Aragagixisada iyo Dhalinyarada Qurbajoogta Soomaaliyeed Maxaa kala heysta!?

Keydmedia Online (KON) - Dowlada Mareykanka ayaa Mudo dheer waxey diirada ku heysay Dhowr Masaajid oo ku yaala Dalka Mareykanka, waxeyna ka qabteen Masaajidyadaas Dhalinyaro la hor keenay Maxkamada Mareykanka oo lagu soo eedeeyay iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen.
Maqaallo Keydmedia Online
Aragagixisada iyo Dhalinyarada Qurbajoogta Soomaaliyeed Maxaa kala heysta!?

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu eedeenayo iney ka tirsanyihiin Argagixisada ama kaba tirsan Argagixisada ayaa Mudadaan dambe soo badanaya, gaar ahaa Wadamada Yurub.

Warbixinta ayaa waxey sheegeysaa iney qaarkood ku howlanaayeen Dhaqaale Aruurinta kuwo kalenah ay ku howlanaayeen iney soo xero galiyaan Dhalinyaro Cusub.

Faadumo Axmed Cilmi oo ah Hooyo Soomaaliyeed, deganah Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka ayaa waxey sheegtay iney in Mudo ah raadineysay Wiilkeedii oo lagu Magacaabo Axmed Ismaaciil.

Hooyadaas oo la hadashay KEYDMEDIA ONLINE ayaa mudo 4 Bilood ah ka wabqabin meshuu ka baxay Wiilkeeda.

"Wuxuu ahaa Wiil aad u dagan, waligeynah kama shakin inuu ku lug yeelan doono Argagixisada, wuxuuna Maraayay Sanadkii ugu dambeeyay Jaamacada Qeybta Dhaqaalaha (Economics)"

"Waxaan sugeynay Qalin jabintiisi sidii Xidiga loo sugo" "Markii dambenah waxaa la ii sheegay iney wada socdeen "Axmed Wali Cali" oo ah Wiil ay Saaxiib ahaayeen oo waliba Guriga noogu imaan jiray, wiilkaasnah waxaa hada lagu sheegay inuu ku suganyahay Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo oo ay Shabaabku ka taliyaan"

"Ma rumeysan karo in uu Wiilkeygi qabi karo dareen uu Dad Bini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.