Colaad:

Sheekada Cabdixaafid Mowliid

Cabdixaafid Mowliid — Waxay Fooshu qabatay Hooyaday xili ay Roobka iyo xabbadu si isku mida uga da’ayan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Maqaallo Keydmedia Online
Sheekada Cabdixaafid Mowliid

Goorsheegtu waxay ku beegnayd 03:00am (Saddexdii subaxnimo) magaaladu waxay ahayd meel Dagaal xumi ka socdo sidaa darteed dhakhtar lama gayn karayn. Xanuunka Hooyo hayana kuma simayn illaa waagu ka baryo. Arrintaasi waa ta aabbe ku dhalisay inuu go’aan ku gaadho in uu doono umuliso.

Wuxuu si dagdaga ugu cararay guriga naag umuliso ah oo uu garanayay. Biriishka magaallada dagaal qadhaadh baa ku dhex marayay ciidamada Siyaad barre iyo SNM taasina waa sababta ku kalifaysa inuu togga (Dooxa) Burco, oo ay habeenkaas daad rogmanayay si naftii hurnimo ah u dhex dabaasho.

Markii uu ka tallaabay toggii ee uu gaadhay gurigii umulisada, ayuu albaabka garaacay isagoo leh: “Walaal kaalay oo i caawi, xaaskaygiibaa foolanaysa, xilliganna dhakhtar ma furna…” .

Cabbaar markuu hadalladaas ku celceliyay ee ay ka seexan kari wayday gabadhii umulisada ahayd, ayay daaqada kala hadashay: “Waar anigu xiligan ma bixi karo, berri haynoo ahaato!” lakiin hadalkaasi uma cuntamin aabbo, markuu si walba ula hadlay ee ay diiday in ay raacdo, ayuu Umulisadii albaabka kusoo jabiyay oo si qasaba usoo kaxeeyay!. Nasiib wanaag umulisada waxaa guriga u yaalay qalabka dumarka lagaga umuliyo, markii ay labadoodii hooyo u yimaadeen daqiiqado kadib, waan dhashay (lay dhalay)

Sheekadan ay kasoo wareegtay dhowr iyo labaatanka Sano ee ku saabsan; sidii aan u dhashay, waxaa iiga sheekaysay hooyaday!

Markaan sheekadan maqlay waxaan ogaaday sababta dhabta ah ee laygu bixiyay COLAAD. sidoo kale Sheekadan waxa ay maskaxdayda ka oogtay waydiimo dhowra. Gabadhi umulisada ahayd aabbaha wuu ka qaldanaa? Sidee buu uga qaldana, hadii aan maanta lasoo qasbi lahayn, soo adiga iyo hooyaba isma raacdeen(iskuma dhimateen)? oo hadii aad dhimataan iyadu ma danbi bay ku leedahay? Maya, danbi kumay yeelateen, waayo iyaduba nafteeda in ay ku waydo dagaalka ayay ka baqaysay.

Halkaas waxaan ka rumeyn karnaa awoodda Eebbe uu leeyahay, waayo habeenka aan dhalanayay qaarna dagaalkaasbay ku dhimanayeen. Dadka dagaalkaas naftooda ku wayay waxaa ka mid ahaa Adeerkay (IHUN) wuxuu ahaa ninka kaliya ee aabbahay la dhashay.

Waxaan xasuustaa anoo Sideed Jir ah ayaan aabbo intuusan qudhiisu dhiman waydiiyay cida dishay adeerkey, aabbo wuxuu igu yidhi: “Adeerkaa faqashbaa dhishay” nasiib xumo maan waydiin Faqash cida ay tahay. Tolow ma ciidamadii Siyaad Barre ayaa Faqash la odhan jiray? mise dadka Puntland daga ayaa loo yaqaanaa? mala reer Koonfurka lagu naanaysaa?)

In kasta oo aan kusoo barbaaray colaada Faqash hadana si fiican uma caddayn karo cidda ay yihiin, laakiin waxaan si cad u garanayaa cidda aabbahay dishay: Waa nin aanu daris nahay, sababta aabbahay u dilayna waa inuu uga aargudo nin qabiilkiisa oo la dilay! aabbahay dhibaata gaara oo uu gaystay ma jirto, wuxuu dilka ku mutaystay qabiilka uu yahay iyo sababta Ilaah uga dhaliyay qabiilkaa!

Mar walba waan arki jiray ninkii dilay aabbahay culaysna iguma hayn noloshiisu, laakiin odayaal aan isku jufo nahay ayaa i odhan jiray: “Markaad waynaato aabbahaa u aargud! waa in aad dishaa ninkaas aabbaha dilay…” anigu aadbaan hadalkooda ula yaabi jiray, oo mararka qaar waxaan waydiin jiray: haddii aan ninkaas dilo aabbahay ma soo noolaanaya? markaasbay iga xanaaqi jireen oo ay igu sheegi jireen “nacas, bilaa dhiig ah IWM”

Haa, maanta waxaan ahay nin wayn, waxaan awood u leeyahay in aan qorsheysto sida aan u noolan lahaa. Ma doonayo in aan waligey ciil iyo cadaawad ku noolaado. waxaan diyaar u ahay in aan iska cafiyo Faqashtii adeerkay dishay iyo Ninkii dariskayaga ahaa ee aabbahay dilay.

Dadku waxa ay doonaan ha igu tilmaaman, nacas, bilaa dhiig IWM), aniguse waxaan isku arka Geesi caqli badan.

W/Q. Cabdixaafid Mowliid
Email: Cabdixafid@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.