Jiilka Hubka Ku Faana // Shabaab 2.0

Abudlkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Dalkeeni waa baaba’ay oo Burburay, ma jirto cid ka fakarta aayo Umadeed iyo waxtarkeeda, ma jirto dan guud, ma jirto Dariiq toosan isku hagaajin, ma jirto tarbiyo Caruur oo toosan, ma jiro ixtiraam waalid oo haboon.
Jiilka Hubka Ku Faana // Shabaab 2.0

Arimahan oo dhan waxaa laalay Al-shabab oo isku diray Caruurta iyo Waalidkooda isla markaana jideeyay Dhaqano Ummada Soomaaliyeed ay ka xishoon jirtay tan iyo bilowgii Ilbaxnimada Bulshada Soomaaliyeed markii soo bilaabatay.

Waxaan u soo joognay Wanaag lagu badalo Wanaag, waxaan arki jirnay in Caruurta kolka ay imtixaanada iskuulada ama kan dugsi qur’aanka ay ku guuleesto in lagu abaalmariyo Hadiyado Wanaag badan sida in dhar, saacad, kabo iwm. loo iibiyo.

Maanta waxaan u joognaa xili abaalmarintu ay tahay Bam, bistoolad, Ak47 iyo dhamaan hubkii laga ordi jiray.

Diinta islaamka oo ah mid nabadeed waxa ay Umadaha islaamka ku boorineysaa in mar walba laga feejignaado wax walba oo dhibaata horseedi kara isla markaana la muujiyo Dadaal, Wanaag, howl qabad iyo isku gacan qabashada horumarka.

Shabaab waxa ay Ummada u jeexeen Dariiq cusub oo aad uga fog midkii haboonaa ee Ummada loogu tala galay iyagoona wax walba oo laga xishoon jiray ka caadayeeshay.

Seddexdii Sano ee la soo dhaafay Kooxda waxa ay dhalan rog ku sameysay nidaamka dhiira galinta Caruurta Soomaaliyeed.

Halkii Caruurta laga siin laha Nacnac waxa ay siiyaan Bam, halkii jalaata laga siin lahaana waxa ay u dhiibaan Bistoolad waxaana taasi ay daboolka ka qaadeysaa in Kooxda Shabaab ay tahay mid dooneysa in ay sameyso Bulsho dhamaanteed hubka ku Faanta.

Waligey ma arkin Dugsiiley Qori abaal marin loo siinayo, ma waxaa loogu gol leeyahay ha dilo Macalinkiisa” Sidaa waxaa yiri Asli Cismaaneey oo dagan xamarweyne isla markaana idaacadaha ka Maqashay in Al-shabaab Dhalinyaro ku abaalmariyeen hub kadib tartan Qur’aan aqris ah.

Caqliga fiyow ee Aadanaha iyo Diinta Islaamka labaduba waxa ay na barayaan in ay tahay mid haboon barbaarinta ubadka in la hagaajiyo isla markaana laga dhigo Caruurta kuwa Bulshada horumarkeeda ka shaqeysa laakiin ficilda Shabaab marka la fasiro waa kuwa u muuqda in la doonayo Caruur la marin habaabiyay isla markaana dhaqankoodii la badalay.

60 Sana jirka ku dhashay Magaalada isla markaana ka badbaaday Dhaqan Colaadeedka Soomaalida ay ku caan baxday waxaa laga yaabaa inuu ka dhaaran karo isticmaalka hub, laakiin hada waxaa muuqaneysa in Al-Shabaab ay doonayaan in 6 Sana jirka jooga Dalka inuu noqdo mid hubeysan oo laga dhaadhiciyay inuu jiro Cadaw ay Qasab tahay inuu la dagaalamo.

Kama xishoodaan Horjoogayaasha Shabaab oo iski sheega Culumaa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.