Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Dadka kasoo horjeeda Maamul goboleedkaas doodohoodu waxey inta badan ku dul wareegayaan Kenya ayaa damac ka leh Soomaaliya iyo Gobolladaas ayaa Hal Qabiil loo qabanayaa, iyadoo dhab ahaanna ay yihiin Gobollo la wada dego.
Dhanka kalena dadka u ololeynaya waxey ku doodayaan in Nidaamka lagu heshiiyey oo lagu Qorey Dastuurku uu qeexayo in dalku yahey federal ayna labo gobol iyo wixii ka badani xaq u leeyihiin iney Maamul Goboleed sameystaan sida Maamulka Puntland ba u sameysatey iyo Somaliland markii goosashada meesha laga saaro.
Haddaba Labada Qoloba arrin aysan ogeyn ama ogyihiine aysan kala jecleyn ayaa waxey tahey haddii dowladda Soomaaliyeed ay hadda oggolaato in Jubbaland la dhiso ineysan jireyn Dowlad dhexe oo dalka dowlad u wada ah.
Taas waxaa ka baddalnaan karta haddii dowladdu hir gasho oo iyadoo dalka xakunta oo xudduudaheeda xakunta oo shacabkeedana ka adag oo u talisa ay dalka si Maamul ah (Administrational) ay ugu sameyso Maamul goboleedyo iyada hoos yimaada oo ayna kala dhaxeyso sharciyo kala xaddidaya Awoodda dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
Dowladda "Jubbaland" waxey noqoneysaa haddii hadda la dhidbo mid la mid ah kuwa Puntland iyo Somaliland oo aysan dowladda dhexe ku laheyn siyaado (ka sarreyn) dhab ah, aysanna kala dhaxeyn wax wada shaqeyn ah oo ka badan Magac u yaal.
Markey Jubbaland sidaas noqoto oo halkaas istaagto awalna hore ay meel gooniya u taagnaayeen Somaliland iyo Puntland Dowladda dhexe markaas yey dowlad u noqoneysaa?
Markii Jubbaland geestaas istaagto waxaa haddana shiraya sidii Jubbaland Digil iyo Mirifle iyo “Dowladaha Igad” waxeyna ku heshiinayaan in la sameeyo "Maamul Goboleed” ka kooban Baay iyo Bakool iyo Shabeellada Hoose! Xataa Ceelasha Biyahu maamulkaas ayey raacayaan!
Markaasna waxa kaliya ood heli karto waa Dagaal ciddiyaha lagu dagaallamo oo dhex mara Dowlad Goboleedka Digil iyo Mirifle iyo Dowlad ku sheeg ka jirta Muqdisho oon heysan sharciyad ay kula dagaasho. Sababtu waxey tahey Digil iyo Mirifle ma aqbalayaan haddii Jubbaland la sameeyo iney kaligood ku hoos jiraan Muqdisho, isla markaasna Deked la
Add comment
Comments