Da’yartooy Digniin: Dirirta Qabyaaladda iyo Dagaal Diimeedka!!!

Dr. Bashiir M. Xersi - Italy Ubadku waa isku nabaha qoyska iyo bulshada, waa ildoogsiga maanta(waqti xaadirka) iyo rajada aayaha(mustaqbalka), waa ashqaraarka indhaha iyo farxadda uurka, haddaba qormadeenna waxaan ku eegaynnaa ubadka iyo ababintooda, waxaan kaga nasanaynaa siyaasadda iyo saadilteeda sina loo bixin waayey, waxaan isku dayeynaa inaan si kooban u dalmarno, maadaama uu yahay mawduuc aad u ballaaran, una baahan baaritaan iyo xogdheer, ayna wehliso goobjoognimo iyo garaaddo goyn, haddana dhaqanku waa dhaqankii, dhallaankuna waa Innagoo weynaannay, waxaan ku cabirayaa wixii naga muuqda ee soo ifbaxa!.
Maqaallo Keydmedia Online
Da’yartooy Digniin: Dirirta Qabyaaladda iyo Dagaal Diimeedka!!!

Ugu horrayn bulsho waliba waxay leedahay astaamo u gaar ah, tilmaamo u gooni ah, iyo sifooyin aan cidna la wadaagin, darisnimadu saamayn waa yeelan kartaa, oo way jiri karaan waxyaabo la wada wadaago, haddana qoloba dhadhan gaar ah ayey u leedahay, Soomaalidu waxay qayb ka tahay bulshooyinka reer guuraaga ah, waxaa lagu tilmaamaa ummad geeddi iyo hayaan ku xeeldheer, taasi ma ahan mid iska dhalatay, waxaa sababay cimilada dalka iyo camalka dadka, qormada waxaan ku qaadaadhigi doonnaa laba qodod oo kala ah: Qabyaalad iyo DagaalDiimeed.

Qabiil{Qabyaalad}: Unugga Soomaali isku xira waa qabiil, dhalyadu waa asalka la wadaago, dhiiggu sida markuu daato xinjir guduudan u yahay, ayuu dadka qalbigooda ugu dhagan yahay, haddaba qabiilku maadaama uu sidaa yahay sidee loo dhaqan galiyey? Waa su\




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.