Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!

Dr.Ali. A. Hirabe - Waxaan Ilaahey uu nagu wargeliyay in diinta ilaah aanan lagu dhaafsiisan wax yar oo aduunka kugu kaafiyo,balse Suurada An-naxl aayada 94 aad ayaa dhaheeysa : ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin.
Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!


4,5 ilaah kitaabka kuma sheegin ee waa mid cadaalo daro ku ah dhamaan umada Somali, ma cadaaladbaa 30 Hawiye, 30 Daarood, 30 Dir iyo 30 Digi iyo Mirif halka 15 ay yihiin inta dulman oo ah 65 % Qabiilo Somali??

Waxaa xusuus mudan in wax laga sheego in gumeeysiga cadi uu weligiisba raadinaayay sidii uu umadaan diinta uga fogeeyn lahaa, waxaa marna la iloobi-karin in dowladii dhalatay 1960 eey aheeyd mid calmaaniyada bilowgeedii ah oo aad u foolxumeeyd , midii ka danbeeysayna ee 1969 waxaa eey aheeyd calmaaniyad shuuciyada dadka waxaa lagu qasbayay mabaadiida Linin iyo Markis,waxii ka danbeeyayna waxaa dalkan ka dhashay calmaaniyiinta qabiilka ku dhisanoo burburisay kaabayaashii dhaqaalaha abuurayne burbur umadeed.

Waxaa xigay dowlad calamaaniyada qabiilka ee qaab dhismeedkeedana ahaa  4,5 waxaa wax laga naxa ha in maanta diiwaanka aduunka lagu qoray in Soomaali eey tahay afar qabiil iyo bar, hadaba waxaan dhihi lahaa waxaa jira wax yaabo aad u farao badan oo eey soomali ku heshiinkarto marka laga tago qabiilka.

Waxaa ugu sharfta badan oo eey soomaali ku heshiin kartaa diintooda Islaamka iyo sunadii nabigeena Maxed SCW, waxaa foolxuma ah in aan ku heshiino sharuucda laga soo maanguuriyay gaalada in dalkaan lagu dhaqo, waayo maaha sharuucdaa kuwa la jaan qaadikara umada ku dhalatay islaamka.

Duubabka ka yimid Puntland waa kuwa dhagarqabayaal ah oo dhawaan ansixiyay dastuurka dhaaquutka Puntland kaas oo aad ugu fog cadaalada shacuubta Puntland gaarahaan,guudahaane Somalida oo dhan, dib u fiiri dastuurka Puntland ee dhawaan la ansixiyay:

Qodobka 38aad - MUWAADINNIMADA

1. Qof kasta oo leh Jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland.

2. Muwaaddinka Puntland luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale!!!!

Akhristow Duubabkii asnixiyay arimhaan kor ku qorani miyeey dhab ka tahay ansixinta dastuurka qabyo qoraalka, muwaadinimada Puntland iyo jinsiyasada Puntland ma aha wax qeexan oo Somalinimo isku soo jiidi kara,halkan waxaa ku cad in Puntland eeyan Somali ka tirsaneeyn.

Qodobka 39aad - WAAJIBAADKA MUWAADINKA

1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:

(b) Dhawridda diinta Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.
(t) Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka Qarannimada Puntland!
(j) Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato.

2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.