Daryeel La’aanta Fanaanka C/Tahliil Warsame Ma Dhaqaalo Dari, Mise Dhaqaale Jecli

Keydmedia Online — Cabdullaahi M. Cumar “Garfiiq” — Tan iyo Wixii ka danbeeyay 1988-kii Dalka waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyadoona dadka Soomaaliyeed ay inta badan ay u kala caraeen dalalka deriska ah. Waagii Dalka Soomaaliya uu lahaa Dowlada dadka laf labarta u ah dalka iyo dadka waxa ay lahaan jireen qadarin gooni ah waxa ayna bulshada iyo Dowlada ay ku dhex lahaayeen Maamuus.
Maqaallo Keydmedia Online
Daryeel La’aanta Fanaanka C/Tahliil Warsame Ma Dhaqaalo Dari, Mise Dhaqaale Jecli

Fanaaniinta Soomaalida waxa ay ahaayeen Hanuuniyaasha Bulshada waxa ayna inta badan baraaruji jireen bulshada iyo dowlada intaba.

Waxa ay fanaaniinta ahaayeen kuwo inta badan soo saara Ruwaayadaha iyo heesaha wacyi gelinta waxaana hobolada ugu caansanaa Hobolada Waabari oo dadka inta badan ay wada garanayaan.

Fanaaniinta hobolada waabari waxa ay bandhig fanbeed ku qaban jireen dalalka caalamka waxaana kamid ahaa dalalkii ay bandhiga ka sameeyeen:- Suudaan, Yaman, Masar, Jabuuti, Dubai, Shiinaha iyo dalal kale. Fanaaniinta waxa ay daryeel iyo Mushaar ku lahaan jireen dowladii Somalia. Dalkii waxaa ka dhacay dagaal iyo bur bur waxaana meeshii ka baxday Dowladii Xooga badneed ee Somalia.

Markii ay dowladii kacaanka dhacday waxa ay fanaaniinta inta badan ay u kala carareen dalalka Deriska ah waxaa ayna Deris la noqdeen Qaxootimo halka Qaar kalana ay dalka ku noolaayeen.

Fanaanka Caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame Waxa uu kamid yahay Fanaaniinta aanan ka bixin dalka waagii bur burka iyadoona bulshada soomaliyeed ay si aad ah uwada garanayaan.

Waxa uu qaaday heeso fara badan oo isugu jira wadani iyo Jaceyl.

Iminka waxa uu ku xanuunsanayaa magaalada muqdisho  mudo 4sano ka badan sida uu iisheegay Maxamed Cabdi Tahliil Warsame oo ah wiil uu dhalay Fanaanka Cabdi Tahliil.

Maxamed ayaan la sheekeestay waxaana wax ka weydiiyay Xaalada Fanaanka isagoona ii sheegay in Aabe mar la qabtay Shirkii Carta kadib ee uu ka qaaday Heesta “Soomaaliya soomaali baa leh” iyo heesa kale.

Fanaanka oo ah fanaan Qaran ayaa daryeel ka helin Dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka marka laga reebo Dowladii Shiikh Shariif oo loo qaaday Dalka Dubai kadib dhaawac kasoo gaaray Rasaas uu ku furay Askari ku libisisan dareeska Ciidanka Dowlada oo gurigiisa ku rasaaseeyay waxaana xiligaasi fanaanka loo qorsheeyay in loo qaado dalka Jarmalka balse waxaa la sheegay in la qiyaamay oo gudigii loo xilsaaray arintaasi ay Musuq-maasuqeen.

Xaaladiisa Caafimaad ayaa marba si isku badasho iyadoona iminka uu ku aruuray Sariir isla markaana uu xitaa socodkii iyo hadalkii uu gabay. Marar fara badan ayaa laga codasaday Dowlada Soomaaliya in ay la tacaasho fanaanka balse Weey iska indha tirtay.

Mar hadii Dowladii ay iska indha tirtay waxaa habooneed in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ileen waxaa horay loo yiri gacmo wada jir bey wax ku gooyaan hadii la is kaashadana waa lagaarayaa hadafka balse waxaadba moodaa in shacabka qudhoodu uu gaabis ka yimi.

Iminka dalka waxaa Maamula Dowlad aan KMG aheyn, madaxda dalkana waa ay ka warqabaan xaalada Fanaanka halka ay mareeso iyadoona iska indha tirtay in ay wax u qabato.

Hada kahor waxaa booqday Fanaanka Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh waxa uuna ka dhawaajiyay in wax loo qabanayo fanaanka balse waxeynu dhihi karnaa waa balan qaad afka uun ku eg lana maqashiinayo shacabka oo kaliya waxa ayna dadka qaar balanqaadkaasi ku tilmaameen Qawda maqashii Waxna looma qaban maadaama ilaa iyo iminka aysan muuqan daryeel buuxa oo loo fidiyay fanaanka.

Cabdi Tahliil Warsame waa fanaan Qaran waxa uuna kamid ahaa Hoboladii Waabari dadkii ugu cad cadaa, fanaaniin ay kamid tahay Fanaanada Maryam Mursal Ciise Bootaan oo iyadana kamid aheyd Hobolada Waabari iyo fanaaniin kale oo ku sugan Magaalada London ayaa waxa ay isugu yimaadeen Kulan ay lacag ugu aruurinayeen Fanaanka Xanuunsan waxa ayna xiligaa dowlada Somalia ka codsadeen in Ay Baasaboor u sameeso fanaanka isla markaana ay Jarmalka u keento waxa ayna fanaaniintaa shegeen in iyaga ay daaweesanayaan ayna wax kale ka rabin dowlada balse ma jirto cid u jawaabtay.

Xili aan booqasho ku tagay Magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa waxaan booqday hoyga uu deganyahay fanaanka Qaran Cabdi Tahliil Warsame anigoo aad uga murugoon xanuunka la degay fanaanka.

Waxaa halkaasi igu soo dhaweeyay wiilkiisa Maxamed Cabdi Tahliil iyo gabadhiisa Xamdi Cabdi Tahliil waxaana la ii gudbiyay Qol uu ku jiray fanaanka, markii aan gudaha ugalay qolkii ayaa mar qura waxa ay indhaheyga qabteen fanaanka oo xaaladiisa ay tahay mid liidata oo inta afka lakala qabto caana loogu shubayo, Maqalka dhagaha Fanaanka ayaa waxa ay ahaayeen mid liita.

Markii hore qorshaheygu waxa uu ahaa in Sawiro iyo cod aan kasoo qaado Fanaanka anigoo ka socday mid kamid ah idaacadaa ku yaal magaalada muqdisho, balse markii aan arkay xaaladafanaanka dareenkeyga si aad ah ayuu isku badalay afar faataxo ayaan u akhriyay fanaanka in Allaah uu caafimaad siiyo waana kasoo tagay ileen wax kale oo aan awoodo malahane.

Maanta hadii ay tii rabi u timaado fanaanka waxaa hubaal ah in madax dowlada ay kawada hadlli doonaan ayna cambaaren doonaan oo ay oran doonaan waxa uu ahaa Fanaan Qaran Allaha u naxariisto murugana ay isku beeraan.

Dowlada somalia waa ay awoodaa in ay diyaarad u kireeso fanaanka oo ay soo daweeso balse kama muuqato dadaalkaa. Marar badan ayuu ka Codsaday dowlada in ay wax u qabato mana jirto cid uga jawaabtay Codsigiisa.

Waxaan soo xasuustay heestii uu fanaanka horay ugu  luqeeyay ee aheyd “Xafiisyada Waan Dhaliilay Mawada Dhaliiline Qaar baan dhaliilay” Hadaba dowlada somalia Maxay u qaadi La’dahay oo ay u caawin la’dahay Fanaanka Qaran Cabdi Tahliil?

Ma Dhaqaalo Daro Mase Dhaqaalo Jecli?!

Cabdullaahi Maxamuud Cumar “Garfiiq”
E-mail:- garfiiq55@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.