December Bil Murugo Iyo Gocosho Badan!

By Bashiir M. Xersi - Maalmuhu kala Wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku dul wareegaan. Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo caddaan, murugo iyo farxad.
Maqaallo Keydmedia Online
December Bil Murugo Iyo Gocosho Badan!

Jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Qoyska, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan nolosha.

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbardhig. Maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, sanadihii murug maarugta, colaadaha iyo dagaallada sokeeye, kuna baahday gees-ka-gees dadlka dhaliyana fawdada iyo jaantaa rogan, ee la galay tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn.

Waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan (soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhiibtay maalin.

Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto wixii dhacay inta bil December na soo martay, balse, waxaan isku dayeynnaa inaan ka soo qaadanno dhacdooyin kala duwan oo wada dhacay isla bashaa, waxaan u adeegsannay sida ay u kala horreeyeen xagga sanadka, inagoo ka soo billownay sooyaalka hore deedna ku keennay kiwii ugu dambeeyey ee dhacay, marka qofkii aweeddiisu tahay inuu wax ku daro taariikhdan way u furan tahay.

Burburkii Dawladdii dhexe!

Bal aan ka billaabo 31 December sanadkii 1990-kii oo ku beegan burburkii dawladdii dhexe, waxaa maalintaa iyo bishaa wixii ka dambeeyey dalku galay dagaal magacyo kala duwan yeeshay, qaabab kala duwanna isu rogay, dhibaatadii ka dhalatay ay wali taagan tahay oo aysan dhammaan ama aan laga gudbin, waxaa maalintaasi horseed u noqotay heeryada habacsanaanta iyo hiilka qabiilka aan loo hayb dayin ee aan la hubsan.

December 1990-kii waxaa dalku u gacan galay jabhado hubaysan oo ka soo wada duulay dhanka Itoobiya, waxayna ku guulaysteen inay dalka diirtaan oo aysan hambayn Jiingad Lamayeeri iyo Mutuleel, waxay ku guul darraysteen inay ammaankii jiray wax ku biiriyaan ama sii adkeeyaan maadaama uu meesha ka baxay nidaamkii kali taliga ahaa, mindhaa lagama fekerin; maxaa dhacaya haddii sidaan wax loo maareeyo?!

Runtii bisha December waxay reebtay xanuunno aan waligood bogsoonayn lagase yaabo inay wax iska badalaan sida wax yihiin ama wax ku socdaan, bishan waxaa lagu xasuustaa maalmo aad u qaraar oo Soomaali soo maray ayna ugu horrayso rididdii dawladii dhexe iyo burburintii qarankii Soomaaliyeed, oo aan filaayo inay tahay mid sabab u ah wixii xigay ee dhacay ama ka dambeeyey.

Dagaalkii sokeeye iyo colaadihii ka dhex qarxay Soomaali ilaa jibsin hoose waa midda ilaa hadda taagan ee aan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, dhacdooyinkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii u ku jiray burburka waxaa lagu xisaabin karaa xilkeeda bisha December, oo ah bishii ay dawladdii dhacday, ujeedka ma ahan in maalin bil, sanad iyo xilli go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.