Xaqiijinta Heshiiska Berlin

Dib u soo noolaynta Hamiga Xabashida & Heshiiska Berlin

Maqaallo Keydmedia Online

Dadkeena Soomaaliyed waxaad moodaa inay aad uga mashquuleen kana sii jeesteen hardankii soo jireenka ahaa, oo aad moodayso in la kala xaday lana kala xiray oo isfahamkeenii umadnimo ku xiran yahay shirar ay noo qabtaan dad aan isku feker ahayn.

Dib u soo noolaynta Hamiga Xabashida & Heshiiska Berlin

Waxey u muuqdaan kuwa aan dareen badan u lahayn heerka dunida manta ay joogto oo runtii  dhaqankeedu isu rogay in layso itaal sheegto, oo cidda laga itaal roonaado taariikhda dunida laga masaxayo, sida dadkii Indians-ka ku noolaan jiray North America iyo Australia oo aan manta cidna ka sheekeyn halkay ku dambeeyeen.

Insaanku waa dulmi badan yahay waana dulqaad xun yahay, waxaase garab socda hormar iyo cilmi sii koraya oo aan in badan oo ka mid ah aqlaaq lagu kaabin, wuxuuna keenay in sanca kastoo dunida ku soo biirta ay daba socdaan Ganacsi siyaasad ku daaban oo hadba ninka wax gartaa uu noqday mid u taagan siduu uga adkaan lahaa bulshooyinka kale, dowlado, ama nidaam uu doonayo inuu ka dhaqan galiyo dunida inteeda kale.

Dagaalka warshada ee qarnigii 19-aad wuxuu dhaliyey Halaaggii Dagaalkii 1-aad iyo dagaalkii 2-aad, waxaana u sabab ahaa soo if bixitaankii Warshada iyo farsada casriga ahayd ee ka soo baxday, waxayna keentay in hadba qolo isu aragto inay hogaanka u qabato dunida isuna muujiso in ayaga uun looga dambeeyo, waxana si aan karaama lahayn ku soo dhamaaday colaadahaas oo burbur dhaqaale, Nafsi, iyo nolol xumo ku soo waaya jirsaday.

Sidaasi oo kale 100 Sano ka dib dunida waa halkeedii, waxaana is badalay oo kaliya habkii awood maquuninta ahayd ee qoriga uun uu shaqeynayey, waxaana lagu badalay hanaan ka duwan oo la yiraahdo BIO-WARFARE ama hubta casriga ah  ee salaysan in la sumeeyo qaruumaha dunida  ku nool si dawadeeda cidda haysana u noqoto cidda markii hore abuurtay, adeegsiga kimikada lagu daray cuntaday, ama Abuurka Beeraha iyo inta lagu daryeelo ee dusha looga shubay ama dawooyinka Talaalka ugu horeeyo iyo wixii ka mid ah sida DNA lagu hal beegsado waddan ama Ummadda iyo wixii la mid ah waa hanaanka dagaalka cusub. Waxaan kaga hadli doonaa qormo kale sida Kimikalaada loogu adeegsado dunida 3-aad Insha Allah.  

Yaanan ku dheeraanin howlgalada dunida ka jira ee aan ku ekeeyo uun sida geeska Africa howlo aad u hadimo badan uga soo caan baxayaan oo dadkeenuna u kala daadsan yihiin, oo aan nina dan uga lahayn is balaarinta xooga ee ka jirta geesta africa ee aynaan waxba ku lahayn.

Bal aan ka sheekeeyo arimo aan caadi ahayn oo geeska Africa intaan xusuusto aan wali waxba laga qorin, 2017 Bisha February inay ahayd baan u malaynayaa ayaa waxaa Maraynkanku ku dhawaaqay inuu soo diri doono Rag quburo ah oo arimaha geeska Africa wax ka badala siyaasad ahaan, wuxuuna u bixiyey Dib u eegista Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Africa. Raggaasi lama sheegin Magacyadooda lama baahin tirada ay dhan yihiin, lamana sii qaad qaadin oo Warbaahin xoog badan oo daba gashay may jirin.

Waxay safarkooda ugu horeeyey ee Geeska Africa ay ka soo billaabeen Dalka Eritrea, kadibna Djibouti waxayna ku dambeeyeen Ethiopia waana Meesha ugu war dambaysay ee ay ku mirqeen lana waayey meel ay mareen raggaasi. Inta la og yahayna Kenya iyo east Africa may tagin, somaliyana iskaba daa warkeeda.

Xaqiiqdii Imaatinta Kooxdaasi si badal weyn ayey keentay, waxaadna moodaysay in isbadalkooda ahaa mid sii diyaarsan oo hanaan la raaco  oo isku xiga la yimid geeska Africa, waxayna noqotay in Ethiopia PM lagu qasbay inuu is casilo, kadibna Abiy Axmed oo aan cidna aqoon u lahayn la keeno Meesha. Laakiin waxaan dadku si weydiin sida Abiy Axmed ku soo dhex galay saaxada siyaasadda iguna Milmay markii horaba xizbiga Tigrega ee dalka maamulayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, iyo sida aysan uga warhayn xitaa Shucuubta Ethiopianka ah oo la waa bariistay in Shaqsi Sirdoonka Itoobiya ka soo shaqeeyey madax looga dhigay. Bal ila eeg 3-dan siyaabood

1. Ula jeedka in la doorto Abiy Axmed wuxuu ahaa in la marin habaabiyo kacdoonka Qowmiyadda OROMADA laguna dajiyo kacdoonkeeda kadibna si hoose loo abaabulo dhismo dowlad qarsoon oo XABASHI oo iskaashi la lahayd Israel qaybteeda FALASHA la yiraahdo ee ku dhex nool Qowmiyadda AMXAARADA, kuwaasoo sanadihii Siddeetameeyadii SUDAN iyo yahuudda Iskaashi dhex maray loogu dhoofin jiray gudaha Israel, lagana yaabo inay dib ugu soo laabteen ayadoo loo soo tababaray inay gacanta ku dhigaan Ethiopia ayna noqoto dowladda 2-aad ee yahuud leedahay, Waayo Amxaaradu waxay aaminsan yihiin inuu dhalay NABI SULEYMAN CS, oo hooyadooda  BALQIISA Reer SABA YEMEN tahay, sidaa darteedana REER Israa’iil ay ehel iyo walaalo yihiin, taasina waxay u saamaxday in Amxaaradu iskaashi xoog badan oo dhisan oo qarsoodi ah laga yaabo inay la gashay Yuhuudda.

2. Guusha Labaad ee Kooxda Maraykanku sameeyeen waxay ahayd Dib u shiisiinta Eritrea iyo Ethiopia kadib markii Meesha laga saaray dhismihii xooga Tigre Ethiopia, heshiiskaas oo burburiyey dhamaan Cabsidii jirtay maadaama Ninka Eritrea haysaa uu Military yahay, Ethiopia loo dhiibayo in aan military ahayn. Guushaas waxay keentay Farxad ay u badan tahay inay oohin ka dambeyndootu oo sirteeda iyo qiyaanadeedaba aan manta cidna ka war hayn karayn.

3. Guusha seddexaad waxay noqotay heshiisyada lala galay Somaliya ayadoo loo kala qaybsanayo Waqooyi iyo Koofurta Soomaaliya oo aan qaybta Waqooyi waxba laga weydiin dowladda dhexe, waana ciyaarta dhaqan gashay ee dowladda soomaaliyeed ku talax tagtay si qaldanna u maamushay, ayadoo ka baxsanaysay in Maamul Goboleedyadu noqdaan dowlado ay toos uga amar qaataan  ayaga.

4. Albaabka ugu dambeeya ee in la soo xiro la doonayo ayaa ah in Awooddii ka jirtay dalka Itoobiya ee Tigre la bur buriyo lana diyaariyo hanaanka Mustaqbalka loogu diyaarin lahaa la wareegista Qowmiyadda Amxaarada talada Dalka Itoobiya, ayadoo lagu billaabayo kacdoon Amxaaro hogaamiso oo loo ekeysiiyo kala aar gudasho qowmiyadeeda iyo qab Jabinta qowmiyadda Laga Tirada Badan yahay ee Tigree.

Heshiiska lala galay Eritrea wuxuu ahaa gogol dhiga burburinta quwadda Ciidan ee Tigreegu leeyahay taasoo aysan aad uga fekerin Eritreanku, waxadna dareemaysaa sida loo dhisay hanaanka isku xiran ee haddana isku xig xiga oo  aan midna u guul daraysanayn, guulna ugu soo dhamaanaya Habka ay dhiseen raggii Daaha Dabadiisa qorshaha Geeska Africa ka dhisay walina ka maamulaya.

Eritreanku wali maysan fahmin kamana fekerin waxa ku xigi doono kadib burburinta Ciidanka Tigreega waxayna u dhowdahay in wajiga ugu dambeeya  ee lagu soo gunaanadayo uun noqon doono sida Meesha looga saari lahaa Awoowda Eritrea ama ugu dambeyn dib loogu soo celin lahaa dalka Eritrea dowladda Itoobiya

Aan dib ugu noqdee, Heshiisyada Dekedaha wuxuu ahaa qiyaano Qaran oo aan aad looga fiirsan ayadoo aan la samayn technical team kala shaandheeya waxa masiirta dekedahaas noqon karo iyo guud ahaan habka looga faa’iideysan karo labada dowladoodba, waxaase yaab lahayd in Somaliland loo maray Imaaradka heshiiskina ay miisaaniyad ahaan ka noqdeen Minority qolada deegaanka iyo dekedaba isla lahayd ee Somaliland, oo xitaa Baarlamankii Somaliland doodiisa lagu heshiin waayey lana qasbay cidkastoo Su’aal ka keentay heshiiska Dekedda Berbera, loona aqoonsaday dad aan horusocod ahayn, ayadoo maamulka Somaliland CIIFO Collaad Koofureed darted waxkastaba uga gudbeen oo xitaa xaqoodii ay lahaayeen dhiibeen ayagoon waxba ku badalan.

Dhanka kale xamar oo dowladda dhexe ku nooshahay ayaa ayaduna aad uga sii xumayd, kadib markii Abiy Axmed Imaanshahiisa iyo heshiiska dekedaha Koofurta aan aad xeer ahaan loo hadal qaadin baarlamaan, waziiro, iyo cidkaleba. Isku soo duuboo heshiiska dekedaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo aan ahayn mid kala cad oo muuqaalkiisa Mustaqbalka madow yahay ayaa haddana waxaa ku sii darmay dhaq dhaqaaqa Itoobiyaanka ay ku hor marinayaan Cududda Ciidan qaasatan dhismaha warshada agabka military, iyo tan Energy wax lagu soo saaro, sida ka dhalinta TAMARTA Biyaha wabiga Nile-ka iyo dhismaha dhaqaalaha dowladda Itoobiya.

Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.