Dabeecadaha Qofka Soomaaliga oo sabab u ah dhibaatada ka jira Wadanka

Cabdullahi Ibraahim - Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya waxay ku sii socotaa Sannadkii 30aad, taasoo galaafatay nolosha Kumanaan Kun, sidoo kalena barakiciyay Malaayiin Soomaaliyeed walina u muuqda in lagu sifeyn karo “Faanoole fari kama qodna”.
Maqaallo Keydmedia Online
Dabeecadaha Qofka Soomaaliga oo sabab u ah dhibaatada ka jira Wadanka

Muddadaas aadka u dheer ee dawlo la’aanta iyo dagaallada Sokeeye ee ay ka socdeen dalka, waxaa dhacay wax kasta oo lagu sifeyn karo danbi hadday ahaan lahayd dil bareer ah, kufsi iyo waliba boob hanti Qaran ama dowladeed iyo mid gaar loo leeyahayba, waxayna Soomaalidu u dhaqantay walina ay u dhaqmaysaa sidii dad badow ah oo aan diin iyo dhaqan midna lahayn.

Masaab’itii aan ka soo sheekeeyey markii ay dhaceen walibana ay hadda ka sii socdaan dalka, ayaan waxa aan is weydiiyey waxa sababay dhibaatadan xoogan leh iyo sababta loo xalin la’yahay maadaama ay dadkani wadaagaan wax kasta oo bani’aadam wadaago, sida diin, dhaqan, luqad iyo dhalasho, waxaana ii caddaaday wixii aan tuhmaayey.
 
Markii aan muddo fikiraayey, sidoo kalena daraaseeyey wixii ka dhacay wadankan iyo sida loogu guul darreystay xal-u-helidda dhibaatadan dabadheeraatay, ayaa waxaa ii soo baxday in dhibaatada jirtaaba ay tahay dabeecadaha qofka Soomaaliga ah.
 
Qofka Soomaaliga ah, waa jinsi wax badan la wadaago bani’aadamka kale, laakiin waxa uu leeyahay dabeecado u gaar ah oo uu kaga duwan yahay qofka aan Soomaaliga ahayn, debeecadahaasi waxaa laga yaabaa in ay common yihiin laakiin waa kuwa aad uga muuqda nolosha qofka Soomaaliga ah meel kasta ha jooge.

  1. Danaystinimo
  2. Degdeg
  3. Madax adayg
  4. Dulqaad yari
  5. Tanaasul la’aan
  6. Eex iyo qabyaalad.

Dhamaan astaamahan aan soo sheegay waa kuwa aad ka arki kartid Qofka Soomaaliga ah waase laga yaabaa in aad aragto qof Soomaali ah aan lahayn astaamahan ka dib isbadal ku dhaqan qofkaasi, isbadalkaasi sabab ha u noqda barashada Diinta iyo aqoon kale iyo waliba xiriir kale oo qofkaasi la yeesho Umadda kale sida guur iwm. Bal aan mid mid uga hadalno sifaadkaan aan sheegnay.
 
Daneystinimo: Qofka Soomaaliga ah haddaad u fiirsato,  waa qof daneysta ah, wax walbana waxa uu ka hormariyaa maslaxaddiisa shaqsiga ah xittaa haddii uu ku dhacayo danbiyo waweyn sida dil iwm, marka laga reebo qof uu Ilaahay u naxariistay mooyaana waana sababta loo la’yahay ilaa maanta Madax wanaagsan oo Umadda badbaadisa.

Qodobkan daneystinimada ah waa midka ugu badan ee aad ku arki karto qofka Soomaaliga ah xittaa kowooda wadaadada ah tusaale ahaan Waxaad arkaysaa dad badan oo Shalay sheegan jiray Wadaado, dad badan ayey ku soo laayeen magac diimeed Maantana waxa ay taagan yihiin meeshii ay shalay dadka ku gaaleysiin jireen!!Mid kale, shalay waxa uu sheegan jiray Aqoonyahan u dooda midnimada Soomaaliya iyo qadiyadda Soomaaliweyn Maantana waxa uu u doodayaa Soomaaliland, mid kale dorraad waxa uu wax ka dhisay Puntland shalayna waxuu la joogay Soomaaliland Maantana waa Khaatumo.

Mid kale, shalay waxuu u tartamaayey Madaxweyninimada Soomaaliland Maantana waxaa xilal laga hayaa Dowladda Federaalka. Mid kale shalay waxa uu lahaa Ethiopia waa cadow Soomaaliyeed Maantana waa Walaalaheena, hadba meesha ay dantu ku jirto ayaa la taagan yahay.
 
Degdeg: Qofka Somaaliga waa qof degdeg badan oo jecel waxa uu doonayo inuu ku gaaro mudda yar gudaheed, waana sababtii lagu soo jabay dagaalkii barakaysnaa ee 77 ee lala galay Xabashida, waana sababta ay u fashilmaan Kooxaha Wadaadada ah.  Tusaale ahaan Maxkamadihii Islaamiga waxa ugu badan ee ay u burbureen waxaa ahayd deg degga.
 
Dowladda Federaalka iyo Madaxdeeda waxa aad arkaysa iyagoo saxiixayo Heshiisyo aan laga baaraan dagin sidoo kalena aan lagala tashan dad khuburo ah si loo ogaado faa’iidada iyo khasaaraha ku jira Heshiiska, waxaana tusaale kuugu filan Heshiiskii lala saxiixday dowladda Kenya ee quseeyey Badda. Waxaan oran karaa qofka Soomaaliga waa faashil sidiisaba.
 
Madaxadayg: Jinsiga Soomaaliga ah waa jinsi madax adag oo aan talo qaadan mana laha waaya agarnimo sidiisaba, Maalin kasta waa isagii bal fiiriya kuwan Shabaabka ah waxaa laga la’yahay war wax maqla oo joojiya dagaalka ogolaadase in la wadahadlo. Kuwan dowladda waxba kama duwanna Shabaabka waayo wax aan dagaal ahayn oo ay hayaanba ma jirto, haddaad ku tiraahdo war kuwii idinka horeyeybaaba dagaal wax ku keeni waayey ee bal ku daya dib uheshiisiin iyo walaalow, lagaa yeeli maayo.
 
Kuwa kale, waxa ay maqlaan maalin kasta dad badan ayaa ku dhintay Sahara u dhaxeeyo Sudan iyo Liibiya ama badda u dhaxeyso Liibiya Talyaaniga, halkii ay ahayd in aysan haligin naftooda waaba safar Maalintii danbe, kuwa South Africa ku nool waxa ay arkaan Maalin kasta dad Soomaali ah oo nolosha lagu gubayo meeshii ay Nafooda la carari lahaayeen ayeyba dukaano hor leh ka furanayaa meeshii lagu gubay Walaalahood.!!
 
Qofka Soomaaliga ah waa qof madax adag sidoo kalena aan talo qaadan ilaa uu indhishiisa wax ku soo arko mooyaane, ka warrama Ilaahay baan idinku dhaariyey dadka intay ordeen boqolaal milyan ku maalgeliyey Koonfurta Sudaan, ka warama dadka Malaayiin dollar gelinayo dalal aysan lahayn waliba African ah halka dalkoodiina uu burbursan yahay.!!
 
Dulqaad yari: Qofka Soomaaliga ah waa qof dulqaad yar oo walibana xanaaq badan waana sababta ay u socdaan dagaalladan sokeeyo, waxaana ku tusaayo dulqaad xumadooda maahmaahyadooda, waxaa aad maqlaysaa: “Ninkii far ku saaro shantaa la saaraa”, dulqaad yarida qofka Soomaaliga waa sababta ugu weyn ee looga bixi la’yahay dhibaatada.
 
Kuwa Madaxda ah waxba kama duwana qofka caadiga ah bal waaba ka daraan markii ay madax noqdaan, haddii wax laga sheego ama waa dil ama xarig xittaa haddii ay qofkaasi qaraabo yihiin ama saaxiibo yihiin, Waxa laga yaabaa in labo beelood isaga dilaan boqolaal qof arin yar oo wadahadal lagu dhameyn karo, Waxaan xauustaa barkad meel laga dhisaayey in ay ku dhinteen dad ku dhow boqol qof,waa barkad.!!
 
Tanaasul la’aan: Qofka Soomaaliga ah wey ku yar tahay tanaasulka, waxa uuna jecel yahay mar kasta in isaga loo tanaasulo waana sababta ugu weyn ee loo xalin waayey mishkiladda Soomaalida, tusaale ahaan haddii labo nin oo Siyaasiyiin ama aba koox oo Wadaaddo ah ay wax isku qabtaan wey adag tahay in la isu tanaasulo iyadoo aan dhiig daadin.
 
Qofka Soomaaliga ah waa qof aaminsan in xoog wax lagu xaliyo marka hore haddii lagaari waayana way ku adag tahay inuu u tanaasulo dhinacii kale ee ay is hayeen, bal qaarkood waxa ay u arkaan isu tanaasulka daciifnimo iyo nin laga raayey, waana asbaabaha keenay inay sii daba dheeraadaan dagaallada sokeeye isuna adeegsadaan ajaanib qaarkood cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed.
 
Eex iyo Qabyaalad: Qofka Soomaaliga waa qof eex iyo qabyaalad badan marka laga reebo qof uu Ilaah u naxariiste mooyee, waxa aadna ka garan kartaa habka ay Soomaalidu u nooshahay iyo xittaa habka ay u dhistaan Maamuladooda. Waxaa sidoo kale cajiib ah in qofka Soomaaliga uu qabiilku u yahay waxa uu wax ku miisaamo sidoo kalena uu wax ku doorto, taasoo ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha dowlad rasmi oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii aan lahayn.
 
Qofka Soomaaliga ah ma jeclo sinnaanta iyo caddaalad wax u qeybsiga waxaadna ka garan kartaa sida ay wali ugu dheggan yihiin nidaamka 4.5 ee baadilka ah, waxaa iyadana caadi iska noqday haybsooco iyo yasidda beelaha qaar kuwaas oo laga faano guurkooda halka lagu durdurinayo shisheeyaha xittaa haddii ay yihiin African Madow oo aan Muslim ahayn.

Dhamaan qodobbada aan soo xusay ee sifaadka u noqday qofka Soomaaliga ah, waa asbaabta keentay in ay Soomaalidu heshiin weydo sidoo kalena xallin weydo dhibaatadeeda ilaa ay u soo gurmadeen Sierra Leone iyo wax la mid ah oo aad la socotaan taarikhdooda.
 
Soomaalidu ma wada laha sifaadkaasi bal waxaa jira malaayiin Soomaali ah oo wanaagsan oo wax hoggaamin kara sidoo kalena ka saari kara Umaddooda dhibaatada ay ku jiraan iyo magac xumida ka haysta dunida. Illaahay waxaan ka baryaayaa inuu noo soo saaro hogaamiyaal wanaagsan oo dalka dib u mideeya. Aamin Aamiin
 
Gabagabadii waxaan leeyahay, dhibaatada ka jirta waddanka waxaa sabab u ah dabeecaadaha qofka Soomaaliga ah oo caado ka dhigtay “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey” sidoo kalena shaqo ka dhigtay muran, madax adeeg iyo tanaasul la’aan. intaas inta ay sii socotana u malaynmaayo in laga baxaayo dhibaatadan.
 
Cabdullahi Ibraahim


Qoraalkaan waxaa Qoray Cabdullahi Ibraahim oo aad kala xiriiri karit: Abdull2006@hotmail.com, waxaana dib u eegay Xafiiska Qoraallada Keydmedia ee Columbus, Ohio




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.