Dilka Iyo Argagixintu Waa Kiro!

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Madaxda Dawlaadda iyo Hay'adaha Nabadsugiddu way la socdaan in falalka Argagixintu ay yihiin hawlo leh ujeeddoyin kala duwan: Qaar waa kiro Lacag la bixiyo oo lagu khaarajinayo Madax laga cabsanayo inay mudnaanta maskabka la wareegaan sidii: Prof. Ibraahim Caddou iyo Prof. Axmed C/llahi Waayeel.
Maqaallo Keydmedia Online
Dilka Iyo Argagixintu Waa Kiro!

In dambiileyaashii la soo qabto Dawladdu waa ballan qaadday welina caddayna ma keenin!

Sidoo kale, waa wax la ogaaday in falalka Dawladdu ka dambayso aan dabagal lagu samayn, lamana helo ciddii ka dambaysa.

Ardadii lagu qarxiyey Hargaha iyo Saamaha, Dawladdu way ballanqaadday inay dabagal ku samaynayso welina lama hayo ciddii ka dambaysey, inkastoo ay wargeysyadu farta ku fiiqeen cidda ka dambaysey, waxayna ku salaysnayd in la argagixiyo Dawladda Turkiya inayna Muqdisho sal ballaaran ku yeelan lana wiiqiyo aqoonta kobceysa ee Koofurta Soomaaliya.

Yaa Col la ah Suxufiyiinta?

Al-Shabaab iyo Dawladduba Col bay la yihiin Saxaafadda Madaxa bannaan sidaas darteedna labaduba waa wada Ugaarsadaan. Madaxda Dawladda dhexdeeda ayaa is ugaarata, sidii tii ka dhacday Teatarka Muqdisho.

Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa lagu qabtay iyagoo Rasaas u wada Al-Shabaab oo Malintaas laga itaal roonaaday, haddana Dawladdu waxba kama qaban, waayo iyaguba Aargoosashada iyo Argagixisinimada ayay ka qayb-qaataan.


Taliyaha Booliska Sharif Shikhuna Oo Lagu Tuhmay Qaraxyada Muqdisho - EXCLUSIVE


Shariif Sheikh Axmad wuxuu oodda ka qaaday Maxaabiis badan oo Al-Shabaab ah Maalmo kahor inta ayna dhicin doorashadii Madaxweynaha. Maxkamad lama geyn oo laguma waayin dambigii lagu soo qabtay. Cafis laguma sii dayn oo ma ahayn Maxaabiis la Dhaqan-celiyey. Waxay ahaayeen Dad Dambigii lagu soo edeyey aan dhinac iskaga rogin oo Edeysanayaal-Maxkamad Sugayaal ah.

Waxaa surtowda in ay yahiin: Dambiileyaal  Xor ah oo weli wax dilaya. Waa maxay dantii laga lahaa?

Shariif Xasan wuxuu Madaxweyne Xasan Sheikh kala hadlay sidii Golaha Wasaaradda loogu dari lahaa. Markuu ku hungoobay wuxuu rabay waxaa  ku xigey Hoobiye Ummad lagu gumaado. Ummaddu dilkan waxay u aragtaa gaadmo carqalad ku salaysan oo lagu xumaynayo dawladda cusub.

Lama oggola jecaylka iyo kalsoonida Shacbigu u qabo Dawladda Dhallaanka ah iyadoo weliba aan hawlgelin. Ninka Xukunka xun wuu neceb yahay ninka xukunka wanaagsan. Ninka la neceb yahay wuu neceb yahay ninka laga sii jecel yahay, mana jecla in wax u hagaagaan.

Hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.