Dibu-Heshiisiinta Soomaaliyeed

Ahmed Warsame (Keydmedia) - Nairobi - Shirka Dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed waa inuu ka dhaco dalka gudihiisa, iyadoo loo magacdayayo oo heshiis lagu yahay meesha ku habboon.
Maqaallo Keydmedia Online
Dibu-Heshiisiinta Soomaaliyeed

Waa inay goob-joog ahaadaan ergooyin ka socota xulka bulsho weynta ummadda oo ka markhaati kaca cidda nabadda doonaysa iyo cidda diiddan. Cidda dan gaar ah wadata iyo cidda u danaynaysa bulsho-weynta Soomaaliyeed. Cidda nabadda xambaarsan iyo cidda colaadda hurinaysa. Ninka jeebkiisa u shaqaysanaya iyo ninka ummadda u danaynaysa. Ninka dalka dhisaya iyo kan burburinaya.

Bulshadu waa inay kala barataa kan shisheeyaha ku tiirsan iyo kan ummaddiisu xambaarsan tahay. Inta magac fiican hakaa haro u taagan iyo inta tiigsaanaysa dano ku meel gaar. Inta qabiilnimo iyo gobolaysi ku dhaadanaysa iyo inta qaranimo iyo midnimo u ololaynaysa.

Xubnaha shirka goob-joogga ka noqonaya waxaa kamid ah: Wufuud laga soo xulay haweenka, dhallinyarada, culumaau’diinka, cuqaasha, isimmada, nabadoonka, ugaasyada, garaadyada, malaaqyada, wabarrada, imaamyada, indheergaradka, aqoonyahanka, gabayaalka, suugaanleyda,iwm. Xaalaal dharaar baa la quutaa, inta kor ku xusanna weli kama qayb-qaadan shir dawladnimo lagu dhisayo.

Inta kor ku xusan waxay bogaadinayaan habsamida shirku u socdo, waxayna ammaanayaan siyaasiinta u heellan dibu-heshiisiinta iyo xukun-wadaag caafimaad qaba. Siyaasiintu waa inayna marna ka marnaan isu tanasul iyo u danaynta ummadda Soomaaliyeed.

Goob-jooggtu waxay tubta fiican ku toosinayaan siyaasiga heshiis-darrada wada. Kan sad-bursiga ku mintida. Kan la xafiiltama kan uu la tartamayo. Kaan xurmaynayn meesha danta ummaddu ku jirto. Bulshada goob-jooggta ahu waxay farta ku fiiqaysaa kan xukun keliya u malabsanaya oo ka tallaabsanaya danta ummaddu halka ay had walba ku jirto.

Nin doorka ummadda Soomaaliyeed hagi kara waxaa ka markhaati kacaya xubnaha ka tarjumaya danta ummadda, waana inay iyagu soo xulaan oo halkaas lagu caleemasaaro, iyadoon loo fiirin beesha uu ka tirsan yahay, jawaannada lacagta ah oo gurigiisa ku tiirsan oo loogu talo-galay cod-iibsasho iyo olole ku slaysan is-barrax shakhsi.

Sidaas baa looga gudbi karaa qabiilnimo, beelaysi, gobolaysi, ka ganacsi xukun- boob iyo ka xorow danaysi shisheeye.

Qofnimada siyaasiga bulshadu xusho si fiican baa loo shaandhaynayaa. Waxaa laga baadi-goobayaa daacadnimada uu dalkiisa iyo dadkiisa u qabo. Dakano la’aanta lagu yaqaan inuusan dhiig-sokeeye daadidin. Hoosgal shisheeye inuu ka fiyow yahay. Hanti qaran inuusan bililiqaaysan. Inuusan huwanayn caadifad qabiil, lablakac gobolaysi iyo naas-nuuji beeleed ama mid shakhsi.

Waa inuu leeyahay aqoon hufan, dulqaad iyo miyir maamul dawladeed lagu hoggaamin karo. Xulka qof-doorku wuxuu noqon karaa rag ama dumar, hadba qofka buuxin kara shuruudaha kor ku xusan.

Shir kasta oo lagu qabto dalka dibbaddisa lagama filayo inuu yeesho nuxur heshiis dawladnimo lagu dhisi karo oo run ku nagaada. Ma lahaan karo astaamihii ummaddu lahayd oo ku heshiin jirtey, waxna ku qaybsan jirtey, sida: Xeerka, hiddaha, dhaqanka, bogaadinta, iyo isku-tanasulka, kuwaaso ah astaamo soo jireen ah oo lagu heshiiyo.

Shir kasta oo lagu qabto dalka dibbaddiisa kama fiyoobaan karo gacan shisheeye oo dan gaar ah leh ama hoosta ku wadata shakhsi ka turjumaya dan laga hoggaamiyo Nairobi ama Addis Abeba. Kama fiyoobaan karo madaxweyne shisheeye ah ama safiir uu soo wakiisho si uu usoo baxo siyaashi shisheeye ku tiirsan oo loo ballan-qaaday dhaqaale uu doorashadiisa ku iibsado, isla markaana uu meel mariyo danta shisheeyuhu ka leeyahay dalka Soomaaliyeed, siiba gobollada koofureed.

Inta aanu kor kusoo tilaannay iyo in badan oo kale hore ayaa loo soo arkay, dawladnimana ku dhismi weydey. Godka aad mar farta gelisay oo masku kaa qaniinay, ma ahan inaad mar labaad ku celiso. Masku waa UN-ka sagaal jeer buuna na qaniinay, welina godkuu ku jirey baanu fartii kusii wadnaa!!!

Ummaddu waa kusoo hungowday shir lagu qabto dalka dibbaddisa oo tiro siyaasiin sheegatay ay albaabbada isu xirtaan oo soo dhammaystaan wax iyaga dantooda ah oo aan dan shacbi ku jirin.

Waa lagu hungoobay inaan UN-ku marna daacad noo ahayn oo dalkeena nala dhisin. Waa lagu hungoobay inayna ka shaqayn sidii ummaddu ku heli lahayd nabad waarta. UN-ku waa nagu baryo tagaa ee nooma baryo tago. Waa dullaal ku yaboohsaday magaca ummadda Soomaaliyeed si uu deeq noogu soo helo, hase ahaatee tumunna nagama soo gaarsiiyo.

Danta UN-ku waxay ku jirtaa inaan is-layno, macaluul u dhimanno, dalkayagu burburo, shisheeye cadow noo ah la hoosgalo, midnimo qaran iyo Soomaalinimana laga quusto.

Sidoo kale, dawladaha Yurub iyo USA midna diyaar uma aha in dib loo dhiso midnimo Soomaaliyeed oo qarnigii 20aad baa taas hoosta laga xarriiqay markii Soomaali weyn loo qaybiyey shan gobol oo mid walba gaar loo gumaystay.

Dagaalkii 2aad kadib, Maraykan wuxuu Yurub iyo Jabbaan ku dhisay muudo ka yar 15 sano. Soomaaliya waxay maraysaa 20 sano oo waalaac siyaasadeed, burbur dhaqaale iyo barakac bulsho isugu jirta. USA, Yurub iyo UN-ku waa noo jeedaan haddana ma doonayaa in Soomaaliya dib loo caymiyo. War aanu isku tashanno oo aan is cayminno…!

Masaal gaaban: Xoolaha inta aan is-difaaci Karin waxay la samaystaan xeelad kale oo ay uga samatabaxaan cadawgooda: Kuwaa isu ekaysiiya xaska ama kaynta ay ku jiraan. Kuwaa orod dheer leh oo cagahooda cadwga uga baxsada. Kuwaa ur qurmoon leh, sida xasharaadka qaarkiis, oo urkooda lagu nacaa oo sidaas ku badbaada.

Kuwaa godka ku libdha markay arkaan cadowgooda. Kuwaa is-baqtiiya oo maydnimo looga tagaa. Kuwaa dhirta tafa oo sidaas cadowgooda uga nabadgala, iwm.

UN-ka, dariskayaga iyo inta la safan cadaw bay noo yihiin. Ma waxaan ka caqli liidanaa xayawaanka iyo xasharaadka is badbaadiya…? Soomaaliyee caqli iyo aragti cusub yeelo oo xoolaha tilmaan buuxda ka qaata si aad u badbaaddaan…!

Ahmed Warsame - Nairobi - Keydmedia Correspondent/Analyst

_____




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.