Bayaan / Statement

Bismillahi Rahmani Rahim

Maqaallo Keydmedia Online

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay tobon sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray. 

Bismillahi Rahmani Rahim

Waxay daah-furtay barnaamijyo casri ah, oo aan horey Soomaalidu Saxaafadda Soomaaliyeed uga baran, sida qaarkiinka xasuusto. Barnamijyadaas waxaa ka mid ahaa DHACDA UGUB AH iyo Soomaalida Maanta. Labadaas barnaamij, waxey Soomaalidu ku saa’idisay hab cusub oo farsamo oo adduunka hormaray uu kus oo bandhigo barnaamijyada maqal iyo muuqaalka ah.

Barnaamijka Soomaalida Maanta wuxuu noqday iskool wax laga barto (media academy) oo Soomaalida indhaha u furay, ahna midka badanaa hadda ay idaacadaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan. DHACDA UGUB AH ayaduna, waxaa laga bartay qaabka wareysiga doocdoocinta ku saleysan, oo aan qofna hadalka loogu naxariisan, ama ha jeclaado, ama yuusan jeclaan. Nasiib darro, warbaahinta Soomaaliyeed ee maantay kuma dhiirato in ay shaqsiyaadka ay wareysaneyso ay weydiiso su’aalaha uusan jecleyn.

Qeybta saddexaad waa mida “Somali Archive” oo ay ku dhex jiraan dokumentariyo taariikheed oo aan horey loo arkin. Tusaale, dokumentarayaashii ku caan baxay “Top Secret” oo indhaha u furay malaayiin Soomaali ah oo fikir kale ka qabay wixii dhacay shalayto. 

Intaan waxaa barbar socday qeybta qoraalka dabagalka (investigative journalism) oo ahayd ujeedada ka dambeysay aasaasidda KON, taas oo ahayd inay daboosho baahida dadweynaha ee helida xogta wararka Soomaaliya, iyadoo ku howlgaleysa habka saxaafadda dabagalka (investigative Journalism), falanqeynta siyaasadda, saadaalinta dhow, mid dhexe iyo mid dheer. 

KEYDMEDIA ONLINE mudadii ay jirtay waxay ku guuleystay inay hogaanka u qabato soo gudbinta wararka degdega ah ee xaqiiqda ku saleysan iyo qormooyin ku saabsan horumarka, dhibaatada fekerka xag-jirnimada, barakaca iyo musuq-maasuq madaxda dalka. 

“Hadafkeenna waa wargelin iyo waxbarid”.

KON waxay wax badan ka bedeshay jihadi ay ku socotay Saxaafadda Soomaaliya ee dhacdo tebinta ku koobnayd, iyadoo warbaahin iyo wariyeyaal badan bartay wax badan, oo ay kamid tahay habka xog tabinta. “Hadafkeenna waa wargelin iyo waxbarid”.

KON waxay cod u noqotay kuwa aan codka lahayn, iyadoo daaha ka qaaday dhacdooyin badan oo dadka ka daahsoonaa, sida soo tebinta xogta badda Soomaaliyeed iyo batroolka oo Keydmedia ay aheyd warbaahinta ugu horeysay oo tooshka ku daartay arimahaas, taas oo soo jeedisay indhaha bulshada Soomaaliyeed xili marxalad adag uu dalka ku jiray, taasoo keentay in la helo jawaabo degdeg ah.

Sababta shan sanno kaddib Keydmedia dib ugu soo celiyay howsha warbaahineed waxaa ka mid ah saxaafaddii Soomaaliyeed oo burbur ku yimid, khatarna ku sugan, markii laga reebo qeyb yar oo wali dadaaleysa. Saxaafad gobolleedyo qabiili ah, saxaafad u abaabulan ‘asaga cay, anigana i faani’, saxaafad-ku-sheeg ganacsi ku saleysan, saxaafad ka ganacsata musuqa iyo maasuqa iyo mida u adeegta wadamada shisheeye. 

Markii ay aragtay intaas aan kor kusoo sheegnay, isla markaasna codsi badan uga yimid macaamiisheeedi ayey KON waxey go’aansatay in ay dib u howlgasho, iyadoo sidii hore ka awood badan, wax badana u wada akhristiyaasheeda kala duwan ee kala jooga daafaha caalamka.

Cali Saciid Xassan

Agaasimaha guud ee KEYDMEDIA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.