DHAAWACA: DHIMASHO BAA KA ROON!!!

Waa hubaal ama kama labalabeynayo qofka ku nool magaalada Muqdisho xiligan in dhibaato ay gaareyso koley ahaatabo, waayo magaalada waxay marti u tahay dagaal aan dhamaan, duqeyn aan ujeeda laheyn iyo damiir laawayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib, waxaana dhamaan dhinacyadaasi ay ku balameen dhibaateenta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Maqaallo Keydmedia Online
DHAAWACA: DHIMASHO BAA KA ROON!!!

Qarax baa dhacay, hoobiyaal baa bilowday, duqeyn baa xigta, maqalka erayadaasi waa kuwa horudhac u ah dhibaatada shacabka ay fishaan saacad walba marka la joogo Muqdisho, waxaana aan jirin cid u diir naxeysa shacabka.

Dhammaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo leh duqow iyo caruur marka ay maqlaan daryanka madaafiicda iyo duqeymaha leysku asqeynayo waxay durbaba ku duceystaan in alle uu hareer mariyo dhibaatada dhaceysa, iyagoona intaasi ku sii dara hadiiba ay dhacdo in dhibaato I gaarto allow dhaawac iga kori!!

Waa suurta gal in dad badan ay is weydiinayaan dadka waxa ay dhaawaca uga doorbidayaan geerida, waase arrin iska cad oo si hufan loo qeexi karo, Muqdisho xiligan waa magaalo kala xirxiran oo wadooyinkeeda kooban yihiin, ma sahlana in qofka dhaawaca ah xiligii uu u baahnaa gargaarka la soo gaarsiiyo isbitaalka, waxaana taasi ay sababtaa in qof dhiig bax tacbaan la ah la geeyo isbitaalka, tiyoo isbitaalka aanay joogin dhaqaatiir xirifadlayaal fiican ah oo ka taxadari karta dhibanayaasha isla markaana sida ay u kala daran yihiin u kala hormarin karta.

Marka la geeyo ruux dhaawac ah isbitaal waxaa durba uu la kulmaa dayac xoog leh halkii looga fidin lahaa daryeel aadaminimo, waayo isbitaalada waxaa ka shaqeeya dhalinyaro aan in badan xirafadlayaal Caafimaad aheyn isla markaana aan garaneyn qiimaha uu leeyahay qofka Aadanaha ah iyo ajarka laga kasban karo ruux la badbaadiyay xili uu u baahnaa.

Aroorta hore xiliga ay dadka u shaqa tagayaan Suuqa bakaaraha oo dadka qaarkood ay u bixiyeen iminka (TUBTII GEERIDA) waxa ay ku alle tuugaan in alle ku hayo dhibaato, waxaana aad maqleysaa dad ku duceysanayaa Allow dhaawac naga kori dhimasho waa halkeedee.

Ma hilmaansana shacabka Soomaaliyeed in dowr bidida dhimashada ay tahay danbi, hadana waxa ku qasbaya in dhaawaca dhimasha ay ka doortaan araxan laawayaasha madaafiicda ku asqeeyay iyo dhalinyarada aan xirfadyahanadda aheyn ee dhex qotama isbtilaada Magaalada Muqdisho.

Waa hubanti in qof walbaa oo dunida ku nool uu jecelyahay waaya badan  inuu noolaado isla markaana waxa badan uu ka shekeeyo, waxaana Soomaalida ay dhaqan iyo caado u leedahay xiliyada dhibaatooyinka ay jiraan in ay yiraahdaan allow dhibkan kuwii ka sheekeeya naga mid yeel.

Quus ka muujinta shacabka Soomaaliyeed ee dhanka Nolasha waxaa u sabab ah sida cad, kooxaha aan shacabka danta ka laheyn ee Dalka ku soo daabulaya ajaanibta xagga iyo xaggaba, waxaana joogista Ajaanibyta ay sababtay in dhibaatada ay sii laba lixaadsato isla markaana dadka ay noqdaan kuwa dhib u joog ah.

Ruux walba oo damiirka Soomaalinimo wali ku danbeeyo dunida meel walba haka joogee waxaa la hubaa inuu dareemayo xanuun badan iyo mashaakil uu ka dhaxlay dhibaatada shacabka gaareysa maalin walba ee dhimashada, dhaawaca, darxumada, diifta iyo barakaa isugu jirta.

Hadaba akhriste sideed is leedahay dadku way uga tanaasuli karaan Dowr bidida Dhimashada? Sideese lagu yareyn karaa dhibaatada ay shacabka badayaan ajaanibta kala duwan ee Dalka ka dagaal gasha xiligan? Fadlan aragtidaad noogu soo dir facebook.

www.keydmedia.net - Muqdishu




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.