Dhacdadii foosha-xumeyd ee Islii ka dib, Maxaa xal u ah dadka Soomaaliyeed ?

Abdullaahi Ibrahim Cumar - Waxaan marka hore muuujinayaa sida aan uga xumahay dhibaatadii ku dhacday Shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi,Kuwaas oo loola dhaqmay si waxuushinimo ah oo ka soo horjeedda dhammaan Qawaaniinta Caalamiga ah,ka dib markii dumar,caruur iyo waliba dad waaweyn laga buuxiyey meelo aan ku habooneyn in dad lagu hayo islamarkaana aan lahayn adeeggii loo baahnaa.
Maqaallo Keydmedia Online
Dhacdadii foosha-xumeyd ee Islii ka dib, Maxaa xal u ah dadka Soomaaliyeed ?

Bal inta aanan u galin,Waxa Soomaali xal u ah dhacdadan ka dib, Bal aan marka hore u mahadceliyo dhammaan Soomaalida Kenya oo runtii ka dhiidhiyey falkii fooxsha-xumaa ee ay ku kaceen Ciidamada Amniga ee Kenya,Kuwaas oo dhaqan iyo caado ay u tahay in ku tuntaan dadka rayidka ah mararka ay fulinayaan howlgallo gaar ah.Waxaana si gaar ah Salaan iyo Mahadnaqba ugu dirayaa Xilidhibaanada Soomaalida Kenya,Kuwaas oo runtii qaatay kaalin lama ilaawaan ah.

 Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur oo runtii ka soo baxay kaalintii looga baahnaa,Waxaana ku leeyahay Safiirka ma ilaawi doono dadaalkaaga aan hagarta lahayn.Waxaa sidoo Iyagana amaan leh Warbaahinta Soomaalida oo si hagara la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.