4,5 | Cabdi Samatar Waa Afhayeenka Axmed Samatar - By Dr. Ali. A. Hirabe

By Dr. Ali. A. Hirabe - Waxaa mudan in Prof. Axmed Samatar uu ka jawaabo hadalka walaalkiis Cabdi Samatar, haddii kale Somali oo dhan ma aqbali doonto dhaqankiina siyaasadeed ee aad kula dhaxjirtaan umada Somali, dhinac waxaad isku tuseeysaan niman wadani ah halka dhinaca kale uu qorayo qormo ka fog xaqiiqda.
Maqaallo Keydmedia Online
4,5 | Cabdi Samatar Waa Afhayeenka Axmed Samatar - By Dr. Ali. A. Hirabe

Waa foolxumo in midna uu isku soo taago doorashadii maxadweeynaha ee Somali kan kalene uu ku tilmaamay doorashada mid lacag lagu kala iibsaday xildhibaanada federaalka ee cusub.

Waxaad moodaa in xishoodkii iyo garashadii aay dhamaatay balse weli aay jiraan Somali garan karta hab-dhaqankiina siyaasadeed ee foosha xun ee aanan ku tagneeyn diinta iyo damqashada umada Somali,waxaa dhaqan xumo idiinku ah in aad sheegataan qalinleeydii umada Somali hadana aad ku dhaqantaan siyaasad umada Somali aayan la jaan qaadi karin lagana arki karo in aqoontiina aayan salka ku hayn garashada waxa saxda ah iyo waxa qaladka ah.

Waxaan aad ugu xumahay 21 sanno ee ugu danbeeyay in aad ka mid aheeydeen qaswadayaal af-maal ahaa umadana u iftiimin jiray in 4,5 aay tahay xaaraan aanan marna lagu dhaqi karin siyaasada Somali.

Hadaladiine weli waxaa laga heli karaa websidyada oo dhan, aad ayaan ugu xumahay in Axmed Samatar oo xiligaan ah xildhibaan baarlamaanka federlaaka in uu ku aqbalay kursiga uu xildhibaanimana uu maanta ku fadhiyo uu ku helay habqeeybsiga 4,5 ugu fadhiye beesha Samaroone halkaa waxaa ka cad waxa afka qalaad lagu dhaho double moral haddii shalay aad diidaneedeen 4,5 maanta sidee u ogolaateen ???? laga-jecli-lugta jecli. 

Xisbigii uu gudoomiyaha ka ahaa ee Hiil-Qaran dastuurka uu lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in 4,5 aay tahay xaaraan, sidee Axmed iyo xisbigii Hiil Qaran u ogolaadeen 4,5. double moral...?

Prof. Axmed Samatar haddii uu jawaab waafi ah ka bixin qormada wallaalkiis Cabdi Samatar ilama aha in Somalida aay idiin haydoonto xurmo iyo sharaf sabbabta oo ah waxaad ku sifowdeen waxa aad isku raacdeen oo ah siyaasad saldhigeeda yahay dulmi iyo xasilooni la aan Somali.

Doorashadii maadaxweeynaha jamhuuriyada federaalka markii uu soo dhamaaday ayuu iyana waxaa ka hadlay C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile wareeysi dheer ee uu siiyay Warbaahinta iyada uu sharxayo taariikhda uu soo maray iyo isbedelka Taariikhiga Somalida.

Hadalkiisa waxaa si uu cad u muujiyay in heshiiskii labada Shariif Hassan iyo Sheikh Sharif aay ku soo gaareen Uganda kaas oo dhigayay qariirada nabada in laga guuro kumeelgaar loona guuro dowlad Somali oo dhab ah.Roadmapka. +

Akhristow ka dhageeyso Halkan.

”Bilwalba shaqada la qabanaayo iyo waxa la qabanaayo iyo cida qabaneeyso ayaa ku cadeeyd qariidada nabada, in yar oo reer Puntland u badan oo maamulka ayaa aaminsaneeyd oo uu ka mid yahay Mdaxweeyne Faroole aay qabay iyo Qoladaan Xamar joogta oo aan ajandaha laheeyn, barnaamij qaran oo socdo aanan laheeynoo jahwareerka ku jira hadaan loo sameeyn barnaamij lala wadaago oo lagu riixo taasi waxba socon maayaan,waxaa uu qiray in Garowe 1 & 2 iyo Gaalkacayo shirarkii lagu qabtay aay wateen reer Puntland shariifna uu maqaarsar ahaa.

Dastuur in la sameeyo kaas oo ka tarjumaya xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dadka ku sugan yahay,colaad baa dhacday dadkii waa kala guuray shaki baa dadkii ku kala jira colaadii dib u heshiisin taama lama sameeyn.

Waxii hore ee xoriyada aan heshiiska ku aheeyna haddii aay burbureen in wax cusub oo cadaalad ka dhex muuqan karaa oo somalida isgu soo noqon kartaan in la sameeyo,in qolo walbaa sameeysato gurigeeda waxa aan wada wadaagnana  aan sameeysano taas oo macnaheeda yahay Federaal.

Baarlamaanka in la soo xulo hogaan cusubna uu yeesho iyo in la doorto madaxweeyne Somali,dardaarankiisii ugu badnaa waxuu ahaa Puntland waa hormuudka siyaasada socotaa,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Firinbiga anaga ayaa u yeerineeyna Somalida ”  Alow Sahal Umuuraha

Waxaan leeyahay Madaxweeyne Xassan Sh.Maxud fadalan r/waasre dhiiga socdaa wax  ku darsan karo noo keen, Sheekh Shariif markii uu keenay Maxed C/aahi Farmaajo waxaa bilowday dhaqdhaqaaq lagu ciribtirayo Al-Shabaab dhulka uu ka soo jeedo halka Cumar C/rashiid iyo C/weli magacaaowgeedii aanan laga faaiidin dhulka aay u dhasheen ayeey u shaqeeynaayeen.

Waxba kuma aayan soo kordhin la dagaalanka Al shabaab sida dhaqaale iyo ciidan balse xoolo badan ayeey u rarteen Puntland, fadlan Somali ninka aad u doorto r/wasaare ayeey sugeeysaa ee ha nqodo ruux wax ku soo kordhibkaraa nabada iyo ciribtirka Al shabaab xaga ciidanka iyo dhaqaalaha.

Dr. Ali. A. Hirabe  Hirabe_a@hotmail.com 


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.