Ergayga UK Oo U Ololeynaya In Hub Loo Dhoofiyo Somaliland (Xog & Masawiro)

London (Keydmedia) - Safaarada wadanka Ingiriiska qeybta qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si cad ugu meel uag dhacday qararadii Golaha Amaanka ee cunaqabateyta hubka ee Soomaaliya, kadib markii uuqoraal muujinaaya in hub loo gudbiyo Somaliland waqti ay dagaalo ka socdaan deegaanka Kalshaale.
Maqaallo Keydmedia Online
Ergayga UK Oo U Ololeynaya In Hub Loo Dhoofiyo Somaliland (Xog & Masawiro)

Sida ku cad dukuminti qoraal ah oo heley waxaa Ergeyga safaarada UK u metela arimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Matt Baugh codsi u jeediyay safiirka DFKMG Soomaaliya u jooga dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur [Ameriko] isagoo ka codsaday inuu warqad u soo qoro taasoo cadeyneysa in TFG [DKMG Soomaaliya] ay raali ka tahay sidii taageero militeri loogu fidin lahaa Somaliland oo sida uu sheegay wakiilka UK wax looga qabanayo la dagaalanka wax uu ku sheegay amaan darri ka jirta gudaha Somaliland.

Waxyaabaha ku qoran warqada:

- In dawlada UK ay dooneyso taageero dhanka militeriga oo ay siineyso Somaliland.

- In taageeradan militeri oo khuseysa dhanka amniga ay tahay mid ku wajahan si Somaliland uga hortagto wax loogu yeeray “shakhsiyaad iyo kooxo doonaya inay wiiqaan amaanka Somaliland”.

- Safiirka DKMG Soomaaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameriko waxaa laga codsaday inuu warqad ku soo jawaabo, kuna soo cadeeyo sida uu u taagersan yahay hindisahan ka soo baxay wakiilka UK ee Soomaaliya Matt Baugh. (Fadlan ha xadin qoraalkaan-Raxanreeb.com baa leh qoraalkaan- hadaad jecleysato na weydiiso)

- Matt Baugh wuxuu cadeeyey in taageeradan militeri ay qeyb ka tahay qorshaha UK ee taageerada guud ahaan Soomaaliya ee sanadka 2011-2012.

Nooca taageerada uu xusay Matt Baugh:

1- Dhismaha ciidanka militeriga iyo tababaridooda.

2- Tababarada booliska iyo abaabulkooda.

3- Ka talabixinta iyo nidaaminta miisaaniyada ciidamada.

4- Talobixinta dhanka saadka iyo Sahayda.

5- Qoritaanka askarta cusub iyo daryeelka kuwa hawlgabka ah.

6- Ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidamada & darajooyinka.

7- Bedelida qalabkii hore ee ciidamadu heysteen si loo horumariyo awooda ciidanka (Waxaa ku jirta baabuurta gaashaaman, hubka iyo miinooyinka).

Haddaba sida ku cad qoraalka uu soo qoray Matt Baugh in qalabka qaarkiis [sida hubka, qalabka tababarka] la keeno gudaha Soomaaliya waxay u baahan tahay fasax laga helo guddiga Cunaqabateynta Hubka ee UN (UN Sanctions Committee) maadaama Soomaaliya ay saaran tahay cunaaqabateynta hubka ee la saaray 1992.

Wuxuuna wakiilka Matt Baugh ka codsaday safiirka DKMG Soomaaliya inuu u soo saxiixo qoraal cadeynaya in dawlada TFG ay ogoshahay qorshahan si looga dhaadhiciyo guddiga UN-ka ee hubka in arintan ay ogoshahay dawlada TFG oo heysata aqoonsiga beesha caalamka, Talabaadaasi oo u fududeyn karta UK inay hub, saanad, iyo wixii ay doonto ka dejiso Hargeysa.

Matt Baugh waxaa sida ku cad qeybta dambe ee qoraalkiisa uu sameeyey balanqaad ah in UK ay taageero tanoo kale ah siin doonto dawlada TFG haddii buu yiri “wax xoogaa xasilooni ah ay ka hirgasho Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya”.

Waqtiga taageerada:

Waxaa xusid iiga baahan inaan sheego in waqtiga warqada la qorey ay ahayd February 2011 waana xilli uu socday dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee ay ku dirireen dadka deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada Somaliland. Waxaana dabcan muuqata in taageeradan loola dan lahaa ciidanka Somaliland ee ka dagaalamaya Kalshaale welina halkaa ku sugan.

Tusaale kale oo midaa muujinaya ayaa waxaa uu yahay ereyada uu wakiilka UK Matt Baugh ku qorey warqada ee uu leeyahay “we can give targeted support of this kind to try and counter constant threats from individuals and groups who seek to undermine efforts to achieve peace”. Hadalkaasi oo marka si macnawi ahaan loo qeexo noqonaya “in Somaliland lagu caawiyo dagaalka ay kula jirto dadka Kalshaale iyo Buuhoodle”.

Waxay sidoo kale arintan soo daah furantey iyadoo xiisado u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland ay ka taagan yihiin magaalada Laascaanood

Halkaan Ka Fiiri Lifaaqa Warqada Ergayga Ingriiska:




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.