Aragtida Dadaweynaha: Ha daaficin Xasan Daahir

Caalim - Qormada Dr. Ali Hiraabi ee Xassan Daahir waxay ka dhawaajisay guuxa Dadweynaha ku nool Koofurta Soomaaliya oo dhiigooda mudo dheer qubanayey, ilaa iyo 1991 Burburkii Dowlada Siyad Bare, Dagaladii Cali Mahdi & Caydid, UNISOM, Kismayo, Warlords, Maxkmadihii Islaamiga, Itoobiyaanka & Dowladii Cabdulahi Yusuf oo ku Xasuuqday Muqdisho 30,000 Qof.
Maqaallo Keydmedia Online
Aragtida Dadaweynaha: Ha daaficin  Xasan Daahir

Intaa waxaa ka sii xanuun badanaa arxan darida Koxaha Argagagixisada ku haysay Shacbiga Koofurta Soomaaliya, qaasatan Muqdisho oo Qarax, qoor la gooyo, dil, silcis iyo saxriir, iyo ficilo aadaminiada ka baxsan, lagula kacay Shacbiga Somalyeed cidoo dooni ha noqdeen.

Xasan Daahir mudo dheer wuxuu ka mid ahaa Hogaamiyasha Kooxda Al-Shabaab oo falalkan fulinayey, ilaa iyo Mantanah kama toobo keenin...

Isku soo duub, dulucda hadalkeyga waa hogamiyasha Al Shabab ee ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya sida Xasan Daahir, Muqtaar Roobow, Cali Dheere xanuun dheerad ah ayey ku hayeen Muqdiso, waayo Dilka Dadkooda ayaa loo isticmalay, waxay mudan yihiin ciqaab dheeraad ah, aakhirina tii eebe ayaa sugeyso.

Waxaa intaa dheer, Dowlada Soomaaliya waa in abaal marin siiso, lana Aqoonsado Geesinimada ay Muujiyeen Mamulka Ximan & Xeeb ka dib markii Xassan Daahir ay qabteen oo ku soo wareejiyeen Dowlada, boog Bulshada ku haysay xanun ayey Daawo u heleen.

Dadka u taagan Difaaca Dahir Aweys waa sadex ay isku Jufo-hoosaad yihiin Sida: Indhacade, Subxaanyo iyo Cabdi Dhaahir waxaan leeyahay war Alle ka cabsada miyaa hilmaamteen dhibatada uu Ninkani ku hayey Umada?

Qaraxii Al Shabab ee Beledweyn ee Col Omar Hashi & odoyal badan ku naf waayeen, war miyaa hilmaateen Qaraxii Benadir University ee Dr. Shahiid, Dr. Adow, Dr. Waayeel, Drs. Qamar & 15 ardaydii ka qalan jabisay (future Doctors) Benadir University ku naf waayen, boqolaal arday ee Turki waxbarasho loogu qaadeyey qaraxii ay ku naf waayeen, qaraxii lala beegsaday Wasirka Arimaha Gudaha xiligii Sheikh sharif oo beesha Ceyr ka soo jeeday, iyo kuwa kaloo badan oo aan halkan ku soo koobi karin, Hassan Dahir maxuu ka yiri?

Ma hilmaamteen Dilalka Qorsheysnaa ee waxgaradka Muqdisho lala beegsan jiray Odayaal Dhaqmeedyada, Doctors, Generals, macaliminta, ardada, dumarka, & carurta la dili jiray xiliga salaada subah in ay istaageen maalintii Hashi Eyrow la dilay?

Waxaan jeclahay inaan Codsi u gudbiyo shacbiga Bay & Bakool ku dayadaan mamulka Ximan & Xeeb, oo Muqtar Robow iska soo dhax qabtaan, maatada uu Baydhabo ku laayey mag dhow looga dhigo $5 Million madaxiisa dul saaran, nasiib xumo Dahir Aweys Madaxiisa Lacag ma saarno.

Ugaaska beesha Murarsade & odey Dhaqameedyada sida Mudane Hassan Xaad waxaa leeyahay saaxiibkiin Ahmed Diiriye Taarikhda baal dahab ayuu ka galay xaga nabada, idinkuna Ali Dheer dhagta soo qabata oo Dahire Aweys la soo xira, oo Daynile nabad haku waabariisato.

Siduu ka dhawajiyey Dr. Hiraabe qormadiisa ugu danbeysay ee Keydmedia July 10, ma filaayo in Somaliland & Puntland soo qabtaan Godane & Shongale, laakin inta ay jooogaan Koofurta Soomaaliya Madaxda Maamul Goboleedka soo qabtaan kooxdaan, abaalmarin caalami ah $7 million la siiyo, aqristow waa lacag aad u badan, waana sida qudha ee Mr. Indho Cade & beesha Cayr ku ciil bixi karaan qabashada Ina Godane oo Dahir Aweys dhulka ku jiiday, laguna cafin karo inta yar ee kaga harsan noloshiisa.

Kuwa mooday in la hilmaamey Sheikh Ahmed Madoobe, Gen Morgan, Ali Geedi, Salaad Jeele, Faroole sheekada armey bilow tahay? Waana sababtaa loo doonayo in Barlanka waxqabadkiisa yaryahay inay abuuraan Gudi madax banaan (Truth & Reconciliation) oo dowlada culeyska ka qaado soona dedejiya xakamadeynta danbilyasha 30kii Sano na soo dhaafay intaysan dhiman ama ha  la cafiyo hadii ay qirtaan danbigooda, ama xabsi loo taxaabo ama la daldalo.

Waxaa si dhaqso leh Muqdidsho ugu soo laaban iftiinka nabada & horumar mudo dheer aynu ku taameeynay, kuwa nabada diidan ku waano qaadan karin.

Ramadan Karim, Alle ha inoo danbi dhaafo dhamaanteen, inta dhibka soo gaarayna meel kale dheef ha ka siiyo isagaa caadil ahee.

Warbixintaan waxaa Bogga Ra




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.