FAR KELIYUHU FOOL MA DHAQDO! - BAAQ

Keydmedia ayaa xil iska saartay u codaynta xulka bulshada Soomaaliyeed oo gaadmada lagu dilo. Haddayna jirin cid ka diirnaxda ama ka daqnata dilka aqoonyahanka iyo indheer-garadka ummadda oo sida gaarka ah loo ugaarsado, yaa kale oo laga sugayaa inay iska xilsaarto u codaynta, dabagalka iyo dambi-baarista dadka bareerka loo dilo?
Maqaallo Keydmedia Online
FAR KELIYUHU FOOL MA DHAQDO! - BAAQ

Sidee xaqiiqada looga saal gaari karaa cidda madaxda laysa? Yaa ku habboon oo ka qayb-qaadan karta abaabulka guud, si looga hortago dilka xulashada ku dhaca, kuwii hore loo geystana looga salgaari lahaa?

Waxaa dhab ah inayna madaxda TFG diyaar u ahayn magacabid guddi dawli ah ama mid madaxbannaan oo dabagal ku samaysa baarista cidda ka dambaysa dilka qorshaysan si gacan-ku dhiigleyaasha maxkamad loo soo hortaago.

Keydmedia waxay rumaysan tahay wax kasta oo maanka iyo midigta lagu hayo in laga salgaari karo muddo kasta ha qaatee. Dambiileyaashii Naasiga dilkii iyo tacaddigii ay geysteen 67 sano ka hor waa lagu dabajoogaa ilaa hadda, mar walbana waxaa lasoo qabtaa dambiile raad-gatay oo dalka kale ku nool.

Dad badan oo akhrista website-ka Keydmedia oo ku kala nool cirifyada dunida ayaa nala soo xiriira iyagoo danaynaya inay wax ka ogaadaan dilka madaxda iyo cidda ka dambaysa.

Keydmedia way u riyaaqsan tahay ehelada iyo asxaabta marxuumyada gaadmada lagu dilay, has ahaatee qof-qof uguma jawaabi karno dadka faraha badan oo arrimahaas jeel in laga salgaaro.

Sidaas darted, waxaa lagama maarmaan ah in eheladii iyo asxaabtii marxuumiinta inay is- abaabulaan oo u ololeeyaan sidii dambiyadii dhacay loo baari lahaa si maxkamad loo soo hortaago cidda ka dambaysa dilka sidaas u dhaca, iyadoo lala kaashanayo bulshada Soomaaliyeed iyo inta kale oo u codaysa xuquuqda aadamiga.

Maadaama ay dhici karto in ehelada marxuumiinta ay ku kala daadsan yihiin dacallada dunida, Keydmedia inta lasoo xiriirta waxay lasii xiriirin doonta kuwa webside-ka lasoo xiriirta oo danaynaya in la furo baaris xaq-soorid ku salaysan oo xaqiiqada looga salgaaro, dambiileyaashana maxkamad loo soo hortaago, cadaalladdana loo sugo.

Keydmedia.net



 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.