Been Abuurkii Qarniga 

Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan oo ku caan baxay musuq-maasuq xad-dhaaf ah, laguna eedeeyay hishiisyo xaalufiinta khayraadka badda Soomaaliyeed, lana galay shirkado Shiinees ah hishiisyo been ah iyo hab-raacyo hareer marsan xeerarka dalka u degsan.

Maqaallo Keydmedia Online
Been Abuurkii Qarniga 

Ma jirto wax laga qabtay ee lagu joojiyay hishiisyadaas xaaraanta ah, maadaama uu yahay gacan-yaraha Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa sida uu rabo iskaga falaada, hishiisyada uu rabo galaa, waxa uu rabana iska qora, si beelaha Soomaaliyeed u kala geeyo, mugdi iyo colaadna u dhex dhigo.

Mr. Jamaal, waxaa lagu abaal-mariyay lacago joogto ah "royalty" in laga siiyo hishiisyada kalluumaysiga uu saxiixay, waxaana wasiirku u muuqdaa mid is-mahadiyay, islamarkaasna ku takrifala wasaaradda Qorshaynta iyo qaybaheeda kala duwan, una dhaqma in wasaaradda qorshaynta ay milkiyadiisa tahay.

Hab-dhaqanka wasiirka waa mid aan lagu arkin dhawaantaan qof mas'uul ah ee leh hab-dhaqankaas foosha xun, wax haba yaraatee ee mas'uuliyad ah uu xeerinaayo aysan jirin.

Mr. Jamaal, wuxuu hay'adaha iyo ururada caalamiga ah u qaybiyay warbixino uu kaga been-abuuranaayo sida qabiilada Soomaaliyeed u kala deggan yihiin magaalada Muqdisho, si mustaqbilka dadka asal ahaan ka soo jeeda gobolka benaadir loo barakiciyo, waana Qorshe dheer ee Villa Soomaaliya laga soo abaabulay.

Mr. Jamaal, wuxuu u qaybiyay beesha caalamka qoraal qabiilaysan, magac-dowladeed la huwiyay, tiro-koob (census) been-abuur ah iyo quraafaad maskaxda bini'aadamka ay diidayso laguna qoray warbixinada wasaaradda qorshaynta, islamarkaasna loo qaybiyay beesha caalamka iyo Bangiga adduunka (World Bank).

Dhacdadaan foosha xun waxaa mas'uuliyadeeda qaadaya madaxda Villa Soomaaliya iyo Ra'isul Wasaaraha xil-haynta ee Wasiirka qorshaynta u magacaabay shakhsi nuucaas qubxiga iyo damiir la'aanta ah kaga been-abuuranaayo dadka deggan gobolka benaadir iyo sida loo kala deggan yahay.

Waxaa la hubaa in mas'uuliyadeeda ay qaadayaan Villa Soomaaliya iyo Ra'isul Wasaaraha xil-haynta wixii fal-celin ah ee ka timaada, haddii aysan si deg-deg ah xilka looga xayuubin Mr. Jamaal.

Dadka ku nool gobolka Benaadir ee lagu qiyaaso 3.5 million, wax matalaad iyo maqaam caasimadeed aan haysan, laga qaado canshuurta dowladdu ku shaqayso, wax adeeg ah (service) loogu qaban, laguna dilo ama lagu caburiyo xuquuqdooda madaniga ah, ayaa dowladda xil-haynta iyada uu magaceeda ku hadlaayo wasiirka qorshaynta ka been sheegay gobolka benaadir iyo sida ay u kala deggan yihiin dadka deggan gobolka benaadir, waana dulmi loo bareeray, una baahan in sida ay tahay looga fal-celiyo.

Arrintaan ma ku eka qoraal been abuur keliya, waa dagaal lagu soo qaaday gobolka benaadir iyo in lagu marin-habaabiyo caalamka, shacabka Soomaaliyeed, lana abuuro xiisado iyo colaado aan horey uga dhex jirin beelaha Soomaaliyeed.

Muraadka iyo qasadka Villa Soomaaliya iyo Mr. Jamaal, waa in la huriyo colaado joogta ah una baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.

Waxa aan sugnaa waa sida dowladda xil-haynta iyo Shacabka Soomaaliyeed uga fal-celiyaan.

Badbaada alle.

Avv. Khalif M Duale




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.