuqa Bakaara taas oo habacsanan aad u balaaran ku keeneysa habsami u socdkii guud ahaan ganacsiga Soomaaliya, maadaama ganacsiga dalku uu ku xiranyahay Suuqa Bakaaraha.

Saameeynta ugu balaaran xirnaanshaha  suuqaasi waxa uu ku yeeshay dadka ku nool dabaqada hoose oo aan heysan wax raasumaal ah kuna noolaa waxyaabaha maalinlaha ay uga xoogsadaan suuqa sida kuwa xamaaliga ahaa iyo ganacsatada iibisa alaabaha yar yarka ah sidaasna naftooda iyo nafta kuwa ay u soo shaqo tageen kumaareyn jiray.

Waxyaabihii dekadda Muqdisho laga soo dejinayay ayaa xilligaan laweyanyahay meel lageeyo iyada oo aad arkeyso gaadiid xamuul ah oo maalma badan ku xaniban qeybaha dowladu maamusho loona weysanyahay bakhaar looga rogo xamuulka saaran taas oo gaadiidleydu ay ka cabanayaan

Intaas oo dhan oo dhibaata ah iyada oo lagu qabo xirnaanshaha wadooyinka gala suuga Bakaaraha, hadana majirto dadaal muuqda oo ladoonayo in dib loogu furo wadooyinka suuqaasi loo maro si looga boxo jaha wareerka taagan ee ruux waliba ee Soomaaliya ku sugan saameeyay marka laga reebo dhinacyada ku lugta leh xirnaanshaha wadooyinka.

Ninka sheegta gudoomiyaha ganacsatada suuqaasi ayaa waxa uu maalin kahor sheegay in dadaal ay doonayeen in dib loogu furo wadooyinka taga suuqaasi uu guul darro ku dhamaaday kadib markii waji gabax ay kala kulmeen sida uu sheegay ciidamada AMISOM oo iyagu diiday in wadooyinka mara meelaha ku dhaw saldhigyadooda Muqdisho dib loo furo, arintaas oo afhayeenka ciidamada Shisheeye uu gaashanka u daruuray.

Dowlad KMG Soomaaliya oo iyadu ah tan kaliya ee ladoonayay in ay shacabka soo jiidato oo ay ugu yaraan eraya qalbiga u wanaagsan ku dhawaaqdo ayaan wali ka hadal xirnanshaha wadooyinka iyo sida laga yeelayo, iyada oo ay intaa sii dheer tahay wado aad cariiri u ah oo loogu  lugeeyo Bakaaraha martana meel ku dhaw hoyga u mada ay xirto dowladu marka ay kulan baarlamaanku yeelanayaan taas oo sii xumeysa fikirka shacbu ay ka heestaan dowlada waqtigeedu sii dhamaanayo ee madaxweneheeduba uusan waligiis tegin suuqaasi  Bakaaraha isaga oo madaxweyne ah.

Isku soo wada duuboo hadii aan wax laga qaban wada xumada hareysay suuqa Bakaaraha waxaa imaanaya in dad badan oo noloshodo ay ku xirneyd ay macluul iyo gaajo ugu dhamaadaan dalka.

Mohamed A. Warsame - Muqdisho - [url=http://www.kedmedia.net]http://www.kedmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.