Amni darrada Muqdisho:

Cumar Finish oo hareer maray howlihii loo igmaday

Maqaallo Keydmedia Online

Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo mahadhooyin mugdi ah iyo mustaqbal ifaya leh, maalinba meel ayay soo mareysay oo muujado kala maan ah ayay mid-ba maalin marti galineysay, maamul maskax fayow oo masiirkeeda ka taliya ayay ku taameysay taasina waxay u muuqataa mid aan tabtii ay ku tallameysay u taaba-galin. Hadaba Amni darrada Caasimadda ee bilahaan yaa ka masuul ah? 

Cumar Finish oo hareer maray howlihii loo igmaday

Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed ayaa magaalada ka saartay Kooxda Al-Shabaab sanadkii 2011-kii, halka Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud ay iyana ka sifeysay degmooyinka Gobolada Sh/Dhexe & Sh/Hoose oo  muqdisho daris la ah.

Markii ay dhalatay Dowaladda MW Farmaajo waxaa laga filayay in ay sii dhameystirto shaqada qabyada ah si amni buuxa loogu helo Magaalada Muqdisho. Nasiib-darro ma hir galin rajadii ahayd in Al-Shabaab laga xoreeyo degaanada ay heystaan isla-markaana laga mamnuuco dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleystaan kana soo abaabulaan qaraxyada ay Muqdisho ka fuliyaan.

Tan iyo markii Farmaajo la doortay ma jirto degaan ama degmo la xoreeyay, ma dhicin howlgal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, bal waxaa dib looga soo baxay magaalooyin la xoreeyay 10 sano ka hor, waxaa xilalkii laga qaaday saraakiishii hormuud-ka u ahaa howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka qeyb ka mid ah madaxdii hore midkii amniga Muqdisho ka hadlaba qaran dumis loogu yeeray, taas oo sii horisay xaaladda Xamar.

Quburada amniga waxaa ay sheegayaan in ay magalaada soo galeen Al-Shabaabkii ugu badnaa, sidoo kalana ku milmeen hay’adaha Dowladda. Wixii ka danbeeyay billaabashadii sanadkan 2021 waxaa faraha ka baxay xaaladda amni ee magaalada, ma jirto maalin aan dhiig ku daadan, qaraxyo iyo dilal ayaana joogto ka noqday Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah Duqa Muqdisho Cumar Finish wuxuu hareer maray howlihii loo igmaday ee amnigu ugu horreeyay,  wuxuu dayacay dan kasta oo dadka uu masuulka ka yahay lahaayeen, wuxuuna isku baddalay Madaxa Olololaha Farmaajo u qaabilsan Gobolka.

Cumar Finsh wuxuu ku mashquul sanyahay dagaal afka ah oo dan ugu jirin kaas oo uu kula jiro Siyaasiyiinta Mucaaradka oo uu ugu yeeray qas-wadayaal dhiiggoodu bannanyhay isagoo daliishanaya ayayado Quraan ah.

Wasiirka Amniga Soomaaliya wuxuu hor taagan yahay bannaan-baxyo nabadeed oo dadka shacabka ah ku dalbanayaan in ay helaan nabad iyo xasillooni isagoo dibad-baxayaashaas ku tilmaamay wuxuush aan waxba garan.

Guddoomiye ku xigeynka Amniga ee Gobolka waxa ay loo magacaabay ninkii ahaa madaxa ololaha Farmaajo, gaar ahaan bannaan baxyada oo loo yaqaan Cali Yare wuxuuna baraha Bulshada ku soo gudbiyaa hadallo deel qaaf miiran ah oo Farmaajo iyo Fahad u soo dhiibeen.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha kor-joogtada ka ah arrimaha Soomaaliya ayaa si is daba joog ah u soo saaray digniin ku wajahan khatar amni oo jirta, sidoo kale Keydmedia Online waxaa ay bulshada la wadaagtay xog ay ka heshay Diblomaasiyiin ay akhbaartooda u dhuun-duleesho oo u sheegay in qaraxyo badan ku jiraan Magaalada.

Nasiib-darro Maamulka Gobolka wuu iska idha-tiray digniintaas 24 saac kadib markii KON baahisay xogta ay heshay ee ah in qaraxyo dhici doonaan ayuu magaalada gilgilay qarixii Sabtigii ka dhacay Isgoyska Sayidka.

Kooxda Farmaajo waxa ay diideen in ay Al-Shabaab ugu tagaan goobaha ay qaraxyada ka soo abaabulaan, waxa ay ka baaqsadeen in dagaal joogto ah la galaan oo iyaga mashquul iyo cabsi ku furan, waxa ay joojiyeen beegsigii Madaxda Al-Shabaab ee dowladihii ka horreeyay caanka ku ahaayeen, intaas iyo in la mid oo haddii la sameeyo Muqdisho ku nasan lahayd waxa ay ka door bideen dhagax meel kasta oo magaalada ah la dhigay iyo Madax maqaar-saar ah oo maamulka Muqdisho loo magacaabay.

Wax-garadka, siyaasyiinta, iyo guud ahaan bulshada gobolka Banaadir waxa ay aamin sanyihiin in qaraxyada iyo dilalka joogtada ah ee magaalada ka dhaca ay shirko ku yihiin Labada Shabaab ee mid Maamulka Dalka majaraha u hayo midna diin been ah dadka ku laayo.

Amni darrada Xamar ka jirta waa cabsi galin iyo caga-jugleyn ku wajahan dadka reer  Muqdisho, waa qorshe la isla ogyahay oo madax sare iyo maamul hoose lagu heshiiyay, waa handadaad lagu doonayo in si sharci darro ah waligood loogu taliyo, waa mushkilad masiirkooda lagu hareer marinayo iyo dabin loo maleegay midkooda muhiimka ah in lagu meytiyo.

Amni darrada Muqdhiso waxaa marka koobaad mussul ka ah Fahad iyo Farmajo oo hay’adaha Dowladda ku dhex-milay Al-Shabaab si ay u fuliyaan danahooda gaarka ah, marka labaad waxaa musuul ka ah amni darrada baahsan ee jirta hoggaanka Gobolka oo uu ugu horeeyo Cumar Finish oo dadka degan magaalada aan wax dan ah ugu maqneyn oo kaliya u shaqeeynaya kuwa magacaabay oo Farmajo iyo kooxdiisa.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.