Dhul Badeedka Soomaaliya Waa 750 KM!

Dr. Saciid Ciise Maxamud — Waxaa jira in wadamada ay kor u kacday awoodooda dhaqaale oo u badan kuwa reer Yurub ay had iyo jeer horor ku yihiin kheyraadka dabeeciga ah ee addunka oo ay doonayaan si toosa iyo si dadbanba iney u dhacaan, gaar ahaan wadamada saboolka ah oo soo koraya.
Maqaallo Keydmedia Online
Dhul Badeedka Soomaaliya Waa 750 KM!

Wadamada reer Yurub horay waxey ugu guuleysteen in wadamo fara badan ay dhaceen macdantii dalkooda ku jirtey iyo waxyaabo badan oo kale oo qiimo leh oo dalalkaas ay hodan ku ahaayeen xiligii ay gumeysanayeen. Waxaa laga soo gudbey xilgaas, waxaana loo soo gudbey xilgii aqoon wax lagu xadi lahaa oo madax aan waxba kala fahamsaneyn lagu xadi lahaa sharciyo caalamiya oo cilmiyeysan, kuwaas oo dhaxalka dalalkaas ka dhiga mid xaquuqdooda loo wada siman yahay lahaanshihiisa.

Wadamada horay u maray sharciyada iyo shirarka caalamiga ah oo ay soo abaabulayaan waa kuwo ay ka soo fiirsadeen, dantoodana ay ku soo jaangooyeen, haddana si aan loo maleyn karin oo la cilmiyeyey looga soo fekerey naqshadeyntiisa iyo u qurxinta wadamada loo maleegayo hagar daamooyinka. Wadamadaas awooda weyn waxey heshiis ku yihiin in qaab kasta oo loo mari karo in loo maro sidii loo dhici lahaa dhaqaalaha ku duugan wadamo badan oo aan lahayn awooda ay kula soo bixi karaan, maxaa yeelay aqoonta iyo qalabka loo adeegsanayo sahanka, gadiidka, iyo soo saarida iyaga ayaa iska leh, mana jirto cid awood aqooneed isaga hubin karta baaristooda iyo qarsoodiga ay u daldalanayaan kheyraadka qarsoon ee ku hoos jira badda hoosteeda.

1958 ayey bilaabeen wadamadaas horarka ku ah kheyraadka wadamada soo koraya iney maleegaan shirar caalamiya oo ay ujeedooyinkoodu ku soo koobeen iney ku saleysan tahay dadaalo ay ugu jiraan samatobixinta lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan kaluumeysiga iyo qoditaanka shidaalka laga soo saarayo baddaha dhexdooda. Natiijooyinka shirarkaas ma uusan noqon mid loo dhan yahay, waxaana dadaaladooda dhantaalay xilgaas oo uu Dagaalka Qabow dhaliyey xasarado xamaasadahoodu ay aad u sareyeen.

Shirarkaas waxey xoog u bilowdeen mar kale 1973, wuxuuna soo gabagaboobey Disember 10, 1982, halkaas oo laga soo saaray qawaaniinta lagu dhaqayo xuduudaha wadamada ku yaala badda, waxaana xeerkaas lagu dhaqayo xuduudaha badaha uu noqday howlgal Nofember 16, 1994.

Waxey qorayaan xeerarkaas in wadan walba oo xeeb badeed leh in biyaha badda uu ku leeyahay 22 km oo keliya, waxaa xiga dhul badeed 22 km oo uusan lahyn wadankaas, laakiin ay weli awoodiisa wadankaas hoos imaneyso, waxaa xiga dhul badeed marka laga soo bilaabo xeebta ilaa balaciisu uu noqonayo 370 km, kaas oo noqonaya dhul badeed ay dowladaas sharaf ahaan loogu maamuusay iney u leedahay xaq u ogolaanaya in kheyraadka ku hoos jira badda ay ka faa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.