Fadeexadii Faroole & Caalin Dubai

Dr. Ali. A. Hirabe - Alow ceeb looma dhinta, Faroole maxaa ka qaldan? Xagee laga xukumaa Maskaxdiisa?? Kuu sheekeeye kaa sheekeye hala sheekeeysan.
Fadeexadii Faroole & Caalin Dubai

Faroole waxaa uu yimid Dubai asaga oo damaciisu yahay in uu ku fadhiisto kursiga Madaxweeynaha Somalia Shirkii loogu hadlayay burcadbadeeda Somalia balse waxaa la fadhiisiyay kuraasta gadaale ee martida ka soo qeeybgashay Shirka la fadhiisiyo.

Waxuu dalbaday in loola dhaqmo sidii Madaxweeyne, waxaase diiday ciidamada muqaabaraadka ee Imaaraadka, intaas waxaa aay aheeyd naruuro, waxaa dhacday gabagabadii shirkii Somali & Somaliland ee Siilaanyo iyo Shariif ayuu mar uun is iloobay kursigana ka soo kacay asaga oo ku dhawaaqaya Anigana la madaxweeyne ayaan ahay Shariif  balse dib ayaa kursiga looga celiyay sida aad ka arkeeysaan sawirka halka Caalin u muuqda nin lahaa damaca Faroole  oo kale ayaa kursiga hoos isgu dhajiyay  markii uu arkay qaabka Faroole loola dhaqmay.

Dhamaadka shirka ayaa Caalin loola caraaray Cisbitaalka Dubai halkaas oo uu wadnaha ku soo booday dib u fiiri sawirka.

Xaqiiqdii Faroole waa qaswade haddii caalamka aay run ka tahay in talaabo laga qaadayo cidwalba oo ka horimaaneeysa shirarka dib u heshiisiinta Somalia waxaan soo dhaweeyneeynaa in Faroole uu noqday nin xaraga goostay xiligaana loo baahan yahay in caalamka uu wax ka qabto.

Sida oo kale Shariif iyo Siilaanyo oo Caalamka u qora warqad  aay ku cadahay qaswadanimada Faroole Somali & Somaliland ayaa ku filan.

Caalin oo fadhiya loona diiday in uu sare u kaco...

Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane ( Puntland ) oo aan doonahayn inaad hesho daa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.