Dhaqanka Diktatooriyada ee Xukunka dhaxaltooyada ku dhisan!

Mohamed Omar - Salaamulaahi Calaykum Dhamaan Ummada Somaliyeed ee Wanaaga u Saaxiibka ah. Waa Qormo aan ku eegaayo Xukunka dhigtatooriyada isla markaasna aan ka tala bixinaayo in aan iska dayno.
Dhaqanka Diktatooriyada ee Xukunka dhaxaltooyada ku dhisan!

1. Marka Koobaad waa maxay Dhigtaytar?

2. Marka Labaad yaa ku dhaqma nidaamka Dhigtaytarka?

3. Marka Sedexaad Dalkeena Somaliya ma looga dhaqmaa, nidaamka Dhigtatoorka?


Waa maxay Dhigtaytar?

Dhigtaytarka marka la soo koobo, waa nidaam kali talis ah. Kaas oo waxa uu go,aansado in uu fuliyo ay isaga oo kaliya u gaar tahay didmo iyo ogolaansho waa,uun isaga.

Cid kale oo la murmi karta amaba ka daba hadli kartaana ma jirto. Waxa uu Dhigtaytarkas yiraahdo ayeey inta kale ku gowracan yihiin, Haday Dowlad Tahay iyo haday Beel tahayba.

Yaa ku dhaqma nidaamka, Dhigtaytarka ama kali taliska?

Waxaa ku dhaqma dhamaan Umadaha Africaanka ah iyo Carabta oo Somalidana ay ku jirto.

Waxaa kale oo ku dhaqmi jiray wadamada Yurub iyo Eshiyaanka kale ee aan Carabta ahayn.

Inta badan wadamada Yurubka iyo Eshiyaanka aan Carabta ahyn way ka bexeen nidaamkaasi Dhigtaytarka.

Dhigtaytarka Yurub iyo Eshiyaanka aan Carabta ahayn wuxuu ka talin jiray nidaam Dowlad oo kaliya ee uma badna in ay ka taliyaan nidaam Beeleedka. Sida Beel Heblaayo ayaan boqorkoodii ahay. Sidaas darteed cid kasta Dowlad iyo Dadweynaba waxay ka amar qaadan jireen halkaas Dhigtaytar Dowladeedka ah oo kaliya.

Balse Ummadaha Carabta oo Somalidana ay ku jirto iyo Africaanka waxay leeyihiin laba dhigtaytar oo kala ah, Dhigtaytarka Dowlad ahaan u xukumo iyo Dhigtaytar Beeleed oo Beel ahaan u Xukumo.

Dhigtaytarka Beesha ee loo yaqaano magacyada, Boqor, Suldaan,  Amiir, Garaad iyo wixii la mid ah waxay beelahooda ku Xukumaan go,aan aan laga daba hadli karin sax iyo khalad wuxuu doonaba ha ahaado ee.

Waxaana go,aanka Dhigtaytar Beeleedka ay dadku yiraahdaan, Boqorkiibaa yiri.

Dadkeena Somaliya ma ku dhaqmaan nidaamkaas dhigtaytarka?

Haa oo waliba aad iyo aad ayeey u aaminsanyihiin nidaamka Dhigtaytar Beeleedka ah.

Somalida Xukunka dowlad Dhigtaytar ama kali talis ah hal mar ayuu soo maray. wuxuuna soo bilawday Tariikhda markay ahayd bishii 10/21/1969 wuxuuna ku dhamaaday sanadkii 1991 kii.

Waxaase aan waligiis ka harin Xukunka Dhigtatoor beeleedka. Kaas oo marba meesha ay Dhigtatoor beeleedka dantiisa gasho beesha u jiheeya dagaal iyo nabad, bixin iyo diidmo intaba.

Dadka Somaliyeedna aad iyo aad ayey u aaminsanyihiin oo oga dabeeyaan ninkan Dhigtaytarka ah ee la baxay, Boqor, Suldaan, Amiir iyo Garaad wuxuu doonaba Ummada ha ogu yeeraane.

Akhristoow aan mid kuu cadeeyo, aniga Mohamed ahan ma ahaa in aan diidanahay in beelaha ay horjooge lahaadaan, balse waxaan rabaa horjoogahaasi in uu doorasho dadka uu Horjoogaha u yahay uu ku yimaado.

Waana in uu lahaada mudo la isla ogyahay oo uu xilka kaga dhamaanaayo. Isla markaasna Horjooge kale Beesha ku dooraneeyso. Waxaan ka soo horjeedaa abahay ayaan ka dhaxlay Kursiga Booqornimada, Suldaanimada, Ugaasnimada, Garaadnimada iyo Garaadnimada.  

Waxaa in la ogolaado aan haboonayn ama aan xaq ahayn, nin ku leh waryaa aniga ayaa in aan kuu taliyo dhaxal aabahay u helay? Sida xoolaha Geela, Lo,da iyo Ariga aan u leenahay oo kale.

Waxaan soo jeedinayaa in la joojiyo dhaqamada xun,xun ee ku dhisan dhigtatooriyada. Sida Boqorka Suldaanka, Ugaaska, Garaadka iyo wixii la mid ah.

Kuwaas oo Somalida caado u ah in la iska dhaxlaayo. Meesha Ummada Somaliyeed ay ka nuuxsan wayday ee dib u dhaca badan iyo dagaalada macna la,aanta ahba u keenay waa taas. Mida kale oo aan rabo in aan iftiimiyo oo hoosta ka xariiqo ayaa waxay tahay, Dhigteeytar Beeleedka ayaa saldhig u ah, dhigtatoor Dowladeedka.

Hadii Horjooge Beeleedka ay Beelaha marba ninka ay u arkaan in uu istaahilo Hogaankooda ay soo doran lahaayeen mar walba, waxaa la waan lahaa Dhigtatoor Dowladeedka kaligiis taliska ah.

Waxaan qabaa hadii Boqor Beeleedka dhaxaltooyada ku dhisan uusan jiri lahayn, Dhigtatoor Dowladeedka ma jiri lahayn. Waayo dhigtatoorka Beesha ayaa dhalay Dhigtatoor Dowladeedka.

Sidaas darteed waxaan Ummada & dhamaan inta xukunada noocaas ah ku hoos nool aan kula talinayaa in aan iska Cayrino Dhigtatoor Beeleedyada dhaxaltooyada ku dhisan!!!

Sincerely, Mohamed Omar  Osman - New York, USA

(585)360-3940 - world9peace@yahoo.com


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.