Dan Qaran mise tiisa gaarka?

Farmaajo muxuu u xumeeyay xiriirka Kenya?

Maqaallo Keydmedia Online

Madaxweyne Farmaajo ayaa markuu dhinacyo badan ka fiiriyay siyaasada uu hadda u baahan yahay inuu doorashadda kusoo galo ayaa waxaa usoo baxday in Kenya la colloobo, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed uga dhigo dantiisa gaarka mid qaran.

Farmaajo muxuu u xumeeyay xiriirka Kenya?

Dad badan ayaa mugdi uga jira muxuu Madaxweynaha kula colloobey Kenya xilligan, oo Itoobiyana uga dhigtay Sokeeye iyo saxiib soo jireen ah?

Waxaa hubaal ah in jawaabtu ay tahay in Farmaajo u qaatay go’aanka uu xiriirka uga jaray Kenya inuu helo Kuraasta Baarlamaanka ee Jubbaland, oo isaga iyo Axmed Madoobe isku haystaan, khilaafna ka jiro.

Si Kuraasta taalla Gedo gacanta ugu dhigo, Farmaajo ayaa Ciidamo u diray Gedo, oo ku qabsadey degaan doorashadda Garbahaarey iyo degmooyin kale, iyadoo Kenya oo difaacda Axmed Madoobe xiriirka u jaray, kuna tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Madaxweynaha uma muuqdo waxaan kursiga ahayn, kama fekerin boqolaalka kun ee dadka qaxootiga Soomaaliya ee ku nool Dhadhaab, Soomaalida ganacsiga ballaatan ku leh Nairobi iyo kuwa degan Kenya.

Wuxuu MD Farmaajo cadaawad u abuuray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, isagoo kuwa gudaha ku sugan ay Ciidamadiisa ku hayaan dhibaato iyo caburin joogto ah, si talada dalka usii haysto.

Waa mas’uuliyad darro aan u qalmin Madaxweyne ummadeed.

Kenya inkastoo ay kamid tahay dalalka deriska ee faragelinta ku haya siyaasadda gudaha, haddana lamid ma ahan Itoobiya, cadowga 1aad ee Soomaaliya, cid kasta ogtahay gumaadka iyo lugooyadda ay ku hayso dalka.

Farmaajo wuxuu saaxiib iyo la-taliye ka dhigtay Abiy Axmed markii uu Ra’iisul Wasaaraha ka noqday dalka Itoobiya April 2018, isagoo go’aan kasta uu gaarayo yahay mid Addis Ababa laga soo ansixiyay.

Itoobiya waxay heshiisyo dhinac walba la gashaa Maamulka Somaliland, oo Addis Ababa ku leh wax lagu tilmaamo Safaarad, iyadoo sidoo kale ka furatay Hargeysa qunsuliyad ay diblomaasiyiin u joogaan.

Waxaa Itoobiya ka jooga Soomaaliya Ciidamo aan kamid ahayn AMISOM, oo magaalo kasta Koonfurta illaa bartaha ku sugan, iyagoo faragelin ku haya arrimaha Maamul Goboleedyada ay saldhigyada ku leeyihiin, sida Koonfur Galbeed.

Arinta Farmaajo uu wado ee colaadinta Kenya waa Baroorta orgiga ka weyn, wuxuu ka dhex arkay tallaabada uu qaadey inay ku jirto doorashadiisa, oo wadadii uu u mari lahaa ka dhiganayo xiriir u jarista.

Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og, shacabka Soomaaliyeed aad bey uga dheragsan yihiin Kenya iyo Itoobiya midka wanaajiyay markii qaran burburka dhacay, cida soo dhaweysay iyo midka dabka holcayay ee dagaalkii sokeeye baasiinka kusii shubayay, ee hogaamiye kooxeedyada hubka siin jiray.

Dowladda Farmaajo waxay albaabada isagu dhufatay Safaaradda Nairobi, waxaa laga soo saarey dhamaan diblomaasiyiintii joogay, iyadoo la joojiyay adeeggii loo hayay shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasadda fashilan ee Farmaajo ayaa laga bartay Itoobiya waa saaxiib, Kenyana waa cadowga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.