AMISOM Waxey Ku Guuldareysatay Howllihii Loo Igmaday - Hala Dhiso Ciidamada XDS!

Cabdullahi Ibrahim — Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa u muuqda mid ku fashilmay howshii loo igmaday ee ay sababteeda u yimaadeen dalka Soomaaliya, taasoo ahayd ilaalinta Xarumaha Dowladda Federaalka, sida Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo kale, waxeyna ku fashilmeen kadib markii ay soo weerareen Kooxda Al-shabab.
AMISOM Waxey Ku Guuldareysatay Howllihii Loo Igmaday - Hala Dhiso Ciidamada XDS!

Ciidamadan ayaa dalka soo galay horaantii 2007-da, waxa ayna ahaayeen kuwa marba tiradooda la kordhiyo ilaa la gaarsiiyey 22000 oo Askari, waxa ayna ka kala socdaan ciidamadan wadamada kala ah Uganda, Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Siraliyoon.

Waxtar-xumida ka muuqata ciidamadan, ayaa keentay in ay Shababku ku soo dhiiradaan in ay soo weeraraan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo xarun u ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan sheikh Maxamuud.
 
Ka dib markii la kordhiyey tirada ciidamadan, islamarkaana ay ku soo biireen ciidamada Itoobiya, ayaa waxay Dad badan filayeenin ay wax badan ka badali doonaan amaanka dalka, islmarkaana ay jabin doonaan Xarakada Al-shabab si ay dowladdu ula wareegto guud ahaan gobolada Koonfurta oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabab, si dalka looga qabto doorasho xor ah Sanadka 2016, balse taasi waxaa dhacay cagsigeeda.
 
Waxa ay ciidamada AMISOM kala wareegeen Al-shabab dhowr magaalo oo ku yaallo Koonfurta iyo bartamaha dalka, waxa uuna hadafku ahaa in amniga la sugo, islamarkaana lagu baahiyo deegaanadaasi nidamka dowladnimo, Sidoo kalena loo fidiyo dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi adeegyada ay u baahan yihiin sida waxbarashada iyo caafimaadka, laakiin waxaa dhacday in ay AMISOM gasho dagaal aan qorsheysneyn, kaas oo ugu danbeyn keenay in lagu go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.