Faroole: Puntland Anagaa Iska Leh!

By Bashiir M. Xersi - Nin Ganacsade ahaa baa Todobaatameeyadii gatay baabuurka loo yaqaan SABAAX, oo markaa suuqa baabuurta iyo baladkaba ku cusbaa.
Maqaallo Keydmedia Online
Faroole: Puntland Anagaa Iska Leh!

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu gaarigii Sabaaxa ahaa ku raray Ari loo waday Magaalada Burco, markuu marayo jiiqjiiqda Hiiraan ayuu gaarigii gaddoomay, markaa ayaa waxaa u yimid Boolis, si ay u diwaangaliyaan dhacdada, markii dhawr su’aalood la weydiiyey oo uu malaha qoonsaday ayuu damcay inuu u sheego Booliska in Gaariga gaddoomay, Ariga saran iyo waxa dhan uu isagu leeyahay, wuxuuna yiti: “QOR, SABAAX ARI SIDA, OO BURCO U SIDA, ANAA GATAY, ANAANA GADDISTAY!

In badan baa laga digay fidnada Faroole, ayaandarrada baase ah inaan laga digtoonaan, kaba sii darane, sida wax u dheceen waaba loo heellanaa, ha noqoto deegaanka uu ka taliyo ama dawladdii Shariife, maalintii uu xilka qabtay ilaa maanatadan tacaddi iyo xadgudub unbuu ku soo kordhiyey deegaankaa, Soomaalina sadbursi qayaxan iyo afduub qabiil ayaa ula yimid.

Laga yaabee in Faroole matalo aragti guud oo ay la wadaagaan dad deegaanka ah, haddana, suuragal ma ahan in falalka qaar aysan helin qof diidmo ka keena, haddii aysan ahayn, laabta ka jecli iyo luggooyadu ha socota! Sidan waxaan u leeyahay inta kol ee Faroole xerataraar sameeyey cidna hooy iyo yac midna dhihin, in loo naseexeeyana marag looma haayo.

Xaajadu ugub ma ahan, marka laga eego dhanka cod la’aanta iyo caburka aan la aqoon waxa sababay, haddii aysan ahayn cudurkii aan dawadiisa lahayn ee QABIILKA. C/laayihi Yuusuf baa Xamar Xabashi keensaday, dabcan Madaxweyne wuu ahaa, haddana, uma dhaqmin sida magacu keenayo maamuuskeeda lama imaan, wuxuu dhigay waa loo wada joogay, waxaanse la helin cod dheer ama hoose oo lagu yiri: C/laahi cidaan shisheeye Soomaali ha ku kala gayn!

Sida sooyaal yaqaanku sheegaan taariikhdu mar qura ma dhacdo ee waa soo laalaabataaye, micnaha dhawr kol ayey dhacdaa iyadoo isla sidii ah ama aan wax weyn ka duwanayn tii hore, waxaan uga jeedaa, sidii aan loo oran C/laahi Yuusuf waxa aad ku socotaa waa qalad xigaalada iyo walaaltinimada dhaawacaya, xaajo ugub ahna horseedaya, ayaan Faroolana lo oran sida aad wax ku waddaa dadka ayey kala dilaysaa.

Haddii C/laahi Yuusuf markii laga guulaystay dib ugu soo jabhadeeyey Garoowe, maanta waxaan joognaa in mudane Faroole uusna diyaar u hayan inuuba doorasho qabto, haddi xasuuso doorasho wa midda keentay isagee, oo u sahashay inuu xukunka qabtee, inuu sannad ku darsaday ka sokow, hadda ayuu rabaa shan kale oo hor leh.

Faroole hadduu kala dhantaalay Punland, oo maanta uun ah magac iyo qalfoof kali ah, maxaa yeelay deegaankaa waxaa ka dhisan maamullada kala ah: KHATUMO STATE, ALL SSC STATE, ALL CAYSRLAND, MAAMUKA GALBEEDKA GAALKACYO IQB, maanta wuxuu marayaa inuu malaha dhawrkii magaalo ee ku harayna uu sii kala googooyo, illeen sida uu wax u wado keeni mayso wada noolaashee, aan ka ahayn dagaal iyo dirir hor leh, ayna dhanka kale ka jiraan Somaliland, oo iyana dhinac ka sheeganaya maamullada gobolladaa.

Burburkan waxaa sababay, aad garatide, bal ila eeg magacyadan hoos qoran, dhammaan waxay xilal ka hayaan maamulka uu Faroole hoggaansho, waana wada Qoyskiisa, waxayna kala yihiin:

    Cumar C/raxmaan Faroole
    Sucaad C/raxmaan Faroole
    Maxamed C/raxmaan Faroole
    Cismaan C/raxmaan Faroole
    Qadar C/raxmaan Faroole
    Aamino Abiib, oo ah xaaska mudane Faroole

Haddaba, ma idin la tahay nin qayskiisa ka dhammaan waayey inuu dad kale u maqan yahay ama wax u qabanayo? Warcelinta aqristaha baan u daynayaa.

Gacan ku gambashada Gaas!

Waxaa la yiri: "God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!" Gaas intuu xilka Wasiirka 1-aad hayey, wuxuu si bareer ah ula saftay Faroole, isagoo marar badan ku taageeray mawqafiyo qallafsan oo Faroole ka qaatay geeddi socodka nabadda, waa marka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” oo Gaas ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.