Bulsho wada Munaafaqowday!

Maqaallo Keydmedia Online

Xurriyad la'aanta iyo Qofku in uusan cabbiri karin aragtidiisa sax iyo qaladba, waxay horseeddaa faafidda munaafaqnimda iyo bulsho aan soo bandhigi karin xumaanteeda iyo samaanteeda, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Bulsho wada Munaafaqowday!

Qof kasta oo bulshada nucaas ah ku soo dhex barbaaray waxuu noqnayaa laba wajiile, naftiisa oo kaliyah jecel beenna u sheega beenna ka sheega. Maxaa iga galayduna way ku  sii badanaysaa bulshada nucaas ah, runta iyo dhaliiceynta xaaladda markaas ay ku sugantahay bulshadas haddii la sheegi maago waxaa loo yaqaannaa (FADEEXAD) iyo in aad beegsatay (QABIIL) ama (DEEGAAN) (SHAQSI) ama (DIIN).

Marka gormaa runta la isku sheegaa? oo mugdigaan god curka ah kabixi doonaa? Musuqmaasuqa iyo dhaqamada foosha xun ee aan ku faanno, jahli diimeedka nala dagay, waxaas oo dhan waa noo qarsanyihiin, caalamkana waxaan isku dayeynaa in aan ka dhaadhicinno in aan nahay bulsho bisil oo nabad rabta, wali waxaan sii wadnaa munafaqnimadii iyo laba wajinimadii, markii aan soo gaarno wadamada heer-galbeedka ee xoogaa sinaantu iyo garsoorku yaallo, meshii aan wax ka baran laheyn, waxaan aaminsanahay in gaalkaan aan caqliga lahayn in uu yahay xayawaan inoo cabiidsan, dhulkeenuna uu kheyraad la ciirciirayo, ummad 99% muslima nahay, wiil iyo gabarna aan isla saxanahay.

Waxa aan aaminsanahay iyo dhaqankeenna bulsho isma waafaqsano, waxa inoo qoran iyo qaab nolaleedkeenu waa kaaf iyo kala dheeri, hadaba bulshada nucaas ah maxaa ugu yeeri laheed, maxaasa noogu wacan mid yar iyo mid wayn, mid caalim ah mid caamiya waa laga simanyahay cudurkaan dilayga ah ee nadaashaday?

Qofka Soomaliga ah runta wuu ka cabsadaa, isagoo og in ay lama huraan tahay, dawladahaan heer-galbeedka waxaad arkee wax kasta oo ka jira bulshada in laga hadlaayo xal iyo daawana loo raadinaayo.

Wixii la qarqariyo qurun ayaa ku jira waan dhahnaa, balse markii laga hadli maago waxa foosha xun ee ka taagan bulshadeena, waxaa lala soo boodayaa waa "CEEB ama XARAM". "bulsho muslima ayan nahay" sida in islaamku ogalayn in wixii qaldan la istuso lagana hadlo.

Laablakac iyo casabiyad ayaa meel kasta buuxisay, waxaan naqonay ummad qofkasta qandaraas gaara ay kula jirto duul aan la garanayn, danta guud ee dalka iyo dadka waxba nagamagalin waaye Jawaabta qof kasta. Xanunkaas waxaa ugu wacan waa cudurka munaafaqnimada ee ku raagay bulshadeena dhinac kasta. Waa xanuun fac-ka-fac soo jiitamaayey, dabar goyntiisuna sahlanayn.

Run ahaantii aad iyo aad ayeey u adagtahay, in aan dhahno “Waxaan ka soo horjeednaa kaligii taliye" mar haddii maskaxdeenna ey fadhiyaan kaligood taliyaal fara badan, oo aan u qabbirannahay, sida,  (dhaqan xun, qufaraad, sheeko bareeleey, qabyaalad, deegaanaysi, kooxo diimeed, quursi iyo isir-sooc).

Haddaba haddii intaan ey ka buuxaan maskaxdeenna dad gob ah ma nihin, ee gunnimadeenna iyo ilbaxnimo xumadaas ayaan iskaga jireynaa, maxaayeelay markii uu qof kasta xor u noqdo garaadkiisa iyo caqligiisa ayuu xurriyadda la jeclaan karaa qof kale.

W/Q: Abdi-aziz Mohamed Shidane
Shidane05@hotmail.com

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.