Dowladnimadu in MEYD la Jiidaa??!

Macanaha dowladnimo Waxaa lagu qeexaa Geed har weyn oo ay harsadaan dadka oo idil, isla markaana harkiisa aan laga horjoogsan mucaarad iyo muxaafad waayo dowlada saxda ah waa tan dadkeeda xun iyo kuwa san isku wadataa ee dulqaad yeelata.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowladnimadu in MEYD la Jiidaa??!

22. Bishaan wadada Maka-Almukarama  oo dadka qaar ay ugu yeeraan wadada TFG-da waxaa ka dhacay fool xumo aduun tii ugu xumeed, niman ku labisan dharka dowlada sheeganayana ciidan qaran ayaa hore iyo gadaal wadada waxa ay ugu wadeen meydadka laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasoo ay soo qaldeen kooxda Alshabaab.

Wax walboo lala yaabo waxbaa ka sii daran meel aan ka fogeyn goobta meydadka lagu jiidayay waxaa ku sugnaa madaxweyne Shariif oo isagana meydad kale booqday! Dowladu ma waxay u aragtay guul in la buunbuuniyo meydadka dhalinyarada Soomaaliyeed ee afkaarta qaldan lagu shubay, soo ma aheyn in ay sixitaanka kuwa kale ee afkaartan aaminsan ay waqti ku bixiso? Isla markaana meydka ay marsiiso wadadii uu mudnaa ee aheyd in la asturo maadaama waqtigiisii aduunyada uu dhamaaday isla markaana aanu aheyn cadaw dagaalamaya.

Haween uur leh iyo caruur da’yar oo ku sugneed degmada waabari oo daris la ah halka meydadka lagu jiiday ayaa ku sasay dhalinyarada rasaasta badan jirkooda ay lala dhacay  ee lagu jiiday Laamiga Maka-almukarama, waxaana xog laga helay  waabari iyo agaheeda ay sheegaysaa in dad badan oo meydadkii shalay arkay ay cunto cuni kari waayeen sabab la xiriirta falka argagax ee ay la kulmeen.

Dunida waxaa ka yeelo sharciyo iyo qanuuno waaweyn marka laga hadlayo arimaha dagaalka, waxaana gabi ahaanba mamnuuc ah marka la eego diinta islaamka iyo xeerarka dagaal ee dunida in meydad sidaa loola macaamilo maadaama ay acmaashoodii dunida idlaatay isla markaana reer aakhiro ay noqdeen.

Diinta islaamka marka ay ka hadleyso arimaha la xiriira meydka waxa ay fartay umadaha islaamka in mar walba ay ku dadaalaan sidii ay u asturi lahaayeen meydka ruuxa muslimka ah, sidaasi si la mid ah ayeey diinta islaamka fareysaa umadda muslimiinta ah haddii ay la kulmaan meydka qof gaal ah in ay iska asturaan si aanay dhibaato caafimaad aanu bani’aadamka nool kala kulmin, waxaana lagu daray shuruud ah in aan lagu aasin qabuuraha muslimiinta.
Dowlada waxaa hogaamiya Shariif Shiikh Axmed oo ah Shiikh Diinta islaamka wax ka yaqaan waxaana sidoo kale xubna ka ah culimo waaweyn oo dadka Soomaaliyeed mudo hore ay ka dhageysan jireen duruus diini ah, aaway diintii ay barteen, aaway kutubka iyo sunada wixii ay dhigeysa, arimahaasi oo dhan ma waxaa kala weynaaday ku faanida iyo u bandhigida warbaahinta u badan reer Galbeedka meydadka dhalinyaro muwaadiniin Soomaaliyeed ah, alle muxuu danbi weyn dhacay Shalay!!!!.
 
Hadaba akhriste ma u aragtaa dowlad dadka ku kacay falalkaasi foosha xun? Ma is leedahay way is taahilaan in Dal iyo dad ay xil u hayaan? Maxaad ku tilmaami laheyd  ka aragti ahaan adiga? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Nacimo Cabdi – Muqdisho – Keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.