Aragtida Sharciyeed ee Road Map-ka iyo waxa ka imaan kara!

Drs Marry Mashunguli - Ugu horeyntii waxaan Akhristeyaasha Maqaalkani u caddeynayaa inuu Maqaalkani yahay mid lagu eegaayo Aragtida Sharciyeed ee waxa lagu magacaabey Geedi Socodka (Road Mapka), halka ay mareyso hawlahiisa, sharci nimada Saxiixayaasha (Legal Status of Signatories) iyo waxa ka soo bixi kara haddii uu sidaan ku dhamaado iyadoo laga eegaayo arrimaha soo socda:
Maqaallo Keydmedia Online
Aragtida Sharciyeed ee Road Map-ka iyo waxa ka imaan kara!
  1. Geedi Socodka ama (Road Mapka) ma leeyahay Qeexid Sharciyeed (Legal definition), Marjac Sharciyeed (Leagl source), Xeer Hoosaad , iyo taageero shacbiyeed?
  2. Saxiixeyaasha ma mathalaan Shacabka Somalia oo dhan, ma haystaan kalsoonida iyo wakaaladda sharciyeed ee Shacbi weynaha Somaliyed, mise waa Koox iyada is-caleemo saaratey iyagoo ku xad gudbaaya Jagada ay haystaan ka DKMG, Maamul Goboleed, iyo Urur Jabhadeed?
  3. Guddiyada ay saxiixeyaasha u soo magacawdeen fulinta hawlaha Geedi socoda sida kan Odey Dhaqmeedyada, Ansaxinta Qabyo Qoraalka, Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Farsamada ma yhiin kuwo waafaqsan Sharciga iyo Qawaaniinta Caalamiga ah, mase yihiin kuwo shacabka soo wakiishey mise Saxiixeyaasha ayaa soo magacawdey?
  4. Waa maxay qiyaasta sharciyeed oo lagu soo xulaayo Xildhibaanada Cusub (Selection Criteria), ma jiraa nidaam qeexan oo uu raaci karo Guddiga Farsamada iyo Marjac looga dacwoodo haddii ay xad gudub ku sameeyaan Ruux ay soo gudbisatey Beeshiisa?
  5. Saxiixeyaasha Road Mapka oo misna ah Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Dalka ma la oran karaa Guddiyada ay soo magacawdeen waa arrin waafaqsan sharciga iyo qeynuunka, mise waa mid ay kubaneysanayaan iney ugu tuntaan xuquuqda ay ummadda Somaliyed u leedahay iney ka tashato aayaheeda Siyaasadeed?
  6. Haddii uu khilaaf Sharciyeed ama Siyaasadeed soo kala dhex galo Saxiixeyaasha yaa kala saaraaya, waa xagee marjacooda,maxaase lagu kala saarayaa oo u nqon kara sharci jira , haddii uusan sharcijirinna Heshiis oo ay hore isugu af-garteen oo meel u yaala ?
  7. Waa maxey qeybta ay ku leeyihiin unpos iyo Deeq bixiyeyaasha sharci nimada Road Mapka, khilaafaadka Saxiixeyaasha, kan Beelaha Somliyed iyo Saxiixeyaasha dhexdooda, iyo weliba khilaafaadaka kadhex taagan Beelaha Somaliyed ee ku saabsan Odey Dhaqmeedyadii saxda ahaa oo laga xayuubiye Xuquuqdoodii Sharciyeed oo ay ku mathali lahaayeen Beelahooda?

Haddii si cad loo darso qaabka Sharciyeed ee Hawsha Geedi socoda (Road Mapka), looguna jawaabo qodobada kor ku Xusan waxaan shakki ku jirin in Hawsha Road Mapka ay ku soo bilaabatey Sharci darro, kuna dhamaan doonto sharci darro, taasoo Dalka iyo dadkaba u horseedi karta keliya iney ka rajo beelaan mustaqbalkooda.

Kana aamin baxaan Shuruucda iyo Qawaaniinta ku qoran Xeerarka Caalamiga ah iyo kan Dastuuriga ah siina kala fogeyso kalsoonida Beelaha Somaliyed dhexdooda iyo tan iyaga iyo Beesha Caalamkaba.

Drs Marry Mashunguli - Afhayeenka Ururka Bad Baadinta Shacabka
Email: safe_humanity@yahoo.ca




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.