Ma Xaalaal Quudataa mise Xaaraan ku Naax?

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Cid waliba waa og tahay in TFG-du ayna xalaal ku dhisnayn. Cid waliba waa og tahay in Madaxda TFG-du ayna shacbi soo dooran ee xaal-mastuur lagu soo naqeeyey. Cid walba waa og tahay in Madaxda TFG-du ayna lahayn haybad iyo hoodaarnimo Qaranimo hanan karo.
Maqaallo Keydmedia Online
Ma Xaalaal Quudataa mise Xaaraan ku Naax?

Cid waliba waa og tahay inay jeebkooda u Shaqaystaan ee ayna danyarta Shacbiga u codayn. Cid walba waa og tahay inay Jeebka ugu jiraan Madaxda dawladaha aynu deriska nahay oo u isticmaala shaabad lagu xalaalaysto wixii iyaga dani ugu jirto.

Cid walba waa og tahay in Ciidanka AMISOM uu yahay mid u darbban ilaalinta kooxda yar oo lagu danaysto ee ayna Ummadda si dhab ah uga difaacin Xasuuqa al-Shabaab. Cid walba waa og tahay inaan kooxda TFG laga sugayn inay Dadka iyo Dalka gaarsiiyaan nabad iyo Hoorumar la taaban karo.

Cid walba waa og tahay Madaxda TFG ayna diyaar u ahay in xasillooni ka aloosanto Muqdisho oo sidaasna ay danahoodu ku sugan tahay. Cid walba waa og tahay in Shariif Axmad, Cabdiweli M.Caligaas iyo Shariif Xasan Sheikh Aaden ay u taagan yihiin tartanka Madaxweynenimo.

Markay Saddexdoodu soo baxaan, way heshiin doonaan oo waxay kala qaybsan doonaa Maamulka ugu sarreeya ee Dawlaadda. Waxay u eg tahay in Shariif Xasan uu jagadiisii hore dib ugu soo laaban doono. In Cabdiweli uu dib ugu soo noqon doono jagada Wasiirka 1aad oo uu hadda hayo. Waxaa aad loo hadahayaa in Shariif Axmad uu salballaaran ugu fariisan doono jagada Madxweynenimo.

Maxaa Soomali isu beddeli kara? Haddaan dhibka soo fool leh indhaha ka Qarsanno waxba isuma kaaya beddeli doonaan!

Faragelinta Madaxda Dawladaaha Aynu Derika Nahay

Si caddaan ah baa Ciidanka AMISOM loo siin doonaa inay xirxiraan ama ugaarsadaan cid kasta oo musharrax isu soo taagta oo ka baxsan 3da xilsugeyaasha ah. UN-ku waxba kama qaban doono faragelinta Madaxda IGAD iyo Xadgudubka Ciidanka AMISOM.

Madaxda TFG-du waxay xalaalaysan doontaa firdhinta Lacag badan oo ay ugu talogaleen in laaluush lagu bixiyo, oo dadka laysku diro, in been-abuur lagu sameeyo, in ninkii laga cabsado lagu khaarajiyo. In Xildhibaankii laga soo maago lagu kala tuuro. Madaxda 3geeska ahu waa inay maleegaan been u gadmi karta oo ummadda lagu jaho wareeriyo.

Dalka Xaaraan Baa Lagu Maamulaa!!

Roadmap waa xaaraan waxaana soo maleegay Madaxda 3geeska ah. Dastuurku waa xaaraan oo waa kan loo soo bandhi la’yahay Ummadda. Haddii ay lilaahi jirto Interned-ka ayaa lagu soo baahin si qurba joogtu uga baaraan degto oo talada ku habboon ka bixiya Xulashada xildhibaannada waxay tahay inay Bulshada ka timaaddo. Taasu ma dhici doonto oo Madaxada 3geeska ah baa gacantooda kusoo naqaysan doona inta jeebka u geli karta.

Hadday Soo Noqdaan…?

Si kastaaba darajada ha u qaysadaane, maxaa shacbiga isu beddeli doona markay doorashada kusoo noqdaan oo Dalka hoggaanka u qabtaa afar/shan Sano oo dambe? Hadda waxaa la joogaa xeerada saalkeeda. Afar ama Shan Sano oo dambe, dhibka ummadda soo gaari doona waa sii tarmi doonaa.

Haddii al-Shabaab laga adkaado, kuwo kale oo kasii daran baa iman kara. Gobollda Dalku waa sii kala go’goi doonaan, waxaana sii nagaan doona Ciidamada shisheeye. Waxaa sii badan doona: Nabad la,aanta, dhaca, dilka, xadgudubka bulshada, silica danyarta bulshada, rajaxumada nolosha qayska, iwm way sii xumaan doonaan. Dad badan baa Dalka ka Qixi doona!

Qandaraaska Shisheeyaha

Lama dhisi doono ciidan difaac Qarameed ama mid nabadsugid ee waxaa la adeegsan doonaa qandaraasle shisheeye ah oo Dhaqaale badan ku qaata hawlaha loo xilsaaro, sida Burcad-badeedda, afduubka iyo Madax furashada la haysteyaasha. Tanu ma ahan talo ay gaareen Madaxda 3-Geeska ah ee waa mid amar lagu siiyo oo laga sixiixi doono.

Maxaa Ummadda La Gudboon

Ummadda waxaa la gudboon inay gaarto talo deg deg oo ay Dadka iyo Dalka ku caymiyaan.  21 sano ayay qaadatay in koox danayste ah ay afduubaan mustaqbalka dadka iyo dalka oo ay Madaxa ka qabsato rabitaanka shacbiga.

Madaxda TFG-du waxay isku waafaqsan tahay in bulshada la dhiigmiirto o aan waxba loo qaban. In dalka laga qaxo oo khayraadka dalka ay u fasaxaan shirkado shisheeye oo iyaga wax yar u tuura. Waa inay cabburiyaan rabitaanka bulshada si ay madaxnimada ugu waaraan. Taasu ma dhici kaartaa? Haa.

Waddanka yaa iska leh? Madaxda 3geeska ah iyo intii la xulufo ah. Dadka iyo dalka yaa u maqan? Cidna. Shacbigu ma indho la’yahay? Haa. Ma dhago la’yahay? Haa. Ma garaad la’yahay? Haa.

Ma karti la’yahay? Haa. Ma isku kalsoon yahay? Maya. Xaqooda masoo dhacsan karaan? Haa. Maalin gelinkeed baa ku filan inay xoroobaan oo mustaqbalkooda soo dhacsadaan. Inay Muqdisho xoreeyaan, dabadeedna dalka isu furaan. Geeri iyo nololba Rabbi baa leh, dulliga aan laga xoroobinna dadka ayaa iska leh.

Taariikhda waxaa fusaale lagu cibaarro qaato. Bal arka sida shacbiga reer libiya ay muddo gaaban isku xoreeyeen. Bal arka sida fudud oo shacbiga reer Tunisia ay isku xoreeyeen. Bal arka sida mintidka ah oo shacbiga reer Masar ay isku xoreeyeen.

Bal arka sida dhabar-adaygga leh oo shacbiga reer Yemen ay isku xoreeyeen.  Ma ahan in dhacdada taariikheed lagaaga sheeekeeyo ee waa inaad adigu ka sheekaysaa.

Keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.