Dadka Soomaalidu Ma Lahan Miyaa Dad Waxgarad Ah Oo Badbaadiya?

Maxamed B. Ibrahim — Su'aasha aan Cinwaanka uga dhigay Maqaalkan ayaa ah Su'aal aad u weyn oo maskaxdeeda daalisay iguna ridday Niyadjab iyo walbahaar marka aan arko dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed, waxaa Su'aashan sidoo kale is weydiiyo dadyowga aan Soomaalida ahayn oo Iyagana nala yaaban.
Maqaallo Keydmedia Online
Dadka Soomaalidu Ma Lahan Miyaa Dad Waxgarad Ah Oo Badbaadiya?

Dadka Soomaalida oo ah dad Muslim ah 100% hadana wadaaga Af, dhaqan iyo dhalasho, ayaa waxa ay dhowr iyo Labaatankii Sano ee la soo dhaafay ku jireen dagaalo sokeeye kuwaas oo galaaftay nolosha kumanaan Kun oo aan waxba galabsan sidoo kalena ka barakiciyey dalkooda Malaayiin Soomaaliyeed.
 
Dagaaladan Sokeeye een dhex mushaaxeyno ayaa marba meel ka dhacayey waxa ayna ka soo bilowdeen gobolada Waqooyi Galbeed ilaa ay soo gaareen gobolada Koonfureed, Umana malaynayo in ay jirto magaalo aysan xabad ka dhicin gayiga Soomaalida ama aan uga yaraan laga qaxin dhowr iyo Labaatankii Sano ee la soo dhaafay.
 
Dhibaatada ay Umaddani isu geysatay ayaa gaartay meeshii ugu xumayd Iyada oo la xalaashaday wax kasta oo diin iyo dhaqanba xaaraam ku ahaa haday ahaan lahayd dil bareer ah, dhac iyo kufsi  ilaa ay Human Right Watch soo saartay Warbixin ay ugu magacdartay "Halkan Kufsigu waa iska caadi."
 
Dhibaatadan aan ka soo sheekeeyey ee xanuunka badan ayaa ku sii socoto Sanadkii Sodonaad waxa ayna wali u muuqataa Fanoole Fari kama qodna, Waxa ayna dadkii la rabay in ay dhibaatada wax ka qabtaan ku mashquuleen dano qabiil iyo mid deegaan, mid yiraahda Anigu waan goosanayaa qeybteyda, mid yiraahdo Anigu waxaan Federaal ahaynba ima marto iyo mid soo kaxeystay Ajaaniib aan dal iyo diin midna u rooneyn.

Waxa Iyadana Xusid mudan in kuwii dad noogu sokeeyey ee aan Islaamnimo iyo darisnima wadaagney (CARAB) ay noqdeen kuwa aan dan iyo muraadba ka lahayn Umadda Soomaaliyeed,Waxaana tusaale kuugu filan waaba Iyagii soo dhoofiyey Tobonaanka Kun ee ka soo barakacay colaadda ka jirta dalkena. Waxaana yaab lahayd in ay xittaa soo dhoofiyeen gabar Sagaal bilood ah. Islamnima iska daaye xitta Bini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.