Ethiopia & AMISOM oo ku daagalamay Somali

Dr. Ali. A. Hirabe - Al Shabaab oo ah urur guracan oo aan laheeyn ujeedo ama aragti somalinimo waxaa uu ku jiraa xaraarug arinka waxaa uu maraayaa ri gowracan geedo kama waabato,diinta islaamka ee Sharafta badneeyd sawirka aay ka bixiyeen waxaa uu noqday mid caalamka islaamka uu ka naxo kana biyo diido.
Maqaallo Keydmedia Online
Ethiopia & AMISOM oo ku daagalamay Somali

Somalidana waxaa aay u aragtay ururka shabab mid laga soo min guuriyay Afganistaan waa mid Afganistaan caruurta somaalina waa u xaabo dhiigooda lagu qubo si loo gumaado,waxaanse is weeydiiyay maxaa xiga Al shabab ???????  Waxaad moodaa in Shariif iyo kooxdiisa in aay weli codsanayaan ciidamada AMISOM oo dheeri ah iyada oo la ogyahay in ciidamaa  codsigeeda uu lahaa C/aahi Yusuf halka kuwa Ethiopiana  aay haayeen kuwa uu la soo galay qandaraas si aay u gumaadaan reer Muqdisho, labadaa ciidamba waxeey xiligaan u muuqda kuwa dalka Somali ku dagaalami doona haddii aanan la helin qorshe aragti dheer.

Waxaa soo ifbaxeeysa in axdigii ku meelgaarka ahaa ee Impagaati iyo baarlamaankii lagu soo dhisay Kenya iyo Jabuuti labadaba daaqada laga tuuray,waxaa xiligaan lagu shaqeeyaa oo dowladnimada lagu yahay ayaa ah ninwalbow sida aay kula tahay wax u samee,Sh. Xassan waxaa uu taagan yahay Ethiopian fadaane AMISOM mafadaano.

 Faroole waxaa uu taagan yahay anigaa mudan in aan hasha maandeeq qeeybiyo oo cid iga sareeysaa ma jirto,C/weli haddii uusan waaleen waa uu xishoon lahaa sabbabta oo ah qorshaha uu wadaa maaha mid Somali aay la jaan qaadi karto,waxaa uu  Roadmapka ku sheegay maaha mid lagu soo celin karo qaranimadii Somalia.

Somaliland 1991 ilaa iyo hada waxba kalama socoto waxa somalida koonfur ku heshiisay balse waxaa cad in C/weli uu sii fogeeynayo wallaalaha Somaliland.

Intaba waxaa aragti gaaban ka qaatay Shariifka oo aad moodo in uu marlabaad loolan  humaaga siyaasadeed  oo aanan ifafaalo cad laheeyn uu iskugu dhiibo Puntland si uu u noqodo madaxweeyne somali,waxaa taasi daliil u ah asaga oo siyaasadeeyay Aaskii C/aahi Yusuf  si Faroole awoodiisa loo yareeyo,waxaase cad in Puntland seddex reer aay hagbad ( Ayuuto ) ku wada jiraan Faroolene uu ugu danbeeyay halka Gagaab jufada uu ka soo jeedo xiligaana aay taagan yihiin ayuutada lugta xigta anagaa lehwaxeeyna ka biyo diidan yihiin  kororsiga Faroole sida Jufada Cade Muuse aay u diiday.

Gobolka dhuusamareeb ahlusuna ma ogola AMISOM oo waxaa aay saaxiib dhaw la tahay Ethiopia sow ma cada Ethiopia oo aanan sharci ku joogin dalka Un ka iyo AU ka midna sharciyadooda ku imaan dalka Somali in xiligaan aayan ka baxeeyn Somali,siyaasada aanan rajadeeda muuqan ee ka dhax jirto Somalida maxaa diidaya in AMISOM iyo Ethiopia ku dagaalamaan Somalia, Roadmap kuma cada xiliga aay ka baxayaan somali balse waxaa ku cad in la soo kordhiyo ciidamada ajnabiga ah sow akhristow murugo cusub maah,ninwalbaa waxaa uu xilka u qaaday in uu xoolo urursado balse ma jirto cid xurmo iyo soo celinta sharafta somali xilka u qaaday.825 nin dalka masiirkiisa dastuurka ma mudna in wax laga weey diiyo balse waa dhagar Garowe laga soo maleegay fashilna & foolxumana ku dhamaaneeyso haddii ilaah idmo.

Muqdisho in aay oydo marwalba waxaa sabbab u ah Shariif oo awoodii shacabka  gobolka banaadir u diiday in aay qeeyb ka noqdaan soo celinta nabada sabbabta oo ah taageerada uu ka doonay Puntland iyo Faroole waxaa aay aheeyd mid qalad ah balse waxaa uusan ogeeyn in gogosha dowlada in aay tahay Banaadir,masiirka caasimada ma waxaa go´aankeeda gaaraya siyaasiyiin aanan u dhalan Muqdisho ??

Muqdisho shacabka ku dhaqani waa dil sugayaal marba haddii aayan talada dalka eeyan wax ku laheeyn,canshuurta gobolka Banaadir laga qaadaa ayeey dowlada ku shaqeeysaa xagee daqli kale ka soo galaan dowlada ?? Puntland No no no in canshuur laga qaado gobolka Banadir waxaa diidan C/weli haddii 85% uu qaatay daqligii dekeda iyo airporka Muqdisho gobolka Banadir 15 % maxuu ku qanab karaa ???

Sow cadaalo daro maaha,waxaan leeyahay Muqdisho daqliga laga abuuri karo waa lagu xasilin karaa ee yaa diidan ?? Tarzanow fadaln ama ka muuqo ama ka maqnow.

Alow Sahal umuuraha.

Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.