Anti Tribalism Movement: Iftiin u soo baxay Bulshada Soomaaliyeed

Soomaalida mudadanba waxa ay aheyd qaxooti ku kala baahday dunida daafaheeda, waxaana iminka la qiyaasayaa in dhamaan Dalalka Caalamka laga heli karo Dad u dhashay Soomaaliya, kuwaasoo ku howlan arimo kala duwan.
Maqaallo Keydmedia Online
Anti Tribalism Movement: Iftiin u soo baxay Bulshada Soomaaliyeed

Dalka Engiriiska gaar ahaan magaalada Londan waxaa ku nool Soomaali aad u badan, kuwaasoo xiliya kale duwan tagay Dalkaasi, waxaana Soomaalidaasi ay ku lug leeyihiin arimo kale duwan sida Ganacsiga iyo arimaha bulshada.

Bariga Magaalada Londan Horaantii sanadkan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isu tagtay waxa ay kaga dhawaaqeen dhaq-dhaqaaq xiligan baahi weyn ay u qabtay ummadda Soomaaliyeed kaasoo loogu magac daray  dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda qabyaalada oo afka qalaad loo qoro (Anti tribalism Movement) oo loo soo gaabiyo (ATM).

ATM waxaa unkay dhalinyaro ku nool Dalkaasi England isla markaana ka soo kala jeeda gobalo kala duwan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, waxaana dhalinyaradan isu keenay ujeedo ah mideynta ummadda iyo dabar jaridda ku dhaqanka qabyaaladda, Fakir walba oo lagu dhaqaaqo waxaa uu ku dhashaa shaqsi kaasoo bandhiga isla markaana ka fakara dajinta istaraatiijiyada lagu fulin lahaa hamiga ruuxa hal abuuraha ah, Adaan C/casiis Mataan, ayaa ahaa shaqsiga uu ku dhashay abuurida fakarka ah in la abuuro dhaqdhaqaaq ka dhan ah qabyaalada, waxaana uu ku guuleystay Mr Mataan inuu isu keeno dhalinyaro isla markaana fakarkaasi uu ka dhaadhiciyo.

Waxa ay sameeyeen kooxdan ATM la magac baxday nidaamyo ay ku gaarsiinayaan bulshada wacyigalinada la xiriira dhibaatada qabyalaada iyagoona abuuray bog internet oo lagu baahiyo howlahooda iyo waliba aalada isku xirka dunida dowrka weyn ka ciyaarta ee lagu kasbo saaxibadda ee Facebook.


Si looga dhabeeyo arimahan la xiriira kasbashada bulshada iyo gaarsiinta shacabka Soomaaliyeed fariimaha la xiriira dhibaatada qabyaalada iyo himilooyinka dhaqdhaqaaq waxaa ay magacaabeen waax qaabilsan arimaha warfaafinta iyo xiriirka Saxaafadda waxaana madax looga dhigay waaxdaasi C/fitaax Feysal Xuseen.

warbixin  lagu daabacay Website ay maamulaan dhaq dhaqaaqa oo lagu magacaabo www.theatm.org oo looga hadlay himilooyinka iyo ujeedooyinka dhaq dhaqaaqa ayaa lagu yiri “Waxaa isku yimid oo wada tashtay dhallinyaro Soomaaliyeed oo dhammaantood ah ardayda wax ka barata kuleejooyinka iyo jaamacadaha wadankaan UK isla markaana wada aaminsan in dawo loo helo cudurka qalbi dilaaga ah ee qabyaaladda. Waxaa bilawday dood iyo fikrado huwan qaab cilmiyeed ku saleysan taariikhda qabyaaladda iyo waxa ay dhaxalsiisay dadkeena iyo dalkeena.

Kadib dood is weydaarsi dheer, fikrado kala dhageysi iyo weliba dareenka ah aaminsanaanta in lala dagaalamo qabyaaladda ayaa waxay dhallinyaradu isku raaceen inay hellaan urur la dagaalama qabyaaladda iyo dhaqamadeeda xun-xun. Waxaa meesha ka maqneyn in dhammaan dhallinyaraddu ka wada go’an tahay in ay ka dhan noqdaan wixii aaminsan ku dhaqanka ama hir-gelinta ficilada qaldan ee ay qabyaalddu xambaarsantahay.

Waxaa xusid mudan in ururku marnaba ka soo horjeedin qabiil laakiinse uu ka soo horjeedo qabyaaladda. Haddaba inbadan ayaa is weydiineysa farqiga u dhaxeeya qabiil iyo qabyaalad? Waxa noo cad in Illaahay qur’aanka noogu sheegay in qabiilka loo sameeyay si la iskugu garto. Haddaba marnaba kama soo horjeedno in qofku sheegto qabiilkiisa laakiinse waxa aan si toos ah uga soo horjeednaa in la isticmaalo wadooyinka qabyaaladda.

Dad badan oo aan aheyn kuwa ku nool magaalada Londan  ayaa si weyn u soo dhaweeyay hal abuurka dhalinyarada, laakiin waxa ay dad badani is weydiinayaan dhalinyaradan isu tagtay ee iminka ka dhawaajisay fikradda ah la dagaalanka qabyalaada ma noqon doonaan kuwa ka dhabeeya fikradooda? Mise sida ururadii hore ee magaca uun ahaa ayeey isaga taagnaan doonaan?

Waxaan qormo kale ku milicsan doonaa halka jaan iyo cirib ay dhigeen ururo iyo isbaheysiyo hore oo looga dhaqay Dalka iyo dibadda isla markaana la sheegi jiray in bulshada loo unkay .

Hadaba akhriste sideed u aragtaa hamiga ah suulinta ku dhaqanka qabyaaladda ee ay dhalinyaradan ku dhawaaqeen? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.?

________________________________________________________________________________________


ATM-1

ATM anti tribalism movement more info visit
http://theatm.org/ - facebook anti tribalism movement.
email info@theatm.org

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.