Diasporada Soomaaliyeed oo Kooxi Been Abuuratay!

Keydmedia Online - Lifaaqan wuxuu ku wajahan yahay Gobollada Jubbaland oo "Kablalax" doonayo inay la hoos-galaan Dastuurka qabyada ah oo halkaas Dawlad-Goboleed laga dhiso, Dawlad reer Puntland hoggaamiyaan lana inkiro jiritaanka Beelaha Deegaamadaas iska leh.
Maqaallo Keydmedia Online
Diasporada Soomaaliyeed oo Kooxi Been Abuuratay!

Horin Hal Qabiil kasoo jeeda ayaa waxey Afduubatay Magac weynaha Diasporada ama Qurabajoog Soomaaliyeed (Fiiri oo Aqri Lifaaqa) waxeyna u gurbaan tumanayaan in ay Dawladda Soomaaliyeed ay faraha kala baxdo dhismo Dawlad-goboleed Kablalax soo dhoob-dhoobay, loogana dambeeyo Dowlada Kenya.

Habayaraatee ma doonayaan inay Soomaaliya noqoto Dal Qaran ah oo aayihiisa ka tashanda.

Kooxdaan Qabyaallada ku caan baxay waxey Shirar ka wadaan Magaalada Nairobi, waa Kooxda uu hormuudka u yahay Warlord Gaandi, Axmed Madoobe, Faarax Macalin iyo Xasan Abshir, waxeyna isku dhaarsadeen inay qaadaan Duulaan Militari iyo Buuq Siyaasaddeed.

Xafladii Mineapolis oo baaxada weyneed oo ay Qurbajoogta Soomaaliyeed u qabteen Madaxweyne Xasan Sheikh 18-dii Bishaan, waxaa Goobjoog ahaa Waxgaradkii Soomaaliyeed ee North Amerika horeynah looma arag Hool ay iskugu yimaadeen 5.600 oo Gabar iyo Wiil Soomaaliyeed ah.

Hoolka Xaflada banaankiisa ayaa Dad lagu qiyaasay 70 Qof oo ay isku heyb yihiin Kooxda Gaandi oo aan kor kusoo sheegnay waxey ka sameeyeen Buuq-Mudaharaad oo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha, Soomaali inteedi kalenah waxey wada-wadaagayeen Farax iyo Hambalyo Aqoonsiga Soomaaliya ay ka heshay Caalamka iyo Dowlada Mareykanka.

Lifaaqaan Keydmedia Online ay idiin soo gudbineyso waxaa lagu been Abuurtay Magacaaga, Magaciisa, Magaceeda iyo Magaciina hadii aad tihiin Qurbajoogta Soomaaliyeed oo Jecel in ay Nabadi ka islaaxdo Dalka Hooyo.

Hadaba Raali ma ka tahay in ay Kooxi Magacaaga u Isticmaasho hadba sida ay doonaan? Fadlan Ra




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.