Exclusive: Wajiga Cusub ee Faroole

Keydmedia Online Exclusive - Telefishinka laga leeyahay Dalka Australia ee lagu magacaabo SBS ayaa wuxuu dhawaan soo saari doonaa Mashruuc Filim oo laga sameeynayo Abdiraxmaan Faroole iyo Caruurtiisa.
Exclusive: Wajiga Cusub ee Faroole

Qoraal lasoo gaarsiiyay Keydmedia Online ayaa waxaa ku qoran in Filimkaas ay duubayaan Koox u dhalatay Dalka Australia oo ka sheekeynaya Taariikh Nololeedka Cabdiraxmaan Faroole iyo Caruutiisa, asagoo la sheegay in uu halkaas ku noolaa mudo 20 Sano ah intuusan noqon Hogaamiyaha Gobollada Bariga Soomaaliya.

Filimkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ku kacaayo Hal Malyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana looga danleeyahay in dhulka laga qaado Sumcada darada "Image-ka" Cabdiraxmaan Faroole, lana muujiyo "Hormarka iyo Democraciyada" uu u horseeday Maamulka Puntland.

Waxaa kaloo la doonayaa in Filimka lagu muujiyo sida uu ula dagaalamay Cabdiraxmaan Faroole Burcad Badeeda Soomaaliya.

Jaraa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.