Faroole iyo Fadeexad Cusub - Top Secret

Marauder waa shirkad Batrool oo cusub oo Reer Faroole ka iibiyeen dhul baaxaddiisu dhan tahay tahay 60,000 oo sqkm. Waxaa soo if baxay fadeexad hor leh iyo khatar weyn oo soo wajahday dalka iyo dadka Maamulka Puntland amaba Soomaliya oo dhan.
Maqaallo Keydmedia Online
Faroole iyo Fadeexad Cusub - Top Secret

Waa dhac, boob iyo musuq maasuq tii ugu darayd ee ay reer Faroole ku kacaan, waxayna arrintani daaha ka qaadday ujeedada dhabta ah ee ka danbeysey safarkii Faroole iyo Wiilashiisu ku tageen carriga Inrgiiska asbuucyo ka hor.

Safarka Madaxweyne Faroole oo dib loo raad raacay ayaa ahaa mid si xirfad iyo xeelad leh loo raad gaday, lana sameeyey in xataa Madexweynaha iyo Wasiiradii la socday la kala dejiyo Hoteelo kala fog fog, si aan danta khaaska ah ee Qoyska reer Faroole u fusho, ayaa waxaa ka danbeeyey Casumaad Rasmi ah iyo Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Madaxweyne Faroole iyo Wiilashiisa oo dacal ah, iyo Shirkada Marauder Resources East Coast Inc. 720, 440 – 2nd Avenue, S.W.Calgary, Alberta T2P 5E9. Canada.

Riix Halkan Warbixin English

Sida ku cad war murtiyeedka ay soo saartay Shirkada Marauder “Dhaca-Boobka-Suurinta” Resources East Coast Inc. (Hashiiskii oo PDF ku Qoran Akhri), waxaa shirkadaas Boobka-Dhaca-Suurinta Khayraadku hantiday ayna nasiib u yeelatay in loo hibeeyo Saddex aag (3 blocks) ama dhul khayraad oo qiyaastiisu dhan tahay 60,000 Sqm, sida ku cad website ka shirkadaa iyada ah.

Shirkadaas oo ku caan baxday dhaca iyo boobka waddamada dagan oo itaalkoodu yar yahay. Marouder marka magaceeda la fasiro sida qof kastaa uu qaamuuska ka baarri karo magaceedu waa: Shirkada BOOBKA, DHACA, WEERARKA, SUURINTA khayraadka, iyadoo macnaha kelmada English ka “MARAUDER = ROBBER, LOOTER, BANDIT, RAIDER, PROWLER, BRIGAND, RAIDER” oo intuba ku tusinaya hadafka iyo damiirka shirkada M. Faroole iyo Wiilashiisu hashiiska la soo saxeexdeen, in badan oo wadanka ahna u hibeeyeen iyagoo quudh dareeynaya dhaadhaca qoysku ka heli karo.

Shirkadda Marauder waxay kaga duwan tahay shirkadihii hore ee dhulka Puntland laga iibin jirey: waa shirkad ay leeyihiin dad Mafia ah oo xoog iyo dagaal ku muquuniya dantooda iyagoo aan cidna ka haybaysan.

Runtii arintani waxay horseedaysaa khatar iyo mustaqbal xumo soo wajahdayey shacabka Maamulka Puntland iyo Soomaali oo dhan, iyadoo Somalia la daalaan dhacayso qalid duufkii madaxdii hore oo heshiiyo hore saxiixay.

Hashiiskaan M.Faroole iyo Shirkada Boobka-Dhaca-Suurinta Khayraadka waxaa ka horeeyey shirar badan oo La taliyaha Madexweynaha ee Saxaafada Mr. Mohamed Faroole iyo Wakiilka Khaaska ee Madexweynaha Arimaha Khayraadka iyo Waqooyiga Ameerika Mr. Khadar Farole ahi ku tageen Xarunta Shirkadaa oo ku taala Calgary-Canada Bishii September 2011. 

Safaradaas oo lagu diyaarinayey heshiiskaa isaga ah ayey wiilasha ilma Faroole ku dalbadeen in la siiyo maal ay shirkadu u hormariso dawlada iyo shacabka Puntland oo ay dhulkooda la xaraashayo.

Ilwadareedyo ku sugan Cariga Ingriiska waxay noo xaqiijiyeen in ugu danbeyn la isku fahmay, heshiis hordhaca iyo kharasho lagu kala saxiixday madashaas heshiisku ka dhacay ee cariga Ingriiska. Lacagtaasu meeshay martay iyo inta ka soo gaartay dawladda iyo shacabka Punland waa wax u baahan in la is weydiiyo.

Faah faahin:

Saameynta uu heshiiskani ku yeeshay bulshada, siyaasada iyo nabadgelyada Puntland

Aagga Kowaad: EYL-HOBYO – Ilaa Xuduudka Ismaamulka Ethiopia. Qoyska M.Faroole oo shirkada Marauder u hibeeyey Saddex Aag, ayaa EYL-HOBYO ilaa Xuduudka Ethiopia, ka dhigaya Aagga kowaad ee shirkada loo hibeeyey, taasoo isla maalintii heshiisku dhacay, habeenimadii M. Faroole ku dhawaaqay in si loo sugo Aminga iyo Cabudhinta shacabka reer Mudug, si shirkadu uga hawl gasho Aaggaas isaga ah, ay tahay in la keeno Ciidanka AMISOM.

Dadka reer Puntland oo la yaabay dhawaaqii M. Faroole ee Ciidanka AMISOM ee kediska ahaa, ayaan marnama fahmin in ay ka dhalatay Heshiiska Qoyska M. Faroole iyo Shirkadda Marauder.

Siyaasiyiin, Aqoon yahano, Madax Dhaqameedka iyo dadweyna Puntland ayaa arinkan aan fahmin ilaa hadana la daalaa dhacaya xaajadan kedisada ah ee ka soo yeedhay, kelina ku ah M.Faroole iyo ujeedada ka danbeeysa, hadase waxaa hubaal ah in ay u cadaan doonto, meesha sheekadu ka xidhmi la’dahay iyo arinkan Ciidanka AMISOM ee mar keliya M. Faroole kelidiis naadiyey “Meeshii Shacabka Xalaasha ah ee Mudug/Puntland lagu Shirqoolayey ILAAHA WEYN een waxba ka qarsoonayn soow ma joogin!”.

Aagga Labaad: SOOL/HOLHOL. Ayadoo Gobolada SSC ay dhaxal wareegeen oo aanay sir iyo wax qarsoon ahayn in Maamulka Puntland siiba M. Faroole ka gaabiyey soo celinta Laas Caanood iyo dhulka iyo dadka maqan, ayaa hadana shacabka reer Puntland ay kediso iyo fajac ku noqotay inay maqlaan Khudbadii M. Faroole u yeedhiyay M. Kuxigeenkiisa oo uu subaxii Ciid-ul-adxada M.K. Cabdisamad Cali Shire ku hadaaqay in Puntland soo celin doonto dhulkaa sii dhaxal wareegaya.

Khudbadaa iyo firfircoonidaa cusub, ayaa xaqiiqdii waxaa ka danbeeyey heshiiska M. Faroole iyo Shirkadda cusub oo dawlada Puntland ka dalbatay inay dhulkaa isaga ah soo ceshato horta, si ay u hantido lacagta faraha badan oo loo balan qaaday, hadii kalese ay shirkadu la heshiin doonto dawladda Hargeysa!

Aagga Saddexaad: Las Khorey – Ras Gardafui.  Iyadoo  Puntland la ciir ciirayso arimaha amaan darada, dagaalka soo noq noqanaya ee beelaha walaalaha ah ayna hurinayso arinka khayraadka oo Puntland mar hore iyo hadaba ku fashilantay inay maareeyso, iyadoo ay badantahay hadal haynta shirkadaha jooga dalka oo aan hadafkoodu iyo ujeedadoodi cadayn, sida SARACEN, ayaa heshiiska M. Faroole iyo Shirkada Marauder lagu xusay in shirkadaha khaaska ah sida SARACEN ee khibrada iyo aqoonta u leh cabudhinta beelaha Afrikaanka ah ee kacdoonka sameeya, wadamo badana soo tir tiray beelo fara badan, ayaa heshiiskan cusub ee isaga ahi xusayaa in ay arimaha amniga loo idmaday SARACEN, taas oo ay ku qanacday shirakadda Marauder taas oo sahashay in lagu heshiiyo dhulka gadistiisa iyo in qoyska M. Faroole ay helaan lacagihii ay dalbadeen.

Gabagabadii

Waxaa isa soo taraya dhacdooyinka xad dhaafay oo ay maalin walba qoyska reer Faroole sida xaq darrada ah ugu takri falayaan Puntland. Waxaa taa kasii daran iyo yaab iyo amakaag leh sida ay arrimahan uga aamusan yihiin odayaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dhammaan bulshada reer Punltland.

Waxaa werwer weyn laga qabaa raadka arrimahani ku yeelan karaan mustaqbalka, nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland.

Dhacdadii ugu horeeysay waxay ka dhacday Mareero-Boosasso, taasoo shirkada SARACEN iyo beesha degta Mareero fooda is dareen laba casho ka hor, iyadoo dhaawac saddex qof sababtay.

Bal waan dhowrna caqiibada ay reebto maal jacaylka reer Farole iyo aamusnaanta reer Puntland…..!

Cismaan Qandalla Allssc
Exclusive for Keydmedia.net


 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.