Arimaha Soomaaliya: Hal loo qeybiyay Eber

By Abdulkariim Haji Seeko Dadka inta badan ku caana maala cilmiga xisaabta waxa ay sheegaan in la heli karo xal sugan marka leyso qeybinayo tirooyin maangal ah oo la’eysla fahmi karo, laakiin qubarada waxa ay caalwaa iyo mid waqti lumis ah ku tilmameen tira loo qeybiyay ZERO, iyagoo sheegay in xalkeeda aan sinaba loo heli Karin.
Maqaallo Keydmedia Online
Arimaha Soomaaliya: Hal loo qeybiyay Eber

Waxba yaanay ararta ila fogaane, hadii aan u gungalo ubucda iyo hadafka qoraalkeyaga, sida aan in badan ka dharagsanahay xaalada soomaaliya waxa ay aheyd jaantaa rogan iyo is ceyrsi in ka badan 19 sanadood, furaha musiibadana waxaa inta badan ay Dadka wax eedeeya dusha uga ridaan jabhadii xilka ka riday maamulkii milatariga oo ay is barbarsocdeen waxqabadkiisa iyo dhibaatadiisa.

Jabhadihii is aaminid la’aan iyo mamul jaceyl ayeey u wadaagi waayeen hab maamulka Dalka, waxaa la soo dhisay oo la dumiyaya Dowlado ku dhaw 10 oo kala leh madax magaceedyo kala duwan oo midba maalinkiisa oo ka macaashay magac beenaadka Dolwadnimada kaasoo aan in badan ka duwaneen Ururada aan Dowliga aheyn (NGO ).
Xukuumada walba oo la soo dhiso waxaa cagta midig u dhigay oo ay ka socon weyday mid kaloo danley ah.oo sheeganaya Siyaasi beeleed xoog badan ama waxa aan maanta u naqaan urur diimeed Inta ay dhacayaan oo dhismayaan maamulada magaceedyada kala duwan, dusaha ayeey ka eeganeeyn Dadka danaha daahsoon ka leh kala dhantaalka iyo caga isku tag la’aanta soomaalida.

Dowlada Farabadan oo isku sawiraya in ay u dhaqdahqaan xal u raadinta soomaalida uu dilooday bur burka ayaa waxa ay hoosta ka sitaan agab ay ugu gol leeyihiin sii kala irdheynta umadda Soomaaliyeed ee Diin iyo Dal wadaaga ah, waxa ayna u kala baxiyeen magacyo Daneedyo kala duwan.

Dowladahaas ayaa mid walba oo ka mid ah waxa ay si hoose xiriir cagaha hoostoooda ah ula leedahay kuwa isku sawiraya in ay matalaan umada Soomaaliyeed ee Hugan magacyada iyo jagooyinka aan waxqabka badan laheyn marka laga reebo in lagu sheeg sheego

Markii aan in badan fiiriyay oo qiimeeyay xaalada Soomliya xalkeeda kama Duwana Hal loo qeybiyay EBER waxaa sidaa ku hadaaqay mid ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed kuwooda aan jeceylka badan u qabin dhex mushaaxa muwjadaha kacsan ee siyaasadeed. Wadanka Soomaaliya waxaa uu bur bursanaa sida aan sadarada hore ku soo sheegnay in ka badan 19 sano, laakiin dadka aan cagaha ka qaadin Dalka mudadaasii uu bur burka ku soo jiray ayaa waxaa ay ku warbixiyeen in aanay waligood ku hamin in xaalada Dalka ay gaari doonto sida ay manta tahay.

Waxaa laga hayaamay oo geeri go’an cidla ah iyo geyin lama dagaan noqday dagmooyin gaaraya ilaa 10 Dagmo oo ka tirsan Dagmooyinka lagu faani jiray ee Caasimada Muqdisho. Waxaa kala irdhoobay oo meel aan isku sheegi Karin caruur iyo waalidkooda saaxibo aan is moogaan saacado , qaarabo is jecleed iyo daris aad isugu kalsoonaa , waxaa beec gaaray dadka oo la kala soocay mid suuq leh iyo mid aan suuq laheyn sida diiwaanka taariikhda ku xusna ganacsiga Dadka aduunka waxaa laga mamnuucay 1807, waxaana  sahal ka noqday Dalka Dilka iyo boobka ,.
Isku dayada la sheegayo in lagu doonayo xal laga gaaro dhibaatada Soomaalida ayaa ah kuwa aan in badan lagu kalsoonan Karin marka loo eego xaaladaha jira.

Sida Dad badan ay aaminsan yihiin waxa ka socda Dalka waa qandraas iyo heshiis hoosaadyo gundhigooda uu yahay kasbasahada qarashaad.iyo sii burburinta Dalka Hadaba suurta gal matahay in qof uu ka tanaasula dariiqa uu ku kasbayo Bariiskiisa? Isla markaana uu ku bartay dhaqaale maaggad ah oo aanay heli Karin dadka caadiga ah, Sida aan filayo Jawaabatu waxa ay u cadahay sida cadceed soo baxaysa.

Soomaaliya hadii aanuu helin dad damiir leh oo ka duwan kuwa hada horboodayaasha u ah waxaa suurta gal ah in aanay waligeed xal helin xaaladana ay noqto mid ka sii daran tan hada lagu jiro, kana adag helitaanka natiijada xisaab aan qaa’cido laheyn.

Qore: Abdulkariim Haji Seeko
Email:mrseeko@live.com
DHAMAAD

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.