Fadeexadii Faroole & Sakiin ee Uganda Magaca Soomaali

Shirkii ICG ee ka dhacay dalka Uganda waxaa aay martadii la yaabtay dhacdo aad u xanuun badan oo runtii aanan laga fileeyn qof Somali ah weliba sheeganaya in uu yahay madaxda shacabka somali.
Fadeexadii Faroole & Sakiin ee Uganda Magaca Soomaali

Lama yaabin markii aan ogaaday in uu yahay Faroole sabbabo faro badan awadeed,sawiradaan hoose waxaad ku arkeeysaan iyada oo aay wada fadhiyaan Faroole iyo Sakiin Magaca Somalina ee hortooda la dhigay yahayne mid aay dhigeen martigeliyaasha Uganda,Faroole markii uu dhameeyay qudbadii ayuu mar kaliya tuuray magaca horyaal ee Somali asaga oo xanaaqsan,Sakiin oo aay wada fadhiyeen ayaa damcay in uu dejiyo balse waa ka biyo diiday,Sakiin ayaa magacii dib u soo qaaday dibna ugu celiyay miiskii aay wada fadhiyeen magacii Somali asaga oo kala foorara sida sawiraka labaad aad ka aragto.

Faroole iyo Sakiin aad ayeey isgu xanaageen waxaana dhacday in Sakiin uu ka cararo kursigii uu fadhiyay,waxaa Sakiin bedelay nin aanan Somali aheeyn oo Ugandiyaan ah dibna u toosiyay Magacii Somali sawirka seddexaad kuna qanciyay in Faroole uu ixtiraamo shirka haddii kale dibada looga saari doono.

Faroole inta uusan ogaan in Magaca Somali  uu ku joogo shirka

Sakiin oo Magacii si qaldan miiska ugu soo celiyay

Faroole oo aad ugu careeysan in Magaca Somali lagu soo celiyo miiska & ninka ajnabiga ah ee soo celiayay Magacii Somali

Waxaa cajiib ah in ragas oo kale matalaan Somali iyada oo aayan jecleen Somalinimada,hadaba waxaan qum,an in Sakiin iyo Faroole sharciga la mariyaa laguna qaadaa qaran diidnimo qayaxan.

Faroole waxaa laga hayaa oo umada ugu qudbeeyaa dowlada hada jirtaa waa sii Siyaad Bare oo aanan la barxin ,waxuu tusaale u soo qaataa in Dafle iyo Gabiyo iyo Cali Samatar in aay weli nool yihiin halka Farmaajo uu ku tilmaamay Siyaas Bare Daflene uu ku tilmaamay wasiirka warfaafinta dowlada federlaalka C/riim Jaamac Mudane Xuseen Cabdi Xalane uu ku tilmaanay Gabiyow iyo gabadhii uu dhalay Cali Samatar marwo sahro Maxamed Cali Samatar, halka Xussen Kulmiye yahay Sheekh Shariif colaada Faroole iyo inta aaminsan siyaasadaa guracan waxaan dhihi lahaa C/aahi Yusuf ayaa ku gubtay siyaasadaa dariiqiisii ayaad weli ku soctaan balse idiinka digay C/aahi Yusuf ,loogoow looba joogee.

Puntland siyaasadeedaa waa intaa waxaase leeys-weeydiiyaa reer Baraxleey Banaadir maxeey u burburiyeen haddiiba uu hadafkooda ahaa Baraxleey in dib loogu noqdo,reer Banaadir sarahii aay dhisteen kuwa la mid ah ayeey idiinka dhisi lahaayeen  baraxleey haddii aad ka codsan laheeydeen,hadafka iyo siyaasada aay ku raaceen Puntland weli waa leeysweeydiin,dalka waa  saddex bilood oo maarshaal low ah halageliyo,lagana dhabeeyo in dalka uusan wax fowda ah geleey haddii doorashada la baajiyo.Hambalyo ciidamada xooga dalka Somali iyo guulahii aay ka soo hoyeen soo celinta qaranimada Somalia.


Dr.Ali.A.HIrabe  - Hirabe_a@hotmail.com

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.