BOGGA KEYDMEDIA OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYAY

Aadanaha Dunida ku nool tan iyo waagii la abuuray wuxuu ku jiray riyo, waxaana mar walba oo uu hubsado gaarista yool uu hadana sii sahansadaa wadiiqada xigta iyo sidii uu u sii adkeyn lahaa guusha uu gaaray.
Maqaallo Keydmedia Online
BOGGA KEYDMEDIA OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYAY

Is biirsiga Maskaxda, qubara Soomaaliyeed oo taqasus ku leh culuumta Siyaasadda, bulshada, Dhaqaalaha, farshaxanka, warbaahinta iyo qeyba kale oo badan ayaa laga dhaxlay ka dhabeynta mashruuc warbaahineed oo uu mudo dheer ka soo shaqeynayey Filim-sameeye Cali Saciid Xasan.

Afkaarta ay ku shaqeyso Keydmedia waa mid ku saleysan wadaniyada iyo daryeelka dalka waxaana taasi daliil nooga filan sida ay diyaar ugu tahay bulshada Soomaaliyeed in ay u soo bandhigto taariikh dhaxal gal ah oo waqtiyo ka hor  dhacday taasoo Filim ahaan loo soo bandhigi doono, iyadoo waliba keydinta taariikhdaasi ay waqti iyo dadaalba ku bixiyeen Mas’uuliyiinta Keydmedia.


Howl walba oo ay keydmedia u qabaneyso bulshada Soomaaliyeed, waa mid saldhig looga dhigayo qaab dhaqmeedka suuban ee Saxaafadda iyo danta bulshada waxaana ay ku shaqeysaa Anshaxa dhabta ah ee Saxaafadda iyadoona inta badan diirada saarta sidii ay Cod u siin laheyd dadka aan codka laheyn, isla markaana ay difaac adag ugu noqon laheyn xuquuqda aadanaha.

Inkastoo bogaga Internet-ka oo idil ay baahiyaan warar iyo qoraalo ayaa hadana Keydmedia waxa ay uga duwan tahay in mar walba ay bulshada u soo gudbiso, warar, Maqaalo, Faalooyin, Video-yo iyo barnaamijyo asalkooda ay iyadu  leedahay isla markaana waqti iyo maskax ay  galiyeen aqoonyahano Soomaaliyeed oo u istaagay sidii bulshada ay ugu soo bandhigi lahaayeen wax jira, waxaana wararka iyo warbixinada Keydmeida soo tabiya wariyaal taqasus leh oo dunida daafaheeda ku kala firirsan,.

Muda laba bilood iyo bar ah oo ay Keydmedia Shaqeyneysay waxaa lagu baahiyay in ku dhaw 20-Video oo ka hadlayay arimaha dalka Soomaaliya kuwaas lagu wareysanayay Dad ka dhex muuqda Siyaasada Soomaaliya, Wareysiyada ay Baahisay Keydmedia ee ilaa iyo hadda youtube-ka keydmedia qeybta Video-yada ee bogga aad ka heli karto waxaa ka mid ah wareysiyo xasaasi ah oo ay bixiyeen Madaxweyne  Shariif Shiikh Axmed, Xasan Daahir Aweys, Marxuum Ibraahim Xasan Cadow, Marxuum Cumar Xaashi Aadan , Caasho Xaaji Cilmi,Dr. Axmed C/llahi wayeel iyo dad kaloo badan.

Dhanka kale Keydmedia waxa ay Documentaries iyo Reportage isbuuci ay ka diyaarisaa  xaalada Dalka iyo dhibaatooyinka shacabka gaaraya, waxa ay baahisay Video-yo ay ka mid yihiin kuwa ka hadlaya dhibaatada dagaalada iyo qaabka waxbarashada Magaalada Muqdisho oo ay dad badan rumeysan yihiin in magaalada ay ka jiraan dagaalo kaliya .

Labadii bilood ee ugu horeysay waxa ay kasbatay Keydmedia macaamiil kor u dhaafeysa 270-kun kor bayna u socotaa, bal isha la raac Garaafka kor u socda iyo horumarka ay hiigsaneyso Keydmedia.

Keydmedia ka sakow wararka, Faalooyinka, Maqaalada, Video-yada, Reportage-ka iyo Documenters-ka  waxa ay diyaar u tahay in Ganacsada Soomaaliyeed ay u sameyso xayeesiin casri ah oo aan hore loogu arkin baraha Internet-ka isla markaana taya aad u sareysa leh, maadaama xayeesiintu ay tahay isku xiraha laba baahane oo kale ah midka haya iyo kan raadinaya, waxayna idin raadineysaa macaamiil hor leh (Marketing promotion), waxay bileysaa bilicda ganacsigaaga sarana u qaadeysaa dakhligaaga.

Maadaama keydmedia ay tahay tan mar walba u taagan daryeelka bulshada waxa ay ka dooneysaa macaamilkeeda taageero, maadaama howl walba oo uu aadanaha qabto hadii aan taageero loo helin ay halisteeda leedahay. Keydmedia waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo taageera u fidineysa waxaadna ku taageeri kartaa arimahaan iyo wixii kaloo kula haboon:

    * U sii gudbi  saaxiibkaa bogga  Keydmedia.
    * Noo soo gudbi  wixii  maqaallo, Faalooyin ,ama  ra’yigaaga .
    * Ugu dambeyn  Ha ka laba labeyn in aad siisid keydmedia Tageeradaada dhaqaale.

Sida idin muuqata Keydmedia laba bilood kadib waxa ay badashay naqashadii hore ee ay ku shaqeyneysa kadib dalabyo ka yimid macaamiilka keydmedia, waxaana naqashadaani tahay tan ay ku shaqeeyaan bogaga horumaray ee Caalamka. Keydmedia oo ah warbaahin iyadu si gaar ah u sameysatay boggan waxa ay diyaar u tahay bogaga Internet-ka in ay ka saacido sidii ay ugu sameyn laheyd naqshad qurxoon oo soo jiidasho leh, haka laba labeynin in Bogaaga uu noqdo mid bilicsan isla markaana la tar tami kara Caalamka si ay taasi kuugu suurta gasho la soo xiriir keydmedia.

www.keydmedia.net
Email: xariir@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.