DIFAACA DKMG: TIJAABO HUB IYO XASUUQ DADWEYNE!!

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - Maxay dadka Soomaaliyeed ku sheekeystaan waayahan danbe dal iyo dibad meel ay joogaanba? sheekadu markaan way ka duwantahay sheekooyinkii hore, qax baahsan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo gobalada kale ee dalka dadku gaajo iyo silic ugu dhimanayaan, waxaasoo dhan sababta ugu horeysa waa madaafiicda aan naxariista laheyn ee ciidamada Amisom ku ganayaan ama la dhacayaan xaafadaha xaafadaha inta badan ay ka taliyaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Maqaallo Keydmedia Online
DIFAACA DKMG: TIJAABO HUB IYO XASUUQ DADWEYNE!!

Maalin kasta hub cusub ayaa loo keenaa ciidamada Amisom hubka culus ee loo keeno huba hubka uu ka danbeeyo waa ka culusyahay waana ka shanqar weynyahay, culeyska hubkaasi iyo shanqartiisa waxaa ka daran hooga iyo halaaga ay badaan dadka iyo duunyada ku nool meesha ay ku dhacaan.

Nafley badan baa hilibkeedu googo’ay, lafaheedu jajabyo gubtay mooyaane aan wax kale laga arag, guryaha uu hubkan ku dhaco way burburaaan waxaana soo baxa aas-aaska dhismayaasha .

Xaafado badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa xiligan hal qof oo nool aanu ku nooleyn waxa aad la yaabeysaa in xittaa bisadihii ama mukulaalihii, eydii, dabacadeeyihii iyana xaafadahaas laga qixiyay ayna ku nool yihiin oo u qaxeen meelaha loo barakacay, illeen ilaahey wuxuu u sameeyay dareen heer sare ah, hadaad buugaagta xoolaha ka sheekeeya akhrisid waxaad ogaaneysaa in meeshii dhul gariir ka dhici doono waxa ugu horeeya ee ka cararayaa ay yihiin bisadaha, fardaha, shimbiraha xittaa xamaaratada kuwa guryaha ku sameesta dhulka hoostiisa way soo baxaan iyagoo tabaya in dhul gariir soo socdo.

Waxaan u maleynayaa in Soomaalida qurbaha ku nooli aaney maleyn Karin in haddii ciidamada Amisom ay madfac tuuraan inaanu tebno gariirka dariishadaha,barxadaha guriga albaabada mararka qaarkoodna ay albaabada qaar ka mid ah ay ka soo daataan meelaha ay saarnaayeen, marka aad sidaa tabeyso waa marka madfac la tuurayo laguna tuurayo xaafadda aad ku nooshahay.

Waxaan tebaa mararka dhifka ah ee aan Muqdisho imaado, shanqarta madaafiicda qaarkood waa lagu dhaga beelayaa, dhiig karka iyo Gaaska loo geeriyoonayo, gaska markaan leeyahay “GASTRITE” da ayaan ula jeedaa dad badanina waa u dhintaan hana sheegin dadka ku nool xaafadaha ay ku dhacayaan, mudo markii la joogaba nooc cusub oo kaarayaal ah ayaa la keenaa.

Hubka ay ganayaan ma ahan mid ay Soomaaliya horey u aragtay ama ay ku arkeen aflaantii Shaneemooyinka Soomaaliya lagu bandhigi jiray ee ka sheekeyn jiray dagaaladii caalamiga ahaa ee 1-aad iyo 2-aad.

Qofka akhrinaya tilmaamaha aan ka bixinayo xooga casrinimada hubka culus ee ay heystaan ciidamada Amisom wuxuu is weydiinayaa haddii hubkaasi ay Amisom heysato sidee bey uga adkaan weysay ciidamada kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee AK4, dabaminshaarro duqoobay IWM ku dagaalamaya?.

Durbaba dadku waxay kuu sheegayaan in meesha uu heshiis ka dhex jiro madaxda ciidamada Amisom iyo horjoogayaasha kooxaha ka soo horjeeda, kuwaasoo dhamaantood calooshood u shaqeystayaal ah.

Heshiiskaas ka dhaxeeya labada dhinac ee dagaalamaya waa mar in Amisom oo ciidamadooda ka socdaan Uganda iyo Burundi ay si joogta ah ugu socdaan mushaaraadkooda ay beesha caalamka siiso oo haatay $1000 ah lana filayo in loo kordhiyo, sheekada kalee dadweynaha Soomaaliyeed ay aaminsanyihiin in ay suurta gal tahay ayaa ah in madaxweynayaasha Uganda iyo Burundi ay doonayaan in ciidamadooda aaney marnaba arag baahi iyo busaarad adag, sidaasoo labada madaxweyna ay uga badbaadi karaan inqilaab Milatari oo gudaha dalkooda ka wajaha.

Dadku waxay kaloo ku sheekeestaan in dowladda Maraykanka ay abuurtay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ama ay raali ka yihiin xumaanta iyo sumcad xumada ay islaamka u soo jeedayaan, islaamka oo ah diin nabad iyo naxariis ku saleysan isla markaana aan ogaleyn in xuquuqda Insaanka lagu tunto.

Kooxahan dowladda ka horjeeda waxa ay ku shaqeeyaan nidaam ku saleysan maafiyonimo, waxa ay ku kacaan falal isugu jira boob hantiyadeed, dhibaateynta umadda iyo kufsi aan kala go’ laheyn oo loo geesto gabdhaha da’da yar ee Soomaaliyeed.

Sideese shacbiga Soomaaliyeed ugu dhex noolyahay laba ciidan oo midkoodna aanu naxariis lahe? Hadaba waxaa arin lala yaaba ah in dowladaha Islaamka iyo ururka islaamka ay ka aamusanyihiin waxa ka dhacaya Soomaaliya ee musiibada ah!!!!.

Warar haatan isoo gaaray waxay sheegayaan in laba wasiir oo ka mid ah wasiiradii cusbaa ee R.wasaare Max’ed Farmaajo loola cararay Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi iyagoo dhiig kar aad u daran uu ku dhacay, waayo waligood ma aanay maqlin hugun hub oo sidaa u xoog weyn, baqdina kama qaadin hugunkaa leh waayo markii dagaalada sokeeye Soomaaliya ka dhacayeen hub sida kan Amisom oo kale ah ma jirin wuxuu ahaa hub hugunkiisa uu iska yaraa.

Xasuuqa madaafiicda laga gano wadada Maka-almukrama wuxuu bilowday waagii C/llaahi Yuusuf OK-da uu siiyay ciidamadii Itoobiya in ay xasuuqaan dadka dega waxa ka shisheeya Villa Soomaaliay iyo Makka-almukrama, hadaba Shariif Axmed madaxweynaha soomaaliya iyo Farmaajo R.wasaaraha cusub nabadii ay ku dhawaaqeen ma xaqiijinayaan mise waxay ku jiraan qandaraaska ka dhaxeeya Amisom iyo xoogaga Dowladda ka horjeeda, oo ma joogsan doonaa xasuuqa maalinlaha ah ee dadkeena la kulmayaan?

Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

________________________________________________________________________________________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.