Cali Dheere Muqdisho wada Joogimeeyno!

Dr. Ali. A. Hirabe - Cali Dheere oo ahaa ninkii afkiisa ka qirtay danbigii ku sifeeysnaa Xasuuqa iyo gumadka Shacabka Magaalada Muqdisho (Shaamow 1 and 2 ) iyo kii Magaalada Baladweeyne, ayaa weli ku nool Muqdisho iyada oo la og yahay in uu yahay nin u nool ficilada guracan ee uu kula beegsaday Shacab mudnaa in aay ku noolaadaan Nabad iyo Xornimo.
Maqaallo Keydmedia Online
Cali Dheere Muqdisho wada Joogimeeyno!

Sow lama dhihi karo dowlada federaalka aad ayeey ugu gaabisay in aay qabato danbiilahaa weli umada ku handadaaya in uu u taagan yahay gumaada umada muslimka ah ee Somali.

Waxaad moodaa in shacabka aay ku dhex-jiraan buruska iyo musmaarka dhexdiisa cidna aayan ka damqaneeyn jirtaankooda iyo xornimadooda danbe al shabab bixitaankoodii Muqdisho waxuu ahaa mid laga faaiideeysan waayay sabbabta oo ah xiligaa waxaa ku socday al shabab dagaal aanan kala joogsi laheeyn balse markii Shariif uu ku qancay hal sanno in uu madaxweeyne sii ahaado iyo in Maxed C/aahi Farmaajona laga ceeyriyo shaqada kama uusan fikirin in howshii uu waday Farmaajo in aay sii socon karto iyo in kale.

Waxaa indhaha laga qarsan karin in howshii uu bilaabay Farmaajo dhabarjabkeeda in aay tahay waxa hada socda,Farmaajo waxuu muujiyay karti waxuuna dagaal aanan geed loogu soo gaban ku qaaday Al shabab kadib markii uu ugu baaqay nabad jawaabtuna  noqotay dalka islama joogeeyno marba haddii aad nabada diideen,umadana xoog kuma haysan kartaan inta xilka aan u hayo.

Cabdiweli Gaas maxuu soo kordhiyay ?? waxaad  arkeeysaa in ciidamadii xooga dalka ee mushaarka qaadanayay iyo kuwii Boliska ahaa in aay mushaarkii wayaan,waxaa bilowday masuqmaasuq, dhac iyo boob.

Cabdiweli waxuu maareeyn waayay gargaarkii caalamka ugu soo gurmaday shacabkii abaaraha aay soo baro kiciyeen balse waxaa uu dhaxalsiiyay shacabkii Muqdisho iyo barakacayaashii abaaraha ka soo cararay in la jirdilo la kufsado loo diido waxii caalamka u soo dhiibay.

Intaba waxaa aay sabbabay hal sanno oo uu Shariif ka doorto in ninkii dagaalka kula jiray al shabab uu xilka ka qaado iyada oo la ogyahay Farmaajo iyo reerka uu ka dhashay in aay ahaayeen kuwii G.Gedo ka xoreeyay al shabab una istaagay in dhiiga xornimada qaranimada aay wax ku darsadaan.

Shacabka dulamani gumaadka waa ku sii jiraya inta laga helaayo hogaan xalaal ah oo ka damqada burburka iyo gumaadka lagu wado umada Somali.

Mideeynta siyaasadaha dalka ka jira iyo xasilinta dalka ayaa ka weeyn mida xalinta gargaarka  abaaraha, runtiina dowladaha u soo gurmaday Somalia oo u badan dalalka muslimiinta waxaa aay weli la yihiin cid fahansiisa in gargaarka aay la yimaadeen lagaga faaiideeysto in aay wax ka xaliyaan siyaasada guracan ee xalkeeda la gaari waayay.

Dowladaha Muslimiinta ee gargaarka u wada shacabka Somali waa in aay tagaan goobaha al shabab aay gacanta ku hayan si loo fahan siiyo nabada iyo colaada waxa aay ka qabto diinta Islaamaka..

Waa in la qaataa siyaasada cusub oo eey la yimaadeenn Turkiga oo aheeyd AMISOM oo dalka ku soo badataa aay ka fiican tahay in ciidamada ka socda dowladaha Islaamka yimaadaan dalka Somali talaabana ka qaadaan al shabab haddii aay diidaan nabada.

Siyaasad  maaha in Garowe laga doono taageero siyaasadeed iyada oo la og yahay in Balcad iyo Afgooye shacabka  ku dhaqani  aay mudan yihiin in laga raadiyo taageero siyaasadeed si dalka uu u xasilo, maxaa diiday ???  

Galmudug iyo Puntland in laga doorto somalida inteeda kale waa cadaaladaro umada aayan qaadan karin,taana waxaa keenay hal sanno uu sharifka ka doortay ka fogaashaha cadaalada iyo sinaanta umada Somali.Alow Sahar amauuraha.

Maxkamada sare ee dowlada federaalka ayaa quman in aay maxkamdeeyso Cali.dheere iyo inta la og yahay ee la qaba gumaadka shacabka in uu xaq yahay

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com 





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.