Dhagarta iyo Dhufeesyada Bakaaro!

Haaji Seeko (Keydmedia) - Waxaad maqashay dowlada ayaa ku sii siqeysa Bakaaro, gacansataduna waxay la baxeysaa hantidooda, Alshabaab ayaa bakaaro agaag dagaal ka sameestay, isbriirsiga arimahaasi maxaa kaaga baxay?.
Dhagarta iyo Dhufeesyada Bakaaro!

Ma is tiri seddexda dhanba hal dan ayaa ka dhaxeysa oo ah in  Dalka aanu xasilin dagaaladuna ay socdaan? Maku fakartay ganacsatada ayaa xiriir geesa badan la leh kooxaha hardamaya oo mid walba dhankeeda u taakuleysa, ma is tirise in qandaraas qalin madow lagu qoray uu ka socda goobta?.

“Waxaan booqday Bakaaraha, waxaa ii muuqday albaabo xiran, gawaari badeeco daabuleysa, ganacsatada jeeb weynayaasha ah oo faraxsan iyo garab rarato tiiraanyeeysan oo ay  talo la ciirsantahay” sidaa waxaa u sheegay Keydmedia mid ka mid ah dad weynaha booqday Bakaaro kadib kolkii dowlada ay la wareegtay gidaarada suuqa iyo xaafadaha ka agdhaw.

Maxaa keenay Duulaanka Bakaaro?

Waxaa suurta gal ah in dad badan ay kuwa jawaabaan dowlada, Amisom iyo shabaab ayaa sabab u ah oo ku dagaalmay afaafka suuqa, laakiin indheer garadka waxa ay ku sheekeynayaan arin taas ka duwan oo ah in ganacsatada jeeb weynayaasha ah ee bakaaro ay dowlada kula heshiiyeen in suuqa la sal kiciyo, waa maxay Sababta?

Arintan waxaa lagu macneeyay ganacsatada bakaaro oo dagaal beeleed hoose uu dhex maray kuwaasoo koox walba ay dan gaar ah leedahay, koox ganacsatada ah ayaa ka iibsatay dhul balaaran agagaaraka ceelasha biyaha, waxaana ay doonayaan in ganacsiga Bakaaro loo wareejiyo dhulkaasi, ujeedaduna waxa ay tahay dhaqaale in laga abuuro halkaas oo ganacsatada dib looga iibiyo.

Koox kale oo isla ganacsatada ah ayaa wada dhismaha jid soo gala bakaaro kaasoo dhex maraya degmada dayniile kana leexaxnaya wadada warshadaha, kooxdan doonistooda waxa ay tahay in bakaaro uu sii shaqeeyo, waxaase lagu xagliyaa in ay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Ma dhabaa in Dowlada ay dhaqaalo ku heshay duulaanka Bakaaro?

Ilo war gal ah ayaa waxa ay sheegayaan in ganacsatada Bakaaro gaar ahaan koox uu hor boodayay Cali dheere ayaa saraakiil dowlada ka tirsan oo aan la magacaabin  ay gacanta u galiyeen lacag dhan 250-kun oo doolar si loogu dhiso niyada ciidanka isla markaana loogu durko suuqa bakaaraha.

Waa maxay ujeedada kooxdan?

Ujeedada kooxda Cali dheere ayaa lagu sheegay in ay tahay iyaga oo go’aansaday in suuqa goob colaadeed uu noqdo si dhaqaale badan ay uga tacbaan deegaanka ceelasha oo ay dhul ka iibsadeen xili dhulka uu qiima jaban ahaa, waxaana sida qorshaha uu yahay ay ku fakarayaan kooxdan in dhulkaasi ay lacag adag uga iibiyaan ganacsatada hareer marsan afkaartooda.

Halkuu ku danbeyn doonaa mustaqbalka Bakaaro?

Inkastoo qadarta alle ay halkeeda tahay, hadana dadka waxa falanqeeya waxa ay rumeysan yihiin in mustaqbalka Bakaaro xiligan uu ku sii durkayo sidii suuqa Xamar weyne uu ahaa xiligii ay ugubka ahaayeen dagaalada sokeeye.

Garab raratadu waxa ay kala baxayaan hantidooda gudaha suuqa bakaaraha iyagoo aan aqoon goob ay ciirsadaan, qaar ka mid ah waxa ay alaabahooda ku xareeyeen guryo laga barakacay oo ku yaala xaafadaha Baar-ubax iyo Xamar Jadiid oo daris la ah suuqa bakaaraha lagana cabsi qabo in ay dagaaladu saameeyaan .

Wali ma quus dhigin oo maalin walba in ka badan 2 Doolar ayeey gaari raac ku bixiyaan garab rartada Bakaaro si ay u soo indha indheeyaan xaalada suuqa, waxaana naftooda qaaliga aheyd ku waayay gudaha suuqa dad badan oo haminayay in ay mudo fog sii xamaashaan.

Abdulkarim Haji Seeko – Keydmedia Investigative Journalist

________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.