Daawo: Ganacsiga iyo Bilicda Muqdisho oo si Xowli ah usoo laabanaya

Keydmedia Online - Tan iyo Wixii ka dambeeyey intii ay Isbedellada Nabadeed ku yimaadeen Caasimadda Dalka, islamarkaana Muqdisho ay ka xorowday Argagixisada waxaa durbaba magaalada ka bilowday hirgelinta Dhismayaal Casri ah kuwaasi oo ay Hoteellada ugu horeeyaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Daawo: Ganacsiga iyo Bilicda Muqdisho oo si Xowli ah usoo laabanaya

Dhismooyinka intooda badan ayay dadku ka yagleelayaan Goobaha ugu dadka badan, waxaana haatan Muqdisho ay u muuqataa mid soo dhaamaysa sidii ay ahayd muddadii ay dagaallada hareeyeen Magaalada.

Si kastoo loo dhaliilo Waxqabadka Dowladda Federaalka iyo Siyaasadda Madaxda Dalka, waxaa Cad in Billicda Caasimada Dalka ay dib usoo laabaneyso.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa Waayadaan Danbe lagu arkyay Dhismooyin Cusub, kuwaasi oo si Xowli ah ugu scoda Magaalada waxaana aad ugu soo Qul qulaya Magaalda Dadwayne ka Imaanaya Qurbaha, kuwaasi oo samaynaya Ganacsiyo cusub oo dad badan soo jiitay.

Maqaayado lagu sameeyo Cuntooyin Casri ah iyo Hoteelo ay inta badan dadka ka shaqeeya ay Ajaaniib yihiin, ayaa la dhisay Xeebta Muqdisho sida Liido iyo Jazeera, waxaana ay noqdeen kuwa loo dalxiis tago dhamaan Shacabka Muqdisho iyo Qurbajoogta - Waxaa laga hadlayaa 25$ Dollar oo hal mar lagu qadeeynayo.

Dib ugu noqoshada dalka, Qurbo joogta Soomaaliyeed waxa ay ka hirgeliyeen Ganacsi ku fadhiya Dhaqaalo badan gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas aan horay ugu jiririn Gudaha dalka Soomaaliya, inkasto Qurbajoogta ay Sixirka kor u qaadeen, Macaamiishana ay Qaali noqotay.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee Dalka Dibadiisa kasoo laabtay, ayaa dalka ka sameystay Ganacsiyo Macaash fiican leh, hadana waxaa dhanka kale u faa’ideyen Bulshada ku dhqanka magaalooyinka ay ka howlgaleen sida bilicda deegaanka iyo dhismooyin ka bilic wanagsan kuwii hore.

Sanado kahor ma aysan jirin Ganacsi si buuxa uga socda Suuqyada qaarkood ee degmooyinka gobolka Banaadir mehrado ganacsi oo ka socda dhisibada hareeraha wadooyinka iyo weliba kuwa isgoosyada laakiin isbedello cusub ay la yimaadeen soomaalida dalka horay uga hayaamay qaarkii.

Waxbarashada & Jaamacadaha

Waxaa sii kordhayey goobaha Waxbarasho ee Muqdisho laga hirgelinayo kuwaasi oo ay Jaamacadaha ugu horeeyaan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacaddo farabadan, waxaana sii kordhaya Dugsiyada iyo Iskuuladda kadib markii Dowladda ay bilowday Mashruuca "Aada Dugsiyada".

Turkiga iyo Waxqabadkooda

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka hirgelisay Labo Warshad oo waaweyn, kuwaasi oo soo saararaya qalabka dhismooyinka oo Muqdisho si xowli ah looga dareemayo dib u dhis ballaaran oo Dowladda Turkiga wato.

Labadan Warshad ee lagu rakibay Muqdisho ayaa waxaa loogu talagalay iney daboolaan baahida wax soosaarka qalabka dhismo ee Dowladda Turkiga ka wato Muqdisho, iydoo labadan warshad ay mid ka mid ah soos aari doonto shubka wadooyinka lagu dhiso iyo warshad kale oo qalabka dhismooyinka soo saari doonto.

Dowladda Turkiga aa dib u dhis ballaaran ka bilowday Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay, qorshahaasi oo qeyb ka ah mataaneynta Magaalada Muqdisho iyo Istanbul.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, ayaa waxa ay Turkiga saarayaan Laami Casri ah, waxaana hadda laga hergeliyay Wadada isku xirta Madaxtooyada iyo Km4. Turkiga, waxa ay sidoo kale ka dhiseen Muqdisho Xaruumo Waxbarasho oo Aqoonta wax lagu baro iyo Isbitaallo.

Isbitaalka Digfeer oo la dhisay xilligii gumeysigii Talyaaniga ayaan helin wax  Dayactir ah tan iyo markii ay Burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya,ayaa dowladda Turkiga ay burburisay dhismihii dheeraa ee Isbitaalka kana dhigtay Dhismayaal Gaagaaban oo Casri ah.

Isbitaalkan cusub ayaa qaada 200 oo sariirood iyadoo qalabka lagu rakibay ay yihiin kuwo laga keenay dalka Turkiga oo casri ah. Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa Masaajid aad u weyn iyo Machadka Kalkaaliyaasha ay wax ku bartaan. Sidoo kale waxuu yeelanayaa Qolalka Gurmadka Deg-Dega ah oo leh 28 Sariirood.

Keydmedia Online - Editorial Desk, Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.