Caqliga Sare Iyo Difaaca Diinta! Qeybta 2aad

Maqaallo Keydmedia Online

Halkaan ka Aqriso Qeybta Koowaad ee Qoraalka - Qisadaasi waxay Tusinaysaa waajibka saaran Qofka Muslimka ah: Inuu Diintiisa Akhriyo, Fahmo, Kucaml-falo, diyaara u noqdo inuu ku difaaco: Cilmi, Caqli, Garasho iyo Maskax sare, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Caqliga Sare Iyo Difaaca Diinta! Qeybta 2aad

Diinteena Islaamku waa xaq aan maldahnayn, waa iftiin aan mugdi kujirin, waa khayr aan shar lahayn haba yaraatee.

Kaliyana Qofka muslimka ah unbaa looga baahan-yahay, inuu ku dadaalo siduu diinta u fahmi lahaa, u dhugan lahaa, si uu u Difaaci karo uguna cadayn karo dadka larabo in laqanciyo, ama Diinta loo cadeeyo.

Dhacdo kale oo taa aan soo sheegnayna u egna waxay o ranaysaa: Boqor baa damcay inuu imtixaano Sadex Nin oo diimaha Yahuuda, Kirshtank iyo Islaamka kala metala: Imaam, Badari iyo Xakham.

Wuxuuna kuyiri ""axaan rabaa inaad ii cadaysaan cida Janada gali doonta iyo sababta ay ku mudatay?"

Wuxuuna yiri waxaan ka bilaabaynaa Yahuuda madaama ay tahay Diinta ugu da' weyn, Xakhamkiina wuxuu yiri: "Su´aashu wey adagtahaye iga leexi, oo kuwa kale ku bilaw!!!"

Hadana waxaa loo yimid Badarigii madaama ay Kirishtanku tahay Diintii kahoraysay Islamka, isna wuxuu yiri "Anu aan danbeeyee Imaamka ku bilow!!!"

Imaamkiina Ilaah buu tala saartay, doodii ayuuna bilaabay Wuxuuna yiri: "Anaga- Muslimiinta ah ayaa Janada gali doona. Sababtoo ah, haday Yahuudu Janada galaan, waan lagalaynaa, maxayeelay anaguba waan rumaysanahay Nabi Muuse Calayhi asalam iyo kitabkiisii Tawraad labadaba.!"

"Haday Kirishtanku Janada galaana waan la galaynaa, sababtoo ah Anaguba waan rumaysanahay Nabi Ciise calayhi asalam iyo kitabkiisii Injiilba."

"Hadii aan anagu Janada galena cid nala soo galaysaa majirto, maxayeelay iyagu ma rumaynin Nabi Muxamad Calayhi Asalam iyo kitabkiisii Qur'anka midna."

Baqorkiina Jawaabtii Imaamkuu aad ula dhacay, labadii kalana wuxuu ku yiri "Ma haysaan Jawaab kale?" Iyana hoos bay fiiriyeen iyagoo aad u madluumsana iriday kabexeen.

Hadaba dhacdadaa iyo kuwa lamidka ah ee faraha badani waxay noo cadaynayaan inuu Ilaahay nagu galadaystay Diin xaq ah oo aad u toosan, xanbaarsana wixii wanaag iyo khayr kujiray diimihii iyada ka horeeyay, sida Yahuuda iyo Kirishtanka. Oo diinteenu waa diinta kaliya ee Rabbi ugu talagalay inayna dhacaynin/ dhamaanaynin, lana badali Karin, qalad iyo iska hor imaadna laga heli Karin marna sikastoo loo baaro.

Qofka muslimka ah ee diintiisa jecel ayaana laga rabaa inuu fahmo, ku camalfalo, difaaco, gaarsiiyana dadka u ooman inay helaan diin xaq ah, oo ceeb kasaliin. 

Waxaa kaloo aan sheekadaa kusoo afmeeraynaa dhacdo uu sheegay Nin sheeka oo muxaadaro Qurux badan u jeediyay dad aad ufara badan oo Kirishtan u badnaa, ugana war bixiyay qiimaha Islamka iyo wanaagiisa. Kadibna uu weydiiyay nin dhalin yara ahi, sideed u dhihi kartaan ninka muslimka ahi wuu guursan karaa gabar kirishtan ama yahuud ah, lakin gabarta muslimka ahi ma guursan karto nin aan muslim ahayn?

Sheekhiina wuu naxay, wuxuuna kabaqay in lagu qoslo, wanaagii uu soo sheegayna nasakhmo, noqdaana hal bacaad lagu lisay. Balse wuxuu yiri "Ilaahay baan baryay inuu i waafajiyo jawaab xaq ah, waxaana si fakir la´aan ah iiga soo go´day jawaabtan; (Anagu waxaan rumaynay Nabigiinii Ciise calayhi asalaam, kadibna Rabbi baa noo baneeyay inaan guursano gabdhihiina, idinkuna waxaad beniseen Nabi Muxamad calayhi asalaam, kadibna Rabbi wuxuu idinka xarimay inaad guursataan gabdha-hanaga)." 

Dadkii oo dhana jawaabtii bay ladheceen kuna qanceen. Waxayna noqotay Jawaab aana sii aqoonin kana sii fikirin ahna xaq waliba aad u qurux badan, dadkiina ku qanceen!

Hadaba Mahad oo dhan waxaa iska leh Rabbigii noo dooray inaan noqono Muslimiin, isaga ayaana kabaryaynaa inuu nafahansiiyo diinta, nagana dhigo kuwii ku dhaqmi lahaa, sisax ahna u fidin lahaa.

Amiin…. Amiin… Amiin…

KEYDMEDIA ONLINE 

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.