Dagaalka Ciraaq iyo midka Soomaaliya (SIR)

Aljazeera oo daaha ka qaaddey sir qarsooneyd oo la xiriirta dagaalka Ciraaq. Kanaalka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa soo bandhigtey barnaamij ay ugu magac dartey – DAAH KA ROGGA QARSOONIDA - kaasoo cuskadey dokumintiyo sir ah oo ku saabsan dagaalka Ciraaq, arintaasoo noqotey faahfaahintii ugu horeysey oo la soo bandhigo tan markii uu bilowdey dagaalkii Ciraaq, waxeyna banaanka soo dhigtey sida Raisul wasaaraha waqtigiisu dhamaadka yahey Nuril Maaliki uu ugu lug leeyahey maamulka kooxo dadka dil iyo jildilba u geysan jirey.
Maqaallo Keydmedia Online
Dagaalka Ciraaq iyo midka Soomaaliya (SIR)

Sidoo kale wuxuu dokumintigani caddeynayaa xaqiiqnimada kaalinta dawladda Iiraan ay ku leedahey Ciraaq, hawlaha alqaacidda, iyo kaalinta dhaqdhaqaayada baraarugga loogu magac darey, warbixintani waxey baananka soo dhigtey dhibaatooyinka ciidamada Amerikaanku ay u geysteen tobonaan kun dad rayid oo reer ciraaq ah oo wax ku noqdey xabadaha ciidanka mareykanka, waxey sidoo kale muujineysaa xogo dhab ah sida ciidamada Ciraaq ugu lug leeyihiin jirdilidda maxaabiista, iyo kufsi, iyo mararka qaar dil.

Dokumintigaani wuxuu sawir ka bixinayaa sida Mareykanku u arko Nuril Maliki, wuxuu ula muuqdaa Raisul wasaaraha waqtigiisu dhamaadka yahey ruux kooxeed, u janjeera awoodda inuu gacanta u galiyo kooxdiisa shiicada ah asagoo dheereynaya muwaadiniintiisa sunnada ah, wuxuu dhanka kale dokumintigani muuqaal ka bixinayaa wajiga qarsoon ee Mr. Maliki asagoo hor kacaya horimo ciidamo hubeysan ah oo fulinaya amaradiisa la xiriira dilka iyo xirxirada.

Kaalinta Iiraan

Iiraan waxey goob joog ka aheyd wixii ka dhacayey dalka Ciraaq laakin waxey aheyd qaab qarsoon oo ku eg hubka oo si sharci darro ay ku soo galiso dalka Ciraaq ayadoo gacanta u galinaysey xisbiyada iyo ururada shiicada ah ee ayada ka amarqaata, gaar ahaan ciidamada mahdiga (aljaysh almahdi) ee raacsanaa ninka la yiraahdo Muqtada alsadr, iyo ururka la yiraahdo Badr ee ahaa garabka hubeysan ee golaha sare islaamiga Ciraaq oo ay hogaankiisa lahaayeen qoyska la yiraahdo *reer Alxakiim* inta uusan ururkaas isku bedelin ururu siyaasi ah sida la sheegey.

Waxaa xusid mudan in warbixinadaan sirta ah ay ku caddahey marka laga hadlayo kaalinta dalka iiraan, in ay ku xusan yihiin magacyada dabadhilifyo la leeyahey waa saraakiil sirdoon oo reer iiraan ah oo si rasmi uga shaqo gali jirey dalka ciraaq, qaarkoodna ay ku lug lahaayeen qaadista weeraro xagga sawaariiqda ah oo lala beegsanayey halka lagu magacaabo Zoonka cagaaran, intaasi waxaa dheer dhigista jidgoogooyin wax lagu baaro oo laga sameyn jirey deegaanada shiicadu deggan tahey oo ay saraakiisha iiraanta ahi kormeeri jireen ayagoo kaashanaya ciidamada la magac baxey Almahdi, iyo kuwa ururka Badr.

Dhibka maatida gaarey

Wuxuu caddeynayaa dokumintigaan sirta ahi in wasaaradda gaashaandhigga mareykanku (Pentagon) ay waqtigaasoo dhan qarineysey lambarka dhabta ah ee tirada dadka rayidka reer ciraaq ee ku waxyeeloobey dagaalada Ciraaq, sdia warbixintu tilmaameyso dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin haweenka uurka leh, dadka da’da ah, caruurta, iyo weliba dadka jirran oo bukaanka ah waxey ahaayeen kuwo lagu leynayey sanadaha dagaalku uu socdey oo dhan jidgooyooyinka ciidamada ee wax lagu baaro iyo duqeymaha diyaaradaha dagaalka mareykanku ay geysan jireen.

Waxey feylashaan sirta ahi ee uu heley bogga wikileaks daboolka ka qaadayaan in ciidamada mareykanku ay diiwaan galin ku sameysan jireen dadka lagu laayo Ciraaq iyo kuwa dhaawacma, inkastoo ay si bareer ah u inkiri jireen arintaas. Aljazeera waxey xaqiiqijisey in dokumintiyadaas ay ku caddahey in tirada ku waxyeelowdey dagaalka Ciraaq ay gaareyso 285 kun oo qof.

Waxey sidoo kale aljazeera ku sugtey baaritaanadeedii in tirada dilku ay si aad ah sare kac u sameyneysey , tusaale ahaan bishii Disemner 2006 waxey aheyd bisha dhiigga ugu badani uu daatey ayadoo la diley 5183 bishaas kaligeed, ayna ahaayeen 4000 oo ka mid tiradaas dad rayid ah.

Waxaa xusid mudan in bogga tirakoobka dadka ku waxyeeloobey Ciraaq (Iraqi body count) uu tilmaamey in tirada la diley ee dadka rayidka ah ay gaareyso 107 kun laga soo bilaabo bilowgii duulaanka Ciraaq, laakin u kuurgalid ay sameysey aljazeera waxey sugeysaa in tirada dhabta ah ay ka badan tahey middaas 50%, taasoo ka dhigeysa tirada dhabta ah in ay tahey 150 kun oo dad rayid ah in naftoodii qaaliga aheyd ku waayeen duulaankii mareykanku ku qaadey dalka Ciraaq.

Taasina waxey si cad u muujineysaa in tiradan dhabta ahi ay ku soo afar jibaarmeyso tan laga diiwaangaliyey dagaalka Afgaanistaan ka socda, iyo in khasaarooyinka kale ay ku soo lix jibaarmayaan marka la isbarbardhigo labada dal, dokumintagaan la soo bandhigey markiisii kowaad wuxuu ka tilmaamayaa in qiyaastii 63% dadka la laayey ay ahaayeen dad maati ah, taasoo u dhiganta saddex meelood labo dadka la diley.

Dhibaatada ugu sii weyn waxey aheyd in dadkaan rayidka ah ee la laayey aan heybtooda la garaneyn, waayo mareykanku uma sameyn tirakoobka si cilmiyeysan, isla markaana uma buuxineyn foomamka sidii loogu talagaley, waxey xoogga saarayeen hawlgaladooda ciidan oo baro gaar ah beegsanayey, dadka meydadka ahna waa la iska aasi jirey.

Jildilidda qorsheysan ee maxaabiista

Haddii aan eegno arinta ku saabsan maxaabiista wuxuu dokumintagani daaha ka rogyaa in 180 kun maxbuus loo xirey sababo la xiriira dagaalka Ciraaq, badankooduna ay ahaayeen Sunniyiin, waqtiyada u dhexeeya Janaayo 2004 illaa Disember 2009.

Waxey sidoo kale daaha ka qaadeysaa warbixintaani sida ay ugu lug lahaayeen ciidaamada Ciraaqiyiinta hawlaha lagu jildilayo maxaabiista ayagoo adeegsanaya farsamooyin ciqaabeed oo kala duwan kuwaasoo ay ka mid aheyd korontada, iyo kufsasho, waxaa kale oo la sugey in tiro ka mid ciidamada bolsika Ciraaq ay dileen ciidamadaas, mararka qaar ay tacshiirad is weydaarsan jireen ciidamo labisan dharka askarta Ciraaq.

Waxaa xusid mudan in aljazeera ay  sheegtey in daah ka qaadida dokumintagaan la xiriira dagaalka Ciraaq ay tahey arin lagama maarmaan u ah maslaxadda guud, inkastoo uu yahey sir, sidaasna waxey heshiis kula galeen joornaalka mareykanka ee la yiraahdo New York Times, The Guardian, the UK




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.