DEGAAN FAQUUQ

Taariikhdu waa ma hadho diiwaan galisa dhacdooyinka., Waxaa hubanti ah in talaaba walba oo uu aadanaha qaado horumar iyo dib u dhac intuba ay diiwaanka gali doonto mustaqbalkana la kala Saari doono xaq iyo baadil.
Maqaallo Keydmedia Online
DEGAAN FAQUUQ

Maamul gobaleedka Bari iyo Nugaal waxa ay ku faaneen talaabooyin ay maalmahan kula dirirayeen dadka Isr-ahaan ahaan ka soo jeeda Gobalada Koonfureed ee dalka iyaga oo ku andacoonaya in ay amaanka dhibaato ku yihiin, tallow ma waanay ka fakarin horjoogayaasha maamulkaasi in aanu maangal aheyn in bulsho dhan ay noqoto fidna wada yaal .

 

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ka xamaalanayay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garawe ayaa si ka baxsan Xuquuqda aadanaha iyo caqliga fayow loola dhaqmay waxaana dhalinyaradaasi iyaga sida danbiilayaal dagaala ama gacan ku dhiiglayaal madaxa laga xiiray la keenay Magaalada Galkacyo dhankeeda koonfureed.

 

“Waxaa leyga soo qabtay gudaha dukaan yar oo aan ku lahaa meel ku dhaw deegaanka boqolka buush ee Magaalada Boosaaso, Ciidamada way I jir dileen isla markaana hada meelna kuma ogi halkii uu u danbeeyay dukaankeygi” sidaa waxaa yir Cabaas oo ah 25 sano jir ka mid ah dadkii lagu xadgudbay ee la keenay Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug.

 

“Dhibaatada Waxaa wadad dadka koonfurta ka yimid, waxaana go’aansanay in aan masaafurino” sidaa waxaa yiri horjooge ka mid ah waaxda amaanka ee Maamul deegaameedkaasi oo lagu magacaabo  Yuusuf Axmed kheyr.

 

“Waxaa na soo gaaray dhalinyaro madaxyada laga xiiray isla markaana diif badan ay ka muuqato wax ay heestaana aanu jirin annaga ayaa go’aansanay in aan u gurmano, deegaano siino’ sidaa waxaa yiri Axmed Basto oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfureed ee Magaalada Galkacyo halkaa oo la geeyay badanka dadkii lagu soo xad gudbay.

 

“Waxaan dareemayaa xanuun badan oo dhanka feeraha ah waayo ciidamada ayaa ila dhacay qoriga baadkiisa iyo kabaha ay wateen oo xoog iyo dirqis ayeey gaariga igu soo saaraan aniga oo qaraab u raadinaya laba caruur ah oo aan dhalay iyo hooyadood oo umul ah  kuna  sugan xaafada Boqolka Buush Magaalada Boosaaso, hadana wax war ah uma hayo xaaskeygi iyo caruurteydi ” Sidaa waxaa yiri Madeey Axmed oo ah 23 sano jir ka mid ah dhalinyarada lagula dhaqaaqay Gabood falada ku saleysan isir naceybka, waxaana Maadeey oo telfoonka Galkacyo ay Keydmedia.net kula hadashay codkiisa xiray ciil uu ka qabo kala fogaansahaha soo food saaray isaga iyo caruurtiisa

 

“Waa la yaab in qof Sheeganaya Magaca Soomaali uu qof kale oo Soomaali ah ka soo masaafuriyo dhul Soomaaliyeed, nimanka ku sugan Boosaaso iyo Garawe iyo inta ay heeb wadaaga yihiin waxaan ugu baaqayaa in ay ka baxiyaan cudur daar taalabada lagu dhibaateeyay dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobalada Koonfurta” sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha reer Koonfureedka.

 

Diiriye ayaa hadalkiisa ku sii daray ogaada in aanay dadka dega koonfurta ka suurta gal aheyn talaabada aad qaadeen mid la mid ah, isla markaan dhulka waa la wada daganyahay balse waa lagu kala badanyahay mana aheyn in aad ka faa’ideysataan ku badnaashihiina gobaladaasi.

 

NB: Waxaan idiin soo gudbin doonaa qeyba kale oo aan kaga hadleyno xadgudubyada isir faquuqa ah ee ay ku dhaqaaqeen Maamul deegaameedka Bari iyo Nugaal.

www.keydmedia.net

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.