Dhaxalka Is jiid-jiidka siyaasadeed

Abaaraha ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan dalka ayaa sababay, biyo laa’aan iyo baad la’aan, taas oo keentay in si ba’an ay u le’daan xoolaha, sida Geela, Lo’ada iyo ariga, kuna bur-bureen beeraha, isla markaana ku naf waayaan dad u badan caruur iyo dad da’ ah.

Maqaallo Keydmedia Online
Dhaxalka Is jiid-jiidka siyaasadeed

Ilaa hadda gobolka abaaruhu dhibaatada ugu badan ka geysteen Soomaaliya, waa Gedo, kaas oo daris la noqday, siyaasado is diiddan, colaado sokeeye, dagaallo qaraar, iyo duqeynta joogtada ah diyaaradaja Kenya ku hayaa shacabka u badan xoola dhaqatada.

Gobalka Gedo, wuxuu roob yarida, saameynta Ayaxa iyo is baddelka cimilada la wadaagaa gobollada kale ee dalka, waxaase gaar u ah, dhibka ka soo gaaraya is maan dhaafka siyaasadeed ee laga falkinayo Villa Soomaaliya, iyo madaxtooyada Jubbaland.

Tan iyo markii, la doortay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, waxaa soo if-baxday xiisad xooggan oo ka aloosan Gedo, taas oo salka ku heysa, anaaniyad qabiil, sadbursi doon siyaasadeed iyo saluug heybta Madaxweyne Farmaajo ka qabaan Saldanada Jubbaland.

Afartii sano ee Farmaajo, sanadba sanadka ka danbeeya, waxaa cirka isku sii shareerayay, khilaafka ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Maxamed Farmaajo, taasi oo sababtay, sii kala fogaanshada, Maamulka Jubbaland iyo shacabka Gedo oo intooda badan ku daaban Farmaajo.

Sida muuqata gobolku ma helin adeegyadii uu u baahnaa ee dhanka Jubbaland, sida caafimaadka, amniga, iyo gurmadka, waxaana si cad u diiday madaxda iyo dhaqanka gobolka hoggaanka u ah oo si toos ah Farmaajo kaga amar qaata.

“Halkii ay Maroodiyaal ku dagaalamaan waxaa ku burbura cowska” ayay Soomaalidu tiraahdaa, Is jiid-jiidka daba dheeraaday ee Madoobe iyo Farmajo ka dhexeeya, wuxuu galaaftay adeegyadii ay xaqa u lahaayeen dadka shacbaka ah, taas oo sii biritaartay xaaladaha abaaraha.

Maamulka Dowladda Fadaraalka ee go’doomiyay shacabka, waxba kuma soo kordhin degaanka, marka laga yimaado ciidamo Muqdisho laga soo daad gureeyay si ay u sii holciyaan xaaladda murugsan.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo kaashanaya Fahad Yaasiin iyo koox abaabulan oo intooda badan ka soo jeeda Gedo ayaa isku dayay in ay carqaladeeyaan doorashdii Jubbaland taas Axmed Madoobe ku adkaaday.

Tan iyo markaas, waxaa gacanta Maamulka Jubbaland ka maqnaaa gobolka Gedo, oo si toos ah u hoos tagayay Dowladda dhexe.

Muranka Gedo ka taagan, wuxuu ubuc u noqday is mari waaga ku hor gudban in la gaaro heshiis la isla ogolyahay oo lagu aado doorashooyinka dalka ee 2021.

Kooxda Farnaajo hoggaamiyo oo dhibaatada Gedo ka taagan qeybta ugu weyn ku leh waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u korayaan in ay helaan kuraasta beesha Mereexaan ee taalla Garbahaaray.

Axmed Madoobe oo qudhiisu doonaya inuu koraastaas u boobo rag ay saaxiibo yihiin, ayaaa ku doodaya in uu xaq u leeyay in Maamulkiisu maamulo doorashooyinka BFS, ee ka dhacaya Jubbaland, sida maamullada kale.

Nasiib wanaag hadda waxaa la soo warinayaa in roobab ka curteen gobolka, waxaana xaaladda Gedo indha ku haya Soomaali oo dhan, waxaana ku billowday gargaar ay hor kacayaan shacabka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.